H. Bayloori

bacteria, bacterium, heliobacter pylori-1455818.jpg

Waa caabuq-barar ku dhaca urugyada xuubka sare ee caloosha (gastritis) Caabuqa H bayloori waa ka inta badan sababa nabarada caloosha ee loo yaqaan peptic ulcers. Calool xanuunka ka dhasha caaquq-bararkaas iyo nabaradaas caloosha, Soomaalidu waxay u yaqaanaan Gaasteri. Caabuqan waxaa keena bakteeriayada Helicobacter pylori, wuxuuna inta badan caabuqu dadka ku dhacaa marka ay caruunta yihiin. Nasiib wanaag calaamadaha caabuqu kama soo if-baxaan dadka intiisa badan oo caabuqu uma keeno xanuun. Waxaa la qiyaasaa in caabuqu ku dhaco kala badh dadweynaha aduunka. Waxaa xusid mudan in dadka caabuqu ku dhacaa ay halis ugu jiraan inuu ku dhaco kansarka caloosha iyo weliba kansarka kale ee loo yaqaan mucosal associated-lymphoid-type (MALT) lymphoma.

Calaamadaha caabuqa waxaa ka mid ah:

  • Calool xanuun iyo laab-olol
  • Calool xanuun daran marka qofku gaajoonayo
  • Lalabo
  • Qofka oo cuntada ka go’a
  • Daaco joogto ah
  • Dibiro
  • Qofka oo caatooba

Inta badan dadka kama soo if-baxaan calaamadaha iyo xanuunka caabuqu. Waxaa kale oo dhacda in bakteeriyada keeenta caabuqu ay u gudubto qofka marka uu yahay caruur, dabadeedna calaamadaha caabuqu ay kasoo if-baxaan marka uu weynaado. Sidaasaas darteed way adagtahaya in la ogaado mudada u dhexaysa marka uu liqay bakteeriyada iyo marka calaamadaha caabuqu ka soo if-baxaan.

Caabuqu wuxuu inta badan ku faafaa habka loo yaqaan saxaro ilaa af (fecal to oral) oo ah marka ay qofka afkiisa soo gaadhaan biyo, cunto, walax, ama gacmo ku wasakhoobey saxaro ay ku laban tahay bakteeriyadu. Wuxuu kale oo caabuqu ku faafaa af ilaa af (oral to oral) oo ah marka afka la iska dhunkado. Dariiqada sadexaad ee caabuqu ku faafi karaa waa marka tuumbada “endoscope” la geliyey caloosha qof bakteeriyadu ku jirto calooshiisa, dabadeedna tuumbadii oo aan si buuxda loo nadiifin la geliyo habdhiska dheefmareenka qof kale. Waxyaabaha sahla in caabuqu keeno waxaa ka mid ah:

  • Ku noolaanshaha guri ay ku nool yihiin dad badan ee isdulsaar ah iyo xaafadaha isku raranta ah.
  • Ku nooIaanshaha guri ama deegaan aan lahayn biyaha socda ee qasabada ama biyo nadiif ah.
  • Ku noolaanshaha wadamada soo koraya ee aan lahayn fayodhowr aad u wanaagsan.
  • Ku noolaanshaha guri uu ku nool yahay qof qaba caabuqa H. bayloori.

Sida looga hortago in caabuqa H. bayloori uu faafo: Caabuqan waxaa inta badan laga qaadaa bulshada dhexdeeda. Sidaa darteed in la hagaajiyo kaabayaasha caafimaadka bulshada ayaa ah sida ugu wanaagsan ee looga hortegi karo caabuqa. Talaabooyinka soo socda oo la raaco ayaa yarayn kara faafida caabuqa H. bayloori:

  • In la caadaysto in gacmaha saabuun iyo biyo lagu dhaqo ka hor inta aan la cunin cunto iyo kedib marka laga soo baxo musqusha.
  • In la ilaaliyo nadaafada iyo saxada cuntada
  • In dadka loo sameeyo bihaha socda ee qasabada, lana ilaaliyo nadaafada biyaha.

Marka bukaan-jiif qaba caabuqa H. bayloori lagu daryeelayo cusbitaal waa in la raacaa taxadarada guud.

H.bayloori waxaa loo baadhaa dhowrka siyaabood ee kala duwan  ee soo socda:

  • Baadhitaanka saxarada: Antijiinta ama borotiinka bakteeriayada oo astaan u ah in uu jiro caabuqu ayaa laga baadhaa saxarada qofka. Waxaana la isticimaalaa habka loo yaqaan PCR (polymerase chain reaction). Waa hab qaali ah oo aanay haysan in badan oo ka mid ah cusbitaalda iyo xarumaha caafimaad ee dalal badan oo xataa ay ku jiraan kuwa dhaqaalaha lihi.
  • Baadhitaanka neefsashada: Bakteeriyada H. bayloori waxay soo deysaa dheecaanka la yidhaahdo Urease. Dheecaankaasi wuxuu iskudhafka Urea u kala saaraa amooniya iyo kaarboon laba-ogsaydh. Marka baadhitaankan la samaynayo, waxaa qofka jiran la liqsiiyaa kiniin laga sameeyey iskudhafka Urea oo lagu dhafay nooc gaar ah oo ka mid ah maadada kaaboonka (carobin isotope). Haddii bakteeriyada H. bayloori ay ku jiro caloosha qofka jiran, bakteeriyada ayaa iskudhafka Urea ee kaaroonka gaarka ahi ku dhafan yahay u kala jebisa ama u kala saarta amooniya iyo kaarboon-laba-ogsaydh. Ka bacdi, kaarboon-laba-ogsaydhkii waxaa qabsada ugunyada caloosha oo dabadeed u sii gudhbiya wareega dhiiga, halkaas oo loo sii gudbiyo sambabada oo dabadeed lagu sii daraa neef-saarka (exhaled breath). Ka bacdi, waxaa la baadhaa oo la cabiraa in kaarboon-laba-ogsaydhka neef-saarka la socdaa uu ka kooban yahay kaarboonkii gaarka ahaa (carbon isotope). Kaarboonkaas gaarka aha oo neef-saarka la socdaa wuxuu ka dhigan yahay in bakteeriyada H. bayloori ay ku jirto caloosha, taas oo ka dhigan in qofka jiran ee calaamadaha gaasteriga lihi uu qabo caabuqa H. bayloori. 
  • Baadhitaanka tuumbo-kaamareed (endoscope): Tuumbo-kaamareeddu (endoscope) waa tuumbo dhuban oo jilicsan oo ay cidhifkeeda danbe ee jidhka gelaya kaga rakiban tahay kaamarad yar oo lagu eegi karo xubnaha habdhiska dheefmareenka sida caloosha iyo mindhicirada. Marka baadhitaankan la samaynayo, qofka jiran waa la suuxiyaa, kadibna tuumbo-kaamareeda ayaa laga geliyaa afka qofka jiran oo lasii xuliyaa cunaha ilaa laga gaadhsiiyo caloosha. Dhakhtarka samaynaya baadhitaanka oo inta badan takhasuskiisu yahay habdhiska dheefmareenka ayaa wuxuu muuqaalada ay kameradu soo gudbineyso ka baadhaa nabarada caloosha (gastric ulcers). Haddii uu arko nabarada caloosha (ulcers) ee u ug kuwa ay sababto H. bayloori, wuxuu nabaradaas ka soo gooyaa cadad yar-yar (biopsy). Tuumbo kaamareeda ayaa awood u leh in lagu soo gooyo cadadkaas yar-yar. Kabacdi cadadkaas yar-yar waxaa loo diraa qaybta shaybaaka ee lagu baadho nudaha (histopathology) iyo weliba qaybta lagu baadho bakteeriyada iyo noolaha kale ee ili-maqabayga ah (microbiology lab). Waxaana nudahaas ama cadadkaas yar-yar laga baadhaa inay ku jirto bakteeriyada H. bayloori.

Marka la xaqiijiyo in qofka jirani uu qabo H. bayloori, waxaa loo bilaabaa dawooyin dhowr ah oo uu qofku wada qaadanayo laba asbuuc. Dawooyinkaas dhowrka ahi waxa weeye:

  • Lid-jeermiska antaybayootikada. Si looga hortago in bakteeriyadu aanay noqon mid aan u nugleyn dawooyinka lid-jeermiska antaybayootikada, waxaa qofka jiran la siiyaa laba nooc oo ka mid ah lid-jeermiska antaybayootikada. Lid-jeermisyada ugu caansan waxaa ka mid ah amoxicillin, clarithromycin, metronidazole iyo tetracycline.
  • Dawooyinka loo yaqaan Proton Pump Inhibitors ee ka joojiya in unugyada calooshu soo saaraan aysiidh. Unugyada caloosha oo laga joojiyo soo saarka aysiidhu, waxay fududeysaa in nabarada calooshu ay bogsadaan. Waana sababtaas sababta dawooyinkan loola qaato dawooyinka lid-jeermisyada ee antaybayootikada. Dawooyinkan waxaa ka mid ah Lansoprazole, Omeprazole, Pantoprazole, Rabeprazole, iyo Esomeprazole.
  • Dawad Bismuth subsalicylate ayaa iyana mar-marka qaar lala qaataa dawooyinka lid-jeermiska ee antaybayootikada iyo kuwa Proton pump inhibitor-ka. Dawadani waxay nudaha xuubka sare ee caloosha ka ilaalisaa in dhaawac soo gaadho.