Caabuqa Daacuunka: Cholera

Daacuunka ama shuban biyoodka waxaa keena bakteeriyada Vibrio cholerae, noocyadeeda 01 iyo 0139. Waana mid ka mida caabuqyada shubanka ee khatarta ku ah caafimaadka bulshada iyo aduunka. Waana caabuq faafa oo si deg-deg ah loo kala qaado, islamarkaana noqda mid saf ah. ah.

Waxaa markiiba qofka ku dhaca shuban biyood aan kala go’ lahayn oo aan xanuun lahayn. Calaamadaha kale ee Daacuunka waxaa ka mid ah matag, fuuq-bax, jidhka oo aysiidhu ku badato, wareega dhiiga oo istaaga, iyo kelyaha oo fadhiista.

Marka qof caafimaad qabaa liqo cunto ama cabitaan ay wasakhaysay bakteeriyad Vibrio cholerae, dhowr saacadood ilaa 5 maalmood gudahood ayay ku qaadataa in bakteeriyadu caabuqa dhaliso oo calaamadaaha caabuqu soo if-baxaan.

Inta badan dadku waxay caabuqa qaadaan marka ay cabaan biyo ay wasakhaysay bakteeriyada keenta caabuqa Daacuunka. Waxaa kale oo dadku caabuqaa qaadi karaan marka ay cunaan cunto ay wasakhaysay bakteeriyada keenta caabuqu.

Marka bukaan qaba daacuun lagu daweynayo xarun caafimaad ama cusbitaal, taxadarada lagaga hortago in caabuqu faafo waxay ku xidhan tahay in bukaanku xidhan yahay xafaayad ama aanu saxarada ceshan karin iyo in kale. Waxay kale oo ku xidhan tahay in daacuun saf ahi ka jiro xarunta caafimaad ama cusbitaalka. Iyadoo taas la eegayo waa in la raacaa taxadarada soo socda:

Bukaan aan xidhnayn xafaayad oo saxarada ceshan kara:

  • Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarka guud (Standard Precautions)

Bukaan xidhan xafaayad ama aan saxarada ceshan karin:

  • Waa in bukaanka la jiifiyaa qol ama meel u gaara oo la geliyaa soocidda taabasho ku-faafaka (Contact Isolation)
  • Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada guud (Standard Precautions)
  • Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada taabasho ku-faafka (Contact Precautions)
  • Shaqaalaha caafimaadku waa in ay xidhaan gacmo gashi (gloves) iyo diraca soocidda (isolation gown) markasta oo ay gelayaan qolka bukaanku jiifo.
  • Shaqaalaha caafimaadku marka ay ka baxayaan qolka bukaanku jiifo waa inay iska bixiyaan gacmo-gashiga iyo diraca soocidda oo ay ku ridaan bacda qashinka.
  • Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan xeerka gacmo nadiifinta oo ay gacmahooda nadiifiyaan:
    1. Ka hor inta aanay taaban  bukaanka ama ka hor inta aanay gelin qolka bukaanku jiifo.
    2. Ka hor marka ay qabanayaan daryeel caafimaad oo nadiif ah (aseptic task)
    3. Ka bacdi marka ay taabtaan bii’ada ama agagaarka bukaanka.
    4. Ka bacdi marka ay gacmahooda ama gacmo-gashigooda ku arkaan wasakh
    5. Ka bacdi marka ay taabtaan bukaanka ama marka ay ka baxayaan qolka bukaanku jiifo.
  • Qolka bukaanku jiifo iyo qalabka dhexyaala waa in si joogto ah oo buuxda loogu nadiifiyaa milanka nadiifinta ee dili kara bakteeriyada Vibrio cholerae. Si gaar ah waa in loo nadiifiyaa meelaha ay gacmuhu sida joogtada ah u taabtaan sida  handaraabka albaabka, halka nalka laga daaro ama laga demiyo, iwm.
  • Qalabka lagu daryeelayo bukaanka waa inay ahaadaan kuwo isaga ama iyada u gaar ah. Waa in si buuxda loo nadiifiyaa qalabka kahor inta aan lagu daryeelin bukaan kale. 
  • Si qofka jiranai aanu jeermiska ugu faafin xarunta caafimaad, waa in la yareeyaa in qofka jirani ku dhex warwareego ama ku dhex socdo cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa.
  • Marka caabuqa daacuuka oo saf ahi ka jiro xarunta caafimaad ama cusbitaalka:
    1. Waa in la raacaa taxadarada guud iyo taxadarada taabasho ku-faafka ee kor ku xusan
    2. Haddii dadka daacuunka qaba loo waayo qolal u gaar ah oo ku filan, waa in la isugu geeyaa (cohorting) meel gaar ah oo ka go’an meelaha ay jiifaan bukaanka kale ee aan qabin daacuunka.
  1.  
  1.  

Bukaanka la geliyey soocidda taabasho ku-faafku wuxuu soocidda ku jirayaa ilaa iyo inta uu ka bogsoonayo daacuunka.

Saxarada shubanka ah ee bukaanka ayaaa lagu eegaa habka weyneyso ee loo yaqaan ‘dark field microscopy’. Haddii bakteeriyada Vibrio cholera ay ku jirto saxarada, waxaa la arkaa muuqaal u eg xidigo dhacaya ‘shooting stars’. Baadhitaanka kale ee la samayn karaa waa iyadoo dhiigga bukaanka laga baadho lid-jirka khaaska u ah bakteeriyada iyo dheecaankeeda sunta ah. Sidoo kale, saxarda shubanka ah ee bukaanka ayaa laga baadhaa bakteeriyada Vibrio cholerae, iyadoo la isticimaalayo habka korinta bakteeriyada ee ‘culture’.

Waa in si deg-deg ah bukaanka loo siiyaa milan leh cusbo iyo sonkor si loo soo celiyo dheecaankii ka baxay. Dawooyinka antaybayootikada ah ee bukaanka lagu daweyn karo waxaa ka mid ah tetracycline, doxycycline, furazolidone ama TMP-SMX, sufamethoxazole, trimethoprim ama erythromycin. 

Qodobada soo socda oo maskaxda lagu hayaa waxay muhiim u tahay in si fiican loo fahmo sida uu caabuqa Daacuunku ugu dhex faafo bulshada iyo sida looga hortegi karo:

Sida Daacuunku ugu dhex faafo bulshada:

  • Daacuunku wuxuu inta badan ka dilaacaa deegaanada aan lahayn biyo nadiif ah oo la cabo iyo fayodhowr wanaagsan: xaafadaha isku-raranta ah, xeryaha qaxoontiga iyo goobaha ay degaan dadka ku barakaca isla wadanka gudihiisa ayaa ah meelaha cudurku inata badan ku faafo.
  • Boqolkiiba 75 dadka qaada caabuqu ma yeeshaan oo kama soo if-baxaan calaamadaha caabuqu. Laakiin waxay caabuqaa ku faafin karaan iyaga oo bakteeriyada soo raacda saxaradooda ku wasakheeya biyaha iyo cuntada ay cabayaan ama cunayaan dadka aan caabuqa qabini.  Taas macnaheedu waxa weeye in aan la ogaan karin oo laga taxaderi karin dadkan sideyaasha ah.
  • Biyaha dhulka dushiisa fadhiya iyo ceelasha afka ka furan ee weelasha lagaga dhaansado ayaa ah meelaha ugu badan ee bakteeriyadu ka faafto.
  • Bakteeriyada Vibrio cholerae waxay si dabiici ah ugu nooshahay biyaha xeebaha badda, iyadoo ku dul nool qaar ka mid ah xayawaanka badda.
  • Marka bariis ama hadhuudh la kariyay ay wasakhayso bakteeriyadu oo dabadeed bariiskaas iyo hadhuudhkaas mudo lagu hayo heerkulka qolka, bakteeriyadu si fudud ayay ugu tarmi kartaa cuntadaas.

Si looga hortago in aan caabuqu ku faafin bulshada dhexdeeda:

  • Waa in bulshada la siiyaa ama loo soo saaraa biyo nadiif ah.
  • Waa in bulshada loo dhisaa bulaacado ama suuliyo, si aan saxarada iyo kaadidu u wasakhayn deegaanka iyo biyaha dadku cabaan.
  • Waa in warbaahinta laga sii daayaa wacyi gelin dadka lagu barayo sida uu cudurka u faafo. Culimo-awdiinka iyo madax-dhaqameedku waa inay ka qayb qaataan wecyi gelinita.
  • Waa in dadku si joogto ah gacmaha iskaga dhaqaan biyo iyo saabuun, gaar ahaan marka ay musqusha ka soo baxaan iyo ka hor inta aanay bilaabin inay cuto diyaariyaan.
  •  Waa in cuntada si fiican loo kariyaa oo si nadiif ahna loo kaydiyaa.
  • Hay’adaha caafimaadku waa inay la socdaan heerka caabuqa, si markiiba looga hortegi karo caabuqu bulshada ku faafo.
  1.