Caabuqa Oofwareenka: Pneumonia

Oofwareenku waa caabuq ku dhaca sambabada waxaana keena caabuq-keeneyaal kala duwan sida bakteeriyo, fayras, iyo fangus. Oofwareenku wuxuu inta badan ku dhacaa caruurta yar yar, dadka da’doodu ka weyn tahay 65 sano jir, iyo dadka caafimaadkooda guud liito amd habdhiska difaaca jidhkoodu daciifka yahay. Streptococcuss pneumoniae ayaa ah bakteeriyada inta badan keenta Oofwareenka ku dhaca caruurta. Haemophilus influenzae ayaa ah bakteeriaya labaad ee keenta Oofwareenka. Dhinaca fayrasyada, Respiratory Syncytial Virus (RSV) ayaa inta badan keena Oofwareenka.

  • Laab xanuun marka qofku neefsanayo ama qufacayo
  • Maskax wareer
  • Qufac marmarka qaar wata xaako 
  • Daal
  • Xumad
  • Dhidid
  • Gariir
  • Dadka ka weyn 65 sano jir iyo dadka habdhiska difaaca jidhkoodu daciifka yahay oo heerkulka jidhkoodu hoos u dhaco
  • Lalabo
  • Matag
  • Shuban
  • Neefsashada oo qofka ku adkaata.

Waxay ku xidhan tahay nooca caabuq-keenaha. Jaantuska hoose ayaa muujinaya qaar ka mid ah caabuq-keeneyaasha iyo mudada ay ku qaadato in calaamadaha Oofwareenku ku soo if-baxaan.

 

Caabuq-keenaha

Mudada ay ku qaadato in calaamaduhu soo if-baxaan

Streptococcuss pneumoniae (Group A)

1 ilaa 3 maalmood

Haemophilus influenzae

2 ilaa 4 maalmood

Respiratory Syncytial Virus

2 ilaa 8 maalmood

Varicella-zoster

10 ilaa 21 maalmood

Caabuq-keeneyaasha aan u nugleyn antibiyootikada (Multi-Drug Resistant Organisms)

Caabuq-keeneyaashani way badan yihiin, mudada ay ku qaadato in calaamada caabuqu ay keenaan ku soo if-baxaana way kala duwan yihiin.

Waxay ku xidhan tahay nooca caabuq-keenaha. Dhowrka siyaabood ee soo socda ayaa lagu kala qaadi karaa Oofwareenka:

  • Habka dhibic ku-faafka: marka bukaanku uu hindhiso ama qufaco waxaa afkiisa iyo sankiisa ka soo baxa dhibco qoyan oo wata caabuq-keenaha. Haddii dhibcahaasi ay ku dhacaan xuub-xabeedka afka, indhaha, ama sanka dadka u dhow bukaanka, caabuq-keenuhu sidaas ayuu ugu gudbi karaa dadka. Dhibco qoyan oo wata caabuq-keenuhu waxay kale oo bukaanka jidhkiisa ka soo bixi karaan marka la nadiifinayo, la furayo ama qaliin lagu samaynayo dhuunta iyo xubnaha kale ee habdhiska neefsashada ee bukaanka qaba Oofwareenka.
  • Habka taabasho ku-faafka: Qaar ka mid ah caabuq-keeneyaasha Oofwareenka waxaa la isugu gudbiyaa habka taabashada tooska ah oo ah marka bukaan qaba caabuqa iyo qof caafimaad qabaa jidhkoodu si toos ah u xidhiidhaan ama isu taabtaan. Waxaa kale oo caabuqa la isugu gudbin karaa habka taabashada aan tooska hayn oo ah in dhibcaha ka soo baxa afka iyo sanka bukaanku ay ku dhacaan oo wasakheeyaan bii’adda. Marka dadku taabtaan bii’adda caabuq-keenuhu wasakheeyey oo dabadeedna iyaga oo aan gacmaha iska dhiqin taabtaan wejigooda sida afka, indhaha, ama sanka, ayuu caabuq-keenuhu u gudbi karaa qofka.
  • Habka hawo-ku-faafka: Waxaa habdhiska neefsashada ee bukaanka ka soo baxa caabuq-keenaha oo gala, kuna dhex sabeeya, hawada mudo dheer. Qofkii neefsada hawadaas caabuq-keenuhu ku dhex jiro, sidaas ayuu caabuq-keenuhu ku geli karaa qofka jidhkiisa oo uu ku dhalin karaa caabuqa.
  • Dadka iyo caruurta qaar waxay caabuq-keeneyaasha ku sidaan cunahooda iyo sankooda (colonization), laakiin caabuqa ma qabaan. Waxaa dhacda in caabuq-keenayaashu u gudbaan sanbabada qofka ama ilmaha sidaha ah oo sidaas sanbabadu ku caabuqaystaan. Waxaa kaloo dhaci karta in dadka caabuq-keeneyaasha sida ee aan iyagu qabin caabuqa ay caabuq-keenaha u gudbin karaan qof kale oo qofkaas kale uu qaado caabuqa Oofwareenka.
  • Xiliga foosha ee ilmuhu dhalanayo dhalaanku waxay qaadi karaan Oofwareen haddii dhiig iyo dheecaan wata caabuq-keene ay u gudbaan habdhiska neefsashada ee ilmaha.

Marka bukaanka qaba Oafwareen lagu daryeelayo xarun caafimaad ama cusbitaal, waa in la raacaa taxadarada ku haboon nooca caabuq-keenaha keenay Oofwareenka. Jaantuska soo socdaa wuxuu muujinayaa qaar ka mid ah caabuq-keeneyaasha, taxadarada ku haboon, iyo mudada ay soconayso soocidda bukaanku. Sida jaantusku muujinayo waxaa jira caabuq-keeneyaal ku faafa laba ama sadex dariiqo oo kala duwan:

Nooca caabuq-keenaha

Nooca taxadarka

Mudada soociddu soconayso

Streptococcuss pneumoniae (Group A)

Taxadarada guud iyo taxadarada dhibic ku-faafka

(Haddii bukaanka jidhkiisa ay ku yaalaan furuuruc waa in iyana la raacaa taxadarada taabasho ku-faafka)

24-saacadood kabacdi marka la siiyo dawo la hubo inay caabuqa dawayso ayaa qofka laga saari karaa soocidda.

Haemophilus influenzae b

(dhalaanka iyo caruurta)

Taxadarada guud iyo taxadarada dhibic ku-faafka

24-saacadood kabacdi marka la siiyo dawo la hubo inay caabuqa dawayso ayaa qofka laga saari karaa soocidda.

Haemophilus influenzae b

(dadka qaangaadhk ah)

Taxadarada guud

 

Respiratory Syncytial Virus

Taxadarada taabasho ku-faafka

Marka uu bukaanku ka caabuqa ayaa laga saari karaa soocidda. Haddii bukaanku yahay mid habdhiska difaaca jidhkiisu daciif yahay, bukaanku wuxuu ku jiri karaa soocidda muddo dheer.

Varicella-zoster

Taxadarada guud, taxadarka taabasho ku-faafka, iyo taxadarada hawo ku-faafka

Kabacdi marka furuurucu qalalo ee qolofaysto ayaa qofka  laga saari karaa soocidda

Caabuq-keeneyaasha aan u nugleyn antibiyootikada (Multi-Drug Resisttant Organims) sida MRSA, CRE, ESBL, VRE, IWM

Taxadarada guud iyo taxadarada Taabasho ku-faafka

Waxay u dhexayn kartaa usbuucyo ilaa sanado, waxayna ku xidhan tahay nooca caabuq-keenaha iyo inata ay le’eg tahay halista uu caabuq-keenuhu ku hayo bulshada, cusbitaalka iyo bukaanka ku jira cusbitaalka.

  • Guji halkan si aad u ogaato faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha taxadarada kor ku xusan. Beyjka hore (home page) waxaad ka heli kartaa beyjaj sharaxaya caabuq-keeneyaal kale oo keena Oofwareenka iyo taxadarada ku haboon caabuq-keenaha.
  • Waa in bukaanku xirto maask. Xeeladan oo loo yaqaan “source control” waxaa lagaga hortegi karaa in caabuq-keenuhu uu ka baxo afka iyo sanka bukaanka. 
  • Waa in bukaanku si joogto ah u nadiifiyo gacmaha
  • Qolka bukaanka iyo qalabka dhexyaala waa in si joogto ah oo buuxda loogu nadiifiyaa milanka nadiifinta ee dili kara caabuq-keenaha keenay Oofwareenka. Si gaar ah waa in loo nadiifiyaa meelaha ay gacmuhu sida joogtada ah u taabtaan. 
  • Si bukaanku aanu caabuqa ugu faafin xarunta caafimaad, waa in la yareeyaa in uu ku dhex warwareego ama ku dhex socdo cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa.
  • Shaqaalaha caafimaadku waa in ay si buuxda u raacaan taxadarada guud iyo taxadarada kale ee ku haboon caabuq-keenaha keenay Oofwareenka. 
  • Taxadarada guud waa taxadaro la raaco markasta oo la daryeelayo ama lala kulmayo qof bukaan ah, waxayna ka kooban yihiin gacmaha oo si joogto ah loo nadiifiyo, qalabka iyo qolka lagu daryeelayo bukaanka oo si joogto ah oo buuxda loo nadiifiyo, iyo in la gashado qalabka difaaca qofka (PPE) ee ku haboon caabuqa iyo xaaladaha bukaanku ku sugan yahay.
  • Taxadarada dhibic ku-faafku waa in la xirto maaska soocida (isolation mask) ama maaska qaliinka (surgical mask).
  • Taxadarada hawo ku-faafku waa in la xirto neef-sifeeye sida “N-95 mask” ama PAPR, islamarkaana bukaanka la jiifiyo qol cadaadiska hawadiisu taban tahay (negative pressure room). Haddii xarunta caafimaadku ama cusbitaalku aanu lahayn qol cadaadiska hawadiisu taban tahay, waa in bukaanka loo wareerijaa cusbitaal kale oo leh qolal noocaas oo kale ah. Haddii aanu jirin cusbitaal leh qol cadaadiska hawadiisu taban yahay, waa in bukaanka la jiifiyaa qol ka go’an cusbitaalka.
  • Taxadarada taabasho ku-faafku waa in la xirto gacmo gashi (gloves) iyo diraca soocidda (isolation gown)

Waxaa jira hab-nololeedyo la xidhiidha bii’adda oo sababa in dhalaanka iyo caruurtu u nuglaadaan inay qaadaan caabuqa Oofwareenka. Hab-nololeedyadaas bii’adeed waxaa ugu horeeya:

  • Guriga oo hawadiisu diqowdo marka dhuxul iyo xaabo wax lagu karsanayo lagu dhex shido
  • Waalidka caruuta dhalay oo sigaarka cabba
  • Guriga oo dad badan oo is-dul-saar ahi ku nool yihiin

 

Sidoo kale, marka la eego caafimaadka bulshada, sida ugu wanaagsan ee looga hortegi karo Oofwareenka waxa weeye iyada oo dhalaanka iyo caruurta laga talaalo caabuq-keeneyaasha inta badan keena Oofwareenka sida Haemophilus influenzae b, Pneumococcus, Measles, Bortadella pertussis, iwm. Dadka waayeelka ah oo iyaguna qaata talaalka pneumoccocal ayaa iyana ah xeelad kale oo lagaga horteri karo dhibaatada iyo dhimashada  uu leeyahay Oofwareenka ku dhaca dadka waayeelka ah.

Baadhitaan guud ayaa dhakhtarku ama shaqaalaha caafimaadku ku sameeyaan bukaanka. Baadhitaankaa guud waxaa ka mid ah in sambabada lagu dhegaysto qalabka estateskoob (stathescope) si loo baadho in sambabadu  leeyihiin dhawaaq neefsi oo aan caadi ahayn. Haddii laga shakiyo in qofka uu hayo Oofwareen, baadhitaanada soo socda ayaa ka mid ah baadhitaanada lagu xaqiijiyo in qofku qabo Oofwareen:

  • Dhiig ayaa bukaanka laga qaadaa oo laga baadhaa caabuq-keenaha 
  • Khashaafad ayaa la saaraa qofka oo lagu baadhaa inta uu caabuqa sambabadu le’eg yahay iyo halka uu sambabada kaga dhacay
  • Xaako ayaa laga qaadaa bukaanka oo lagu koriyaa shaybaarka lagana baadhaa caabuq-keenaha
  • Pulse Oxymeter: oo ah in la cabiro heerka oksijiinta ee dhiiga. Oofwareenku wuxuu yareehaa heerka oksijiinta ee dhiigga.
  • Haddii loo baahdo qofka waxaa la saari karaa CT ama waxaa laga qaadi karaa dheecaanka pleural fluid oo laga baadhaa nooca caabuq-keenaha.

Dawooyika soo socda ayaa lagu daweeyaa oo lagu yareeyaa Oofwareenka:

  • Dawooyinka antaybayootikada: waxaa lagu daweeyaa Oofwareenka ay keenaan caabuq-keeneyaasha bakteeriyada.
  • Dawooyinka antaybayootikadu ma daweeyaan Oofwareenka ay keenaan fayrasyadu.
  • Dawooyinka qufaca: Waxaa lagu yareeyaa qufaca si bukaanku u nasto, walow in qofku mar mar qufaco ay u fiican tahay in xaakada iyo dheecaanka kale ka soo go’aan sambabada.
  • Dawooyinka xanuunka iyo xumada sida aspirin, ibuprofen (Advil, Motrin IB, iwm) iyo acetaminophen (Tylenol, iwm).