Caabuqa Clostridioides difficile Infection (CDI)

Mohamed Abdi, MPH, MT(ASCP), CIC

Caabuqa CDI oo ku dhaca mindhicirka weyn, waa mid ka mid ah caabuqyada shubanka. Caabuqa waxaa keena bakteeriyada Clostridioides difficile, oo loogu dhawaaqo kolostiridhiyam dhifisiil. Caabuqu wuxuu ka mid yahay kuwa la xidhiidha daryeelka caafimaad. Sidoo kalena wuxuu ku badan yahay bulshada dhexdeeda. Sidaas darteed, caabuqu wuxuu ka mid yahay caabuqyada laga qaado bulshada dhexdeeda. Marka la eego cilmiga Abla-ablaynta cudurada (Epidemiology), caabuqu wuxuu ku dhacaa dad aad u badan, waxaana sidoo kale u dhinta dad badan. Tusaale ahaan, dalka Maraykanka sanadkii 2017 wuxuu caabuqa CDI ku dhacay dad ka badan 240, 000 oo qof, waxaana isla sanadkaas u dhintay dad ka badan 12, 000 oo qof.

Noocyada caabuqa CDI marka la eego halistiisa 

Caabuqa CDI waxaa loo qaybiyaa sadexda heer ee soo socda marka laga hadlayo halistiisa:

Caabuq sahlan: Calaamadaha caafimaad ee caabuqa sahlan waxaa ka mid ah in tirada unugyada cad-cad ee qofku ay ka hooseeyaan 15000 unug/ml iyo in heerka maadada creatinine ee dhiigu ay ka hoosayso 1.5 mg/dl.

Caabuq halistiisu dhexdhexaad tahay:  Calaamadaha caafimaad ee caabuqa halistiisu dhexdhexaadka tahay waxaa ka mid in tirada unugyada cad-cad ee qofku ay ka sareeyaan 15000 unug/ml, iyo in heerka maadada creatinine ee dhiigu ay ka sarayso 1.5 mg/dl.

Caabuq halis badan: Calaamadaha caafimaad ee caabuqa halista badan waxaa ka mid ah in heer-kulka qofku hoos uga dhaco sida caadiga ah (hypotension), in mindhicirka qofka uu shaqada joojiyo oo markaa saxaradu fadhiisato mindhicirka (ileus), iyo  in mindhicirka weyn uu barar iyo caabuq dartii weynaado (megacolon).

  • Fuuq-bax
  • Kelyaha oo fadhiista
  • Mindhicirka weyn oo barar iyo caabuq la weynaada. Taas oo horseedi karta in caabuq-keeneyaasha kale ee mindhicirka ku jiraa ay galaan nudaha mindhicirka oo dabadeedna uga sii gudbaan dhiiga oo markaana ay keenaan caabuqa dhiiga.
  • Mindhicirka weyn oo dalooshama (colon perforation)
  • Dhimasho
  • Dadka da’doodu ka weyn tahay 65 jir ee qaata dawooyinka lidka jeermiska ee antaybayootikada, islamarkaana la siiyo daryeel caafimaad.
  • Dadka mudo dheer ku jira cusbitaalada iyo xarumaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah
  • Dadka uu daciifka yahay  habdhiska difaaca jidhkoodu ama uu hore ugu dhacay caabuqa CDI.
  • Dadka qaba ama leh xaalado caafimaad darro sida kelyo xanuun, habdhiska dheefmareenka oo lagu sameeyey qaliin ama hab-daryeel kale, iyo cudurka loo yaqaan inflamatory bowel disease.

Calaamadaha caabuqa CDI

Sida kor ku xusan, calaamadaha caabuqu waxay ku xidhan yihiin nooca caabuqa iyo halistiisa. Hayeeshee calaamadaha soo socdaa waa kuwo guud oo lagu garto caabuqa CDI.

  • Shuban, saxaro aad u jilicsan ama shuban biyo oo kale ah oo socda dhowr maalmood
  • Xumad
  • Calool damqasho
  • Dheefta oo qofku ka go’o
  • Lalabo

Sida looga hortago caabuqa CDI

Waa in la raaco isticimaalka haboon ee dawooyinka lid jeermiska ee antaybayootikada. Waxaa jira caabuqyo badan, sida kuwa ay keenaan fayrasyadu, oo dawooyinka antaybayootikadu aanay waxba ka tarin ama loogu talo gelin. Sidaas darteed, waa in dawooyinka lid jeermiska ee aytaybayootikada la qaataa marka uu dhakhtar qoray oo keliya. Dawooyinka antaybayootikada oo la iska qaato iyada oo aan dhakhtar qorin waxay horseedi kartaa dhibaatooyin badan. Tusaale ahaan, dawooyinka lid-jeermiska antaybayootikadu waxay dilaan oo baabi’iyaan bakteeriyada aan dhibaatada lahayn ee u wanaagsan mindhicirada.

Qofka mindhicirkiisa waxaa ku nool qiyaastii 100 tirilyan oo unug oo bakteeriyo ah iyo qiyaastii 500 ilaa 200 oo nooc oo bakteeriyo ah. Bakteeriyadaas qaarkood waxay faa’iidooyin dhowr ah u leeyihiin jidhka iyo mindhicirka. Faa’iidooyinkaas waxaa ka mid ah iyaga oo bakteeriyada caabuq-keeneyaasha ah ka ilaaliya inay aad ugu tarmaan mindhicirka. Hadaba marka uu qofku qaato dawooyinka lid-jeermiska antaybayootikda, waxaa baaba’a oo dhinta in badan oo ka mid ah bakteeriyadii faa’iidada lahayd iyo kuwii caabuq-keeneyaasha ahaa. Marka ay barkeeriyadaas faa’iidada lihi baaba’aan ayaa mindhicirka wayni wuxuu noqdaa meel banaan oo ay bakteeriayada Clostridioides difficile ku tarmi karto oo si toosana caabuq ugu dhalin karto. Waana sidaas sida uu inta badan caabuqa CDI ku bilaabmaa.

Dawooyinka lid-jeermiska antaybayootikada ee horseeda dhalashada caabuqa CDI waxaa ugu horeeya: Clindamycin, Cephalosporins, Penicillins, Flouroquiolones.

Dhibaatadada kale ee laga dhaxli karo dawooyinka lid-jeermiska ee antaybayootikada oo si aan haboonayn loo qaato waxa weeye iyada oo ay suurtogal tahay in ay soo baxaan oo faafaan bakteeriyo caabuq-keeneyaal ah oo aan u nugleyn dawooyinkaas lid-jeermiska antybayootikada ah.

  • Marka qof qaba caabuqa CDI lagu daweynayo xarun caafimaad ama cusbitaal, shaqaalaha caafimaadka iyo dhamaan dadka daryeelaya qofku waa in ay raacaan taxadarada soo socda:
  • Qof kasta oo ku jira cusbitaalka oo yeesha shuban aan la garanayn waxa sababay, waa in looga shakiyaa caabuqa CDI. Haddii dhakhtarka ama shaqaalaha caafimaadku ay hubaan in shubanka ay sababayso wax kale oo aan ahayn Clostridioides difficile, muhiim maaha in laga shakiyo CDI.
  • Haddii laga shakiyo in qofku qabo caabuqa CDI waa in markiiba la jiifiyaa qol ama meel u gaara oo la geliyaa Soocidda Taabasho Ku-faafka (Contact Isolation). Sida caadiga ah, waxaa qofka la geliyaa soocid marka uu shubmo ama ay shubanto laba ilaa sadex jeer, 24 saaxadood gudahood.
  • Waa in la raacaa Taxadarada Taabasho Ku-faafka (Contact Precautions) iyo Taxadarada Guud (Standard Precautions). Shaqaalaha caafimaadku waa in ay xidhaan gacmo gashi (gloves) iyo diraca soocidda (isolation gown) markasta oo ay gelayaan qolka qofka jiran. Shaqaalaha caafimaadku marka ay ka baxayaan qolka qofka jiran waa inay iska bixiyaan gacmo-gashiga iyo diraca soocidda oo ay ku ridaan bacda qashinka. Shaqaalaha caafimaadku waa inay gacmaha ku maydhaan biyo soconaya iyo saabuun marka ay ka baxaan qolka qofka jiran. 
  • Qolka qofka jiran iyo qalabka dhexyaala waa in si joogto ah oo buuxda loogu nadiifiyaa milanka nadiifinta ee dili kara bakteeriyada Clostridioides difficile sida bleach (Sodium hypochloride). Si gaar ah waa in loo nadiifiyaa meelaha ay gacmuhu sida joogtada ah u taabtaan sida  handaraabka albaabka, halka nalka laga daaro ama laga demiyo, sariirta hareeraheeda, musqusha ama suuliga, iwm.
  • Qalabka lagu daryeelayo qofka jirani waa inay ahaadaan kuwo isaga ama iyada u gaar ah. Waa in si buuxda loo nadiifiyaa qalabka kahor inta aan lagu daryeelin bukaan kale.  Waana in dhamaan qalabka lagu nadiifiyaa milan dili kara bakteeriyada sida bleach (Sodium hypochloride).
  • Si qofka jiranai aanu caabuq-keenaha ugu faafin xarunta caafimaad, waa in la yareeyaa in qofka jirani ku dhex warwareego ama ku dhex socsocdo cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa.
  • Marka qofka laga saarayo cubitaalka, waa in qolkii uu ku jirey iyo qalabka dhexyaal lagu nadiifiyaa milan dili kara bakteeriyada sida bleach (Sodium hypochloride). Waxaa kale oo jira milan kale oo loo yaqaan Oxycide oo isna dili kara bakteeriyada Clostridium difficile islamarkaasna ku haboon nadiifinta qalabka iyo qolka uu ka baxay bukaan-jiifka qaba caabuqa CDI. Waa in uu jiraa hab tayo dhowr ah oo lagu xaqiijin karo in qolka iyo qalabka loo nadiifiyey si buuxda.
  • Cusbitaalka oo leh mashruuca isticimaalka haboon ee dawooyinka lid-jeermiska antaybayootikada (Antimicrobial Stewardship Program) ayaa iyana ah xeelad muhiim u ah kahortagga caabuqa CDI.

Sida loo baadho caabuqa:

looking for, find, internet-1013910.jpgWaxaa jira dhowr siyaabood oo saxarada looga baadhi karo caabuqa CDI. Baadhitaano cilmiyeed oo badan ka bacdi, shaybaarada casriga ah ee dunida dhaqaalaha lihi waxa ay maanta isticimaalaan habka loo yaqaan baadhitaanka lamaan (two step testing). Baadhitaanka lamaani waa iyada oo shaybaarku isticimaalo labada hab ee Enzyme Immunoassay (EIA) iyo Polimerasase Chain Reactio (PCR). Marka hore waxaa la isticimaalaa habka EIA oo saxarada laga baadhaa labada shay ee kala ah: 1) Glutamate Dehydrogenase (GDH) oo ah jir ay leedahay bakteeriayada Clostridioides difficile; iyo 2) Toxin A iyo B oo ah laba dheecaan oo sun ah oo ay soo deyso bakteeriyada Clostridioides difficile.

  • Haddii saxarada laga helo GDH iyo dheecaanada sunta ah ee A ama B, qofkaasi wuxuu qabaa caabuqa CDI.
  • Haddii saxarada laga waayo GDH iyo labada dheecaan ee sunta ah ee A ama B, qofkaasi ma qabo caabuqa CDI.
  • Haddii saxarada laga helo GDH, laakiin laga waayo dheecaanada sunta ah ee A ama B, maxsuulku ma cadda. Saxaradii waxaa lagu baadhaa habka PCR oo laga baadhaa hidesideyaasha dheecaanada sunta ah ee toxin A iyo B. Haddii PCR ku uu helo hidesideyaasha dheecaanadaas, qofkaasi wuxuu qabaa caabuqa CDI. Haddii PCR ku uu heli waayo hidesideyaasha dheecaanadaas, qofku ma qabo caabuqa CDI.
  • Haddii saxarada laga waayo GDH, laakiin laga helo dheecaanada sunta ah ee A ama B, maxsuulku ma cadda. Saxaradii waxaa lagu baadhaa habka PCR oo laga baadhaa hidesideyaasha dheecaanada sunta ah ee toxin A iyo B. Haddii PCR ku uu helo hidesideyaasha dheecaanadaas, qofkaasi wuxuu qabaa caabuqa CDI. Haddii PCR ku uu heli waayo hidesideyaasha dheecaanadaas, qofku ma qabo caabuqa CDI.

Jaantuskani wuxuu muujinaya maxsuulada afarta ah, sida loo turjumayo maxsuulada, iyo talaabooyinka la qaadayo haddii maxsuulku aanu cadayn.

Patient with diarrhea and risk factor(s) for C diffici/e infection Stool is tested by EIA (Alere Quik Chek Complete') • GDH antigen • Toxin A/B GDH positive Toxin positive GDH positive Toxin negative GDH negative Toxin positive GDR negative Toxin negative Indeterminant result PCR for C. difficile toxin PCR positive POSITIVE Testing is consistent with C difficile infection PCR negative NEGATIVE Testing not consistent with C diffici/e infection

 

La socodka heerka caabuqa CDI

  • Khatar-qiimayn ku xaqiiji inay muhiim tahay in lala socdo caabuqa CDI ee ku dhacaya bukaanka.
  • Raac sharciga, haddii dowladu waajib ka dhigtay in lala socdo heerka caabuqa CDI.
  • Waa in la ogaadaa nooca bukaanka iyo qaybaha cusbitaalka ee uu caabuqa CDI aadka ugu dhacayo.
  • Macluumaad la xidhiidha sida ugu wanaagsan ee loola socon karo heerka caabuqa CDI waxaa laga heli karaa mareegta ay leedahay hay’ada NHSN. 
La soco heerka caabuqa
Cusbitaal kasta oo bixiya daryeelka deg-dega ah (acute care hospital) waa in uu leeyahay qorshe lagula socdo heerka caabuqa CDI ee ku dhacaya bukaanka jiifa dhamaan waadhadhka kale ee cusbitaalka.
Bil kasta xisaabi heerka caabuqa
Marka war la helo ayaa talo la helaa

Sida loo daweeyo caabuqa CDI

medical, health, medicine-5459633.jpgGuud ahaan sida loo daweeyo caabuqa CDI, gaar ahaan sida loo daweeyo dadka caabuqu kusoo noqnoqdo iyo caruurta, waa in lala tashadaa dhakhtar ku takhasusay cudurada caabuqyada (Infectious Disease Physician). Sida loo daweeyo caabuqa CDI waaxay ku xidhan tahay halistiisa iyo darnaanta caabuqa iyo in uu caabuqu yahay markii ugu horeysey ee uu ku dhacay qofka. Hay’ada Cudurada Caabuqyada ee Dalka Maraykanku (Infectious Diseaese Society of America) waxay ku talinaysaa in loo daweeyo sida soo soota qofka weyn ee aan caruurta ahayn ee caabuqa CDI ku dhacay markii ugu horeysey:

Qofka waxaa afka laga siiyaa Vancomycin 125mg, 4 jeer maalintii, mudo 10 maalmood ah. Vancomycin bedelkeeda waxaa qofka afka laga siiyaa Fidaxomicin 200mg, laba jeer maalintii, mudo 10 maalmood ah. Haddii Vancomycin iyo Fidaxomicin aan la hayn, waxaa qokfa afka laga siin karaa Metrodinzole 500mg, sadex jeer maalintii, mudo 10 maalmood ah. Metronidazole waxaa qofka la siin karaa oo keliya marka ugu horeysa ee caabuqu ku dhaco. Haddii u qofku ka bogsoodo caabuqa oo uu hadana ku soo noqdo oo uu ku dhaco mar kale, waa in aan qofka la siin Metronidazole.

Qofka waxaa afka laga siiyaa Vancomycin 125mg, 4 jeer maalintii, mudo 10 maalmood ah. Vancomycin bedelkeeda waxaa qofka afka laga siiyaa Fidaxomicin 200mg, laba jeer maalintii, mudo 10 maalmood ah.

Qofka waxaa afka ama tuumbada sanka laga siiyaa Vancomycin 500mg, 4 jeer maalintii, mudo 10 maalmood ah. Haddii qofka mindhicirku fadhiistay (ileus), waxaa 8-dii saacadoodba qofka faleebo lagu siiyaa Metronidazole 500mg iyo Vancomycin laga siinayo afka ama dabada. Sida kale ee loo maarayn karo caabuqa CDI ee halista ahi waxa weeye in mindhicirka weyn lagu sameeyo qaliink la yidhaahdo colectomy oo ah qaliin mindhicirka weyn intiisa badan la gooyo ee qofka laga soo saaro.

Tixraac (Reference)

  1. L. Clifford McDonald, Dale N. Gerding, Stuart Johnson, etl. Clinical Practice Guidelines for Clostridium difficile Infection in Adults and Children: 2017 Update by the Infectious Diseases Society of America (IDSA) and Society for Healthcare Epidemiology of America (SHEA).
  2. CDC. Clostridioides difficile. https://www.cdc.gov/cdiff/clinicians/faq.html#diagnosis. Accessed September 13, 2021.
  3. Spectrum health. Clostridioides difficile two step testing algorithm. https://lab.spectrumhealth.org/2017/01/31/clostridium-difficile-two-step-algorithm-testing/. Accessed September 13, 2021.
  4. Randeep S Jawa, David W Mercer. Clostridium difficile-associated infection, a disease of varying severity. AM J Surg. 2012 Dec;204(6)
  5. Nelson RL, Suda KJ, Evans CT. Antibiotic treatmetn for Clostridium difficile-associated diarrhoea in adults. Cochrane Database Syst Rev. 2017 Mar 3;3(3)