Caabuqa Busbuska: Chickenpox

Busbusku waa caabuq si deg-deg ah u faafa oo uu keeno fayraska varicella-zoster virus (VZV). Caabuqu wuxuu halis geliyaa caruurta, dadka waaweyn, dadka habdhiska difaaca jidhkoodu uu daciifka yahay, iyo dumarka uurka leh. Sidoo kale qof kasta oo aanu Busbus hore ugu dhicin ama aan qaadan talaal wuxuu halis ugu jiraa in caabuqu ku dhaco. Way adag tahay in caabuqa Busbusku uu mar kale ku dhaco qof uu hore ugu soo dhacay, walow dadka habdhiska difaacoodu liito uu mar kale ku dhici karo. Dhibaatooyinka caafimaad ee Busbusku keenaa waa 1) caruurta oo maqaarka jidhka iyo nudaha jilicsan ee ka hooseeya maqaarka uu ku dhaco caabuq bakteeriyaad iyo 2) Oofwareen uu keeno fayraka varicella oo ku dhaca dadka aan caruurta ahayn. Marka bukaanku ka bogsado Busbuska, fayrasku mudo dheer ayuu ku sii jiraa jidhka qofka gaar ahaan habdhiska dareenka. Marka qofku weynaado ayaa fayraskii jidhka ku jirey waxa uu dhaliyaa caabuqa loo yaqaan Shingelis.

Waxaa jira nooc Busbus ah oo loo yaqaan “breakthrough varicella” oo caruurta la talaalay ku dhaca inta u dhexaysa 42 maalmood ilaa shan sano ka bacdi maka la talaalo. Nooc aan caadi ahayn oo ah fayraska VZV ayaa keena Busbuska noocan ah. Busbuska noocan ahi ma laha wax xumad ah ama wuxuu leeyahay xumad hoose. Furuuruca ka soo yaaca qofku way ka yar yihiin mana aha biyo galeen (vesicular). Furuurucu waa kuwo maqaarka wax yar ka soo taagan, guduudan, oo dhexda ku leh dhibco ama finan yaryar, waxaana loo yaqaan maculopapular. Mudada uu Busbuska noocn ahi hayo qofka way ka gaaban tahay mudada uu Busbus hayo qof aan talaal qaadan. Sidoo kale Busbuska noocan ahi wuu ka xanuun iyo dhib yar yahay Busbuska ku dhaca qof aan talaal qaadan. Walow xanuunka iyo dhibka Busbuska noocan ah ee ku dhaca 25% ilaa 30% dadka qaatay mid ka mid ah labada talaal ee Busbusku ay la mid yihiin xanuunka iyo dhibka Busbuska ku dhaca dadka aan talaal qaaadan. Sida Busbuska ku dhaca dadka aan talaal qaadan ayaa Busbuska noocan ahi uu yahay mid si degdeg ah u faafa.

Calaamada inta badan lagu garto Busbuska ku dhaca dadka aan talaal qaadan waa:

  • Furuuruc leh cuncun oo marka hore ka soo yaaca wejiga, laabta iyo dhabarka islamarkaana ku baaha jidhka intiisa kale sida afka, xiribaha indhaha iyo xubnaha taranka. Ka bacdi, furuuruca biyo ayaa gala. Ilaa todoba maalmaad ka dibna furuuruca oo dhami way qolofaystaan.

Waxaa kale oo dhici karta in maalin ilaa laba maalmood ka hor inta aan furuurcu soo bixin qofku yeesho:

  • Xumad
  • Daal
  • Madax xanuun
  • Cunto ka go’id

Marka qofka uu soo gaadho fayraska VZV ee keena Busbusku ama Shingelisku, waxay ku qaadataa 10 ilaa 21 maalmood in ay calaamadaha Busbusku ka soo if-baxaan.

Caabuqa Busbusku wuxuu ku faafaa habka hawo ku-faafka iyo habka taabashp ku-faafka: caabuqa Busbuska waxaa la qaadaa marka qof caabuqa u nuguli uu taabto qof qaba caabuqa. Waxaa kale oo caabuqa la qaadaa marka qof caabuqa u nuguli uu neefsado fayraska hawada ku jira ee ka soo baxay furuuruca ama habdhiska neefsashada ee qofka Busbuska ama oofwareenkiisa (pneumonia) qaba.

Marka bukaan qaba Busbus lagu daryeelayo xarun caafimaad ama cusbitaal waa in la raacaa taxadarada soo socda:

  • Waa in bukaanka la geliyaa soocidda hawo ku-faafka iyo soocidda taabasho ku-faafka. Waana in la jiifiyaa qol cadaadiska hawiiidsu taban tahay ee loogu talo galay caabuqyada hawo ku-faafka ah.
  • Shaqaalaha caafimaadka ee daryeelaya bukaanku waa inay raacaan taxadarada hawo ku-faafka, taxadarada taabasho ku-faafka, iyo taxadarada guud.
  • Shaqaalaha caafimaadka ee u nugul caabuqu waa in aanay u dhowaan bukaan qaba Busbus, haddii la heli karo shaqaale caafimaad oo aan u nugleyn caabuqa.
  • Marka la eego caafimaadka bulshada, habka ugu wanaagsan ee Busbuska looga hortegi karaa waa in caruurta laga talaalaa caabuqa.

Marka la eego caafimaadka bulshada, habka ugu wanaagsan ee Busbuska looga hortegi karaa waa in caruurta laga talaalaa caabuqa.

Haddii qofka ama ilmaha qaba Busbus uu joogo guriga waxaa la samayn karaa labada arimood ee soo socda si loo yareeyo xanuunka furuuruca iyo in furuurucu uu jidhka ku sii faafaan:

  • Qofka ama ilmaha oo ku qubeysta ama loogu qubeeyo qamandi la shiidey (oatmeal)
  • Cidiyaha oo la iska gaabiyo si haddii qofka ama ilmuhu uu jidhka xoqo aan cidiyaha xoqidoodu fayraska ku faafin jidhka

Laba maalmood ka hor inta aan furuurucu soo bixin ilaa inta furuuruca oo dhami ka qolofaysanayaan waa in bukaanka lagu hayaa soocidda kor ku xusan. Haddii bukaanku uu qabo Oofwareenka Varicella islamarkaana bukaanka habdhiskiisa difaacu uu daciif yahay waa in bukaanka lagu hayaa soocidda kor ku xusan ilaa iyo inta uu ka bugsanayo Oofwareenka. Shaqaalaha caafimaadka ee daryeelaya bukaanku waa inay raacaan taxadarada kor ku xusan ilaa iyo inata bukaanka laga saarayo soocidda.

Dheecaanka furuuruca, qolofta fuusha furuuruca qalalay, ama dhiig laga qaado qofka ayaa loo diraa sheybaarka. PCR (Polymerase Chain Reaction) ayaa ah habka ugu casrisan ee shaybaarku ku baadho in fayraska Varicella Zoster uu keenay caabuqa Busbuska.

Dhakhtartku waxaa uu bukaanka u qori karaa daawada acyclovir ee lagu daweeyo caabuqyada fayrasyadu keenaan, waxaase muhiim ah in bukaanka loo bilaabo dawada 24 saacadood gudahood marka furuurucu ka soo baxaan. Dawooyinka madax-xanuunka ee aanay ku jirin maadada asprin-ku ayaa qofku qaadan karaa hadii madax-xanuun hayo. Dawooyinka madax-xanuunka ee ay ku jirto maadada asprin-ku waxay caruurta qabta Busbuska u keeni karaan cudurka Reye’s Syndrome oo ah cudur halis ah oo wax u dhimi kara beerka iyo maskaxda islamarkaana keeni kara dhimasho.