Caabuqa Isnadaamiska: Scabbies
Isnadaamisku waa caabuq ku dhaca maqaaarka jidhka oo ay keento kutaan ili-maqabatay ah oo loo yaqaan Sarcoptes scabiei. Kutaanta dhedig ayaa waxay gashaa maqaarka hoostiisa oo ay ka samaysataa dalool ay xusho oo ay dhigato ugxanteeda. Daloolkaas maqaarka hoostiisa ahi wuxuu noqdaa finan yar yar oo cun-cun badan leh. Caabuqa Isnadaamiska wuxuu ku dhacaa dadweynaha aduunka oo dhan, ha ahaadeen cadaan, madow, qani, faqiir, IWM. Waxaa jira nooc Isnadaamis ah oo aad u dhib badan oo la yidhaaddo “Norwegean Scabbies” ama Isnadaamiska qolofaysan (Crusted Scabies). Isnadaamiska qolofaysani wuxuu aad ugu dhacaa dadka habdhiska difaaca jidhkoodu daciifka yahay, dadka waayeelka ah, iyo dada curyaamiinta ah. Isnadaamiska qolofaysani wuxuu jikda ku sameeyaa nabaro cambaar u eg oo ay ka buuxaan finan yar-yar oo kutaantu aad uga buuxdo.
- Halka ay kutaantu kaga jirto maqaarka ee ay ku tarmayso oo yeelata cuncun aad u badan.
- Halka ay kutaantu ka xushay maqaarka ayaa waxaa ku samaysma ama ku taxma finan aad u yar-yar oo leh dheecaan iyo cuncun.
- Inta badan qaybaha jidhka ee kutaantu ku samayso caabuqa waxaa ka mid ah faraha dhexdooda, kala goysyada, dhexda, naasaha hareerahooda, xubunta taranka ee ragga hareeraheeda, garbaha, iyo badhida
Haddii qofka aanu hore ugu dhicin caabuqa Isnadaamisku, waxay ku qaadataa 4 ilaa 8 todobaad in calaamadaha caabuqa soo if-baxaan kabacdi marka kutaantu soo soo gaadho jidhka qofka. Haddii qofka uu hore ugu dhacay caabuqu, calaamaduhu aad bay u soo deg-degaan oo waxay soo if-baxaan 1 ilaa 4 maalmood.
Marka ay kutaanta ugxanteedu dilaacdo waxaa ka soo baxa laarfa (larvae), kabacdi laarfuhu maqaarka ayay kor uga soo baxaan oo bilaabaan inay ku faafaan qof kasto xidhiidh taabasho oo dheer la yeesha bukaanka qaba Isnadaamiska. Sidaa darteed, caabuqa Isnadaamisku wuxuu ku faafaa habka taabasho ku-faafka. Waxaa xusid mudan in bukaanku uu caabuqa faafin karo kahor inta aanay ka soo if-bixin calaamadaha caabuqu. Isnadaamiska waxaa kale oo la kala qaadi karaa marka la isu galmoonayo ee jidhka labada qof ay xidhiidhka taabasho samaynayaan. Dharka, tuwaalada, iyo sariirta uu isticimaalay bukaanku oo lala isticimaalo ayaa iyana ah hab kale oo lagu kala qaado caabuqa Isnadaamiska.
- Waa in bukaanka la jiifiyaa qol ama meel u gaara oo la geliyaa soocidda taabasho ku-faafaka (Contact Isolation)
- Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada guud (Standard Precautions) iyo taxadarada taabasho ku-faafka (Contact Precautions).
- Shaqaalaha caafimaadku waa in ay xirtaan gacmo gashi (gloves) iyo diraca soocidda (isolation gown) markasta oo ay gelayaan qolka bukaanku jiifo.
- Shaqaalaha caafimaadku marka ay ka baxayaan qolka bukaanku jiifo waa inay iska bixiyaan gacmo-gashiga iyo diraca soocidda oo ay ku ridaan haantaa qashinka.
- Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan xeerka gacmo nadiifinta oo ay gacmahooda nadiifiyaan:
- Kahor inta aanay taaban bukaanka ama ka hor inta aanay gelin qolka bukaanku jiifo.
- Kahor marka ay qabanayaan daryeel caafimaad oo nadiif ah (aseptic task)
- Kabacdi marka ay taabtaan bii’ada ama agagaarka bukaanka.
- Kabacdi marka ay gacmahooda ama gacmo-gashigooda ku arkaan wasakh
- Kabacdi marka ay taabtaan bukaanka ama marka ay ka baxayaan qolka bukaanku jiifo.
- Qolka bukaanku jiifo iyo qalabka dhexyaala waa in si joogto ah oo buuxda loogu nadiifiyaa milanka nadiifinta ee dili kara kutaanta. Si gaar ah waa in loo nadiifiyaa meelaha ay gacmuhu sida joogtada ah u taabtaan sida handaraabka albaabka, halka nalka laga daaro ama laga demiyo, iwm.
Si bukaanku aanu caabuqa ugu faafin xarunta caafimaad, waa in la yareeyaa in uu ku dhex warwareego ama ku dhex socdo cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa.
Caabuqa Isnadaamisku wuxuu inta badan ku dhex faafaa, xubnaha qoyska, goobaha lagu xanaaneeyo caruurta (day care), goobaha lagu daryeelo waayeelka (Skilled Nursing Facilities), iyo goobaha kale ee dad badani ku dhex nool yihiin ama isugu yimaadaan oo joogaan saacado badan maalintii. Haddii Isnadaamiska laga helo qof ka mid ah qoyska ama qof ku nool meel dad badani ku nool yihiin ama isugu yimaadaan, waxaa muhiim ah:
- In guriga ama goobaas la nadiifiyo, gaar ahaan sariiraha iyo gogosha, gaar ahaan sarirta iyo gogosha uu isticimaalay qofka laga helay caabuqa Isnadaamisku.
- Waa in aan lala xidhan dharka uu xirtay qofku. Taas bedelkeeda, waa in dharka iyo hu’ga kale ee qofku isticimaalay lagu dhaqaa saabuun iyo biyo kulul oo heerkulkoodu gaadhayo 50 degree selsiyas.
- Haddii la dhiqi kari waayo dharka iyo hu’ga uu qofku isticimaalay, waa in lagu ridaa bac, bacdaas afka laga xidhaa, oo la dhigaa meel gaar ah oo guriga ka baxsan mudo 2 ilaa sadex maalmood ah.
Dhakhtarku wuxuu eegaa oo daraasadeeyaa qayta ama qaybaha maqaarka jidha ee kutaantu xushey, degtey, ee ugxanta dhigatay. Waxaa kale oo uu daraasadeeyaa finanka yar-yar ee ku taxan halka ay kutaantu xushay. Waxaa dhacda in dhakhtarku sambal ka qaado meesha ay kutaantu xushay ee degtey. Kabacdi sambalkaas ayaa lagu eegaa weyneyso oo laga baadhaa in kutaanta, ugxanteeda, ama saxaradeedu ku jirto sambalka laga soo qaaday bukaanka. Sidaas ayuu dhakhtarku ku go’aamin karaa in finanka cun-cunka lihi ay yihiin caabuq ay keentay kutaanta Sarcoptes scabie iyo in kale.
Dawada inta badan lagu daweeyo caabuqa Isnadaamiska waxaa la yidhaahdaa Permithrin. Dawadani waa kiriim (cream) la mariyo maqaarka jidhka gaar ahaan halka kutaantu caabuqa ku dhalisay. Waa dawo inta badan awood u leh inay disho kutaanta Sarcoptes scabie.
Dadka jilicsan ee uu hayo caabuqa Isnadaamiska Qolofaysan (Crusted Scabbies) iyo dadka ay waxba ka tari weydey dawada Permithrin waxaa lagu daweeyaaa dawada Ivermectin. Dawadan oo laga qaato afka looguma talo gelin dumarka uurka leh ama nuujinaya dhalaan. Sidoo kale, dawadan looguna talo gelin caruurta culayskoodu ka yar yahay 15Kg.
Waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo in dawooyinkani dilaan kutaanta iyo ugxanteeda laakiin cuncunka maqaarka jidhku uu sii socdo todobaadyo .