Caabuqa Dabaysha: Polio

Dabayshu waa caabuq uu keeno fayraska poliovirus (noocyadiisa 1, 2 and 3) oo ka tirsan genus-ka Enterovirus. Dabayshu waxay inta badan ku dhacdaa caruurta da’doodu ka yartahay shan sano.  Fayraska keena Dabayshyu wuxuu weeraraa hab-dhiska dareenka,  wuxuuna naafeeyaa ama qalal ku ridaa murqaha, wuxuuna tig-tigaa luqunta iyo dhabarka. Qofka noloshiisu khatar ayay ku jirtaa haddii caabuqu naafeeyo ama qalajio murqaha habdhiska neefsashada iyo dheefmareenka.

Calaamadaha caabuqa waxaa ka mid ah:

  • Iyadoo murqaha qofku si deg-dega u naafoobaan
  • Murqo xanuun
  • Xumad
  • Maadax xanuun
  • La’labo
  • Matag
  • Luqunta iyo dhabarka oo tig-tigma.

Caabuqu wuxuu inta badan ku faafaa marka saxarada qof caabuqu hayo ay gasho afka qof aan caabuqu hayn, habkan waxaa loo yaqaan ‘fecal to oral route’.  Marmarka qaarna caabuqu wuxuu ku faafaa marka qof caabuqu aan qabini uu cabo ama cuno biyo ama cunto ay wasakhaysay saxarada qofka caabuqu hayo. Marka fayrasku uu galo dheefmareenka qofka nugul, fayrasku wuxuu ku tarmaa mindhicirada qofka, ka bacdina wuxuu u sii gudbaa habdhiska dareenka.

Marka uu fayraska caabuqa keenaa soo gaadho dheefmareenka qofka, waxay ku qaadataa in uu caabuqa dhaliyo oo calaamadaha caabuqu soo if-baxaan 3 ilaa 35 maalmood gudahood, celcelis ahaana 7 ilaa 14 maalmood gudahood.

Si looga hortago in caabuqa Dabaysahu uu ku dhaco caruurta ama uu faafo waa in la sameeyaa talaabooyinka soo socda:

  • Sida ugu wanaagsan oo caabuqa looga hortegi karo, hay’ada caafimaadka aduunkuna ku talinaysaa, waa in ilmaha loo dhamays tiro talaalka taxanaha ah ee caabuqa Dabaysha. Waxa jira laba nooc oo talaal ah oo ka hortegi kara caabuqa Dabaysha oo kala ah IPV (inactivated polio vaccine) iyo OPC (oral polio vaccine). Talaalka taxanaha ah waxaa ilamaha lagu bilaabaa makra uu jiro 2 bilood, talaalka labaadna marka uu jiro 4 bilood, ka sadexaadna marka uu jiro 6 ilaa 18 bilood, ka  afraadna marka uu jiro 4 ilaa 5 sano gudahood.
  • Shaqaalaha caafimaadka ee daryeelaya bukaanka qaba caabuqa Dabaysshu waa inay u hogaansanaadaan taxadarada taabashada (contact precautions):
    1. Waa in bukaanka la geliyaa soocidda taabasho ku-faafka (contact isolation)
    2. Shaqaalaha caafimaadku waa inay gacmaha iska nadiifiyaan marka ay geleyaan qolka uu jiifo bukaanku.
    3. Shaqaalaha caafimaadku gacmaha ha gashadaan gacmo-gashi, hana xirtaan dirica soocidda (isolation gawn), ka hor inta aanay soo gelin qolka bukaanka.
    4. Shaqaalaha caafimaadku marka ay ka baxayaan qolka bukaanka, waa inay iska bixiyaan gacmo-gashiga iyo diraca soocidda oo ku ridaan bacda qashinka.
    5. Shaqaalaha caafimaadku gacmaha ha iska nadiifiyaan makra ay ka baxaan qolka bukaanka iyo markastoo ay taabtaan qofka jiran iyo agagaarkiisa. 
  • Xubhana qoyska qofka jirani waa inay si joogto ah gacmaha isaga nadiifiyaan, gaar ahaan ka hor inta aanay taaban qoka jiran ama agagaarkiisa, iyo ka bacdi marka ay taabtaan qofka jiran ama agagaarkiisa.
  • Waa in si dhamasytiran oo taxadar leh loo nadiifiyaa qolka iyo agagaarka qofka jiran, si looga hortago in dadka ka agdhow qofka jirani ayna qaadin fayriska uu saxarooday ama uu fidiyey qofka cudurka qabaa.

Fayraska ayaa laga baadhaa saxarada, dareeraha “cerebrospinal fluid’, ama dheecaanka afka iyo cunaha ee bukaanka.

Ma jirto daawo lagu daweyn karo haddii qofka uu ku dhaco caabuqu Dabayshu.