Jadeecada (Measles)
Jadeecadu waa caabuq daran oo inta badan ku dhaca dhalaanka iyo caruurta oo uu keeno fayraska Measles. Caabuqu waxuu asiibaa habdhista neefsashada (sanbabada) iyo maqaarka. Caabuqu waxa kale oo uu asiibi karaa, indhaha, dhegaha, afka iyo maskaxda. Waxaa muhiim ah in la xuso in caabuqa Jadeecada oo saf ahi uu dhowr jeer ka dhex dilaacay bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha iyo dalka gudihiisaba.
Calaamadaha ugu horeeyaa waa:
- xumad aad u daran
- Qufac
- Duuf iyo
- Indhaha oo guduuta oo ilmeeya.
Laba ama sadex maalmood ka bacdi marka ay calaamaduhu bilaabmaan ayaa cabeeb ka soo bixi karaa qowlalada ama afka gudihiisa. Sadex ilaa shan maalmood ka bacdi marka calaamaduhu bilaabmeen ayaa hadana waxaa wejiga ka soo yaaca furuuruc yar-yar oo gud-guduudan oo maqaarka ku salaxan. Furuurucu wuxuu ku sii fidaa luqunta ka dibna hoos ayay ugu sii fidaan jidhka oo dhan ilaa ay ka gaadhaan gacmaha iyo lugaha. Waxaa dhici karta in furuurucu ay is qabsadaan marka ay ku faafayaan jidhka. Waxaa kale oo dhici karta in kasoobaxyo yar-yari kasoo dul baxaan furuuruca salaxan. Dhowr maalmood ka bacdi ayaa xumadu hoos u dhacdaa furuurucuna baaba’aa.
Marka qofka uu soo gaadho fayrasku, waxay ku qaadataa in fayrasku caabuga dhaliyo oo calaamadaha caabuqu soo if-baxaan 7 ilaa 21 maalmood gudahood.
Jadeecadu waxay ku faaftaa habka hawo ku-faafka (airborne transmission) iyo habka taabasho ku-faafka (contact transmission). Habka hawo ku-faafku waa marka bukaanku qufaco ama hindhiso, ayaa fayrasku ku baahaa hawada. Haddii dadka ka ag dhow bukaanku ay neefsadaan hawadaas, waxay halis u yihiin inay qaadaan fayraska. Habka taabasho ku-faafku waxa weeye iyada oo dadka ka ag-dhow bukaanku ay taabtaan duufka iyo dheecaanka ka soo baxay hab-dhiska neefsashada ama furuuruca maqaarka ee bukaanka, ka bacdina iyago oo aan gacmaha iska nadiifin ay taabtaan xuub-xabeedka indhaha, afka ama sanka, fayrasku sidaas ku galo jidhkooda, oo uu dabadeedna sidaas ku dhaliyo caabuqa.
Marka bukaanka lagu daryeelayo xarun caafimaad ama cusbitaal, waa in la raacaa taxadarada soo socda:
- Waa in bukaanka la geliyaa soocidda hawo ku-faafka iyo soocidda taabasho ku-faafka. Qolku waa in uu ahaadaa mid cadaadiska hawadiisu taban tahay oo ah qol loogu talo galay caabuqyada hawo ku-faafka ah (AIIR).
- Shaqaalaha caafimaadka ee daryeelaya bukaanku waa inay raacaan taxadarada hawo ku-faafka (airborne precautions) iyo taxadarada taabasho ku-faafka (contact precautions)
- Shaqaalaha caafimaadku waa inay xirtaan mid ka mid ah neef-sifeeyeyaasha loogu talo galay caabuqyada hawo ku-faafka sida N-95 maks, CAPR, PAPR, IWM.
- Shaqaalaha caafimaadku waa inay gacmaha iska nadiifiyaan marka ay gelayaan qolka bukaanku jiifo.
- Shaqaalaha caafimaadku waa inay xirtaan gacmo-gashi (gloves) iyo diraca soocidda (isolation gawn), ka hor inta aanay soo gelin qolka bukaanku jiifo.
- Shaqaalaha caafimaadku marka ay ka baxayaan qolka bukaanka, waa inay iska bixiyaan gacmo-gashiga iyo diraca soocidda oo ay si taxadar leh ugu ridaan bacda qashinka.
- Shaqaalaha caafimaadku gacmaha ha iska nadiifiyaan markasta oo ay taabtaan bukaanka, bii’adda ku seeran bukaanka, marka ay samaynayaan daryeel ka madhan caabuq-keene, iyo makra ay ka baxaan qolka bukaanka.
- Marka shaqaalaha caafimaadku ka baxaan qolka bukaanka, waa inay iska bixiyaan neef-sifeeyaha oo ay ku ridaan bacda qashinka ama si taxadar leh ugu kaydiyaan meel gaar ah haddii ay doonayaan in any mar kale isticimaalaan neef-sifeeyaha N-95 mask. Haddii ay isticimaaleen neef-sifeeyaha CAPR ama PAPR, waa in ay nadiifiyaan neef-siiyaha oo dabadeedna ku kaydiyaan meel ku haboon kaydinta qalabka noocan oo kale ah.
- Qalabka lagu daryeelayo bukaanka waa in si buuxda loo nadiifiyaa kahor inta aan lagu daryeelin bukaan kale.
- Si bukaanku aanu caabuq-keenaha ugu faafin xarunta caafimaad, waa in la yareeyaa in bukaanku ku dhex warwareego ama ku dhex socdo cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa
Sida ugu wanaagsan oo caabuqa looga hortegi karo waa in ilmaha la siiyo oo loo dhamaystiro talaalka taxanaha ah ee MMR (Measles, Mumps, and Rubella) oo ah talaal ka hortaga caabuqa jadeecada, qaamowqashiirka, iyo jadeeco jarmalka. Talaalka koowaad waxaa ilmaha la siiyaa marka uu jiro 12 ilaa 15 bilood, ka labaadna marka uu jiro 4 ilaa 6 sano.
Waa in qofka lagu hayaa taxadarka hawo ku-faafka (airborne precautions) iyo taabasho ku-faafka (contact precautions) laga bilaabo makra ay soo if-baxaan calaamadaha caabuqu ilaa iyo afar maalmood ka bacdi maalintii furuurucu bilaabmeen.
3 ilaa 4 maalmood ka bacdi marka furuurucu kasoo yaaco jidhka, ayaa dhiig laga qaadaa qofka jiran, waxaa dhiiga laga baadhaa lid-jirka IgM ee khaaska u ah Jadeecada. Marka uu bukaanku xanuunsanayo waxaa dhiigiisa laga helaa lid-jir aad uga badan marka uu ka bogsoodo xanuunka.
Ma jirto daawo khaas u ah jadeecada oo lagula tacaalo fayraska keena caabuqa Jadeecada. Laakiin Ururka Caafimaadka Aduunku wuxuu ku talinayaa in bukaanka lagu nafaqeeyo cunto iyo cabitaan ku filan; in qofka qaba caabuqa indhaha, dhegaha, iyo Oof-wareenka lagula tacaalo dawooyinka lid-fayraska. Ururka Caafimaaka Aduunku wuxu kale oo ku talinayaa in caruuta ay ku dhacdo Jadeecadu ee ku nool dalalka soo koraya la siiyo laba qaybood (two doses) oo faytamiin A ah oo ay u siintooda u dhexayso 24 saacadood. Faytamiin A waxaa kale oo uu ka hortagaa in ilmunhu indho beelo.