Caabuqa Qaamowqashiirka: Mumps

Caabuqa Qaamowqashiika waxaa keena fayraska loo yaqaan Mumps virus oo ka tirsan qoyska Paramyxoviridae ee genus-ka Rubulavirus.  Fayraska caabuqan keenaa wuxuu haleelaa qanjidhada calyada ee loo yaqaan ‘parotid glands’. Caabuqu wuxuu ku dhacaa caruurta iyo dadka waaweyn labadaba.

Caabuqa Qaamoqashiirka waxaa lagu gartaa:

  • Xumad
  • Iyada oo uu bararo oo damqado qanjidh ama dhowr qanjidh oo ka mid ah qanjidhada calyada ee loo yaqaan parotid, ama marmarka qaar sublingual ama submaxillary glands.
  • Boqolkiiba 20 ilaa 30 wiilasha qaangaadhay waxaa caabuqa oo barara xiniinyaha.
  • Boqolkiiba 5 gabdhaha qaangaadhay waxaa caabuqa oo barara qanjidhada ugxanata ee loo yaqaan overies.
  • Waa suurogal in fayrasku asiibo xubno kale oo jidhka ka mid ah.
  • Waxaa xusid mudan inay muhiim tahay in niyada lagu hayo in caabuqa jabtida iyo kalamiidhiyadu ay caabuq iyo barar ku ridaan xiniinyaha.

Marka uu fayraska caabuqa keenaa soo gaadho jidhka qof nugul, waxay ku qaadataa in uu caabuqa dhaliyo oo calaamadaha caabuqu soo if-baxaan 12 ilaa 25 maalmood gudahood.

Caabuqa Qaamowqashiirku wuxuu ku faafaa oo lagu kala qaadaa habka dhibic ku-faafka (droplet transmission). Taas oo ah marka bukaanku uu hindhiso, qufaco ama hadlo, waxaa bukaanka afkiisa ama sankiisa ka soo baxa dhibco yar yar oo wata caabuq-keenaha. Dhibcahaas yar yari haddii ay ku dhacaan xuub-xabeedka afka ama sanka dadka bukaanka u jira in ka yar laba mitir, fayrasku sidaas ayuu ku soo gaadhi karaa jidhka dadka oo ay ku qaadi karaan caabuqa.  

Marka bukaanka lagu daryeelayo xarun caafimaad ama cusbitaal waa in la raacaa taxadarada soo socda si caabuqu aanu ugu dhicin shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanka kale ee lagu daryeelayo xarunta caafimaad am cusbitaalka:

  • Waa in bukaanka la jiifiyaa qol u gaara ama meel gaar ah oo la geilyaa soocidda dhibic ku-faafka
  • Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada dhibic ku-faafka (Droplet Precautions).
    1. Shaqaalaha caafimaadku waa in ay xidhaan maaska soocidda “isolation mask” marka ay gelayaan qolka bukaanka.
    2. Shaqaalaha caafimaadka waa inay iska bixiyaan maaska soocidda marka ay ka baxayaan qolka bukaanka oo ay ku ridaan bacda qashinka.
    3. Shaqaalaha caafimaaku waa inay u hogaansanaadaan xeerka nadiifinta gacmaha oo ay gacmahooda nadiifiyaan marka ay gelayaan qolka, ka baxayaan qolka, taabtaan agagaarka bukaaanka, gacmahooda ku arkaan wasakh, ama samaynayaan daryeel ka madhan caabuq-keene.
  • Qolka bukaanka iyo qalabka dhexyaala waa in si joogto ah oo buuxda loogu nadiifiyaa milanka nadiifinta ee dili kara fayraska keena caabuqa. Si gaar ah waa in loo nadiifiyaa meelaha ay gacmuhu sida joogtada ah u taabtaan sida  handaraabka albaabka, halka nalka laga daaro ama laga demiyo, iwm.
  • Si bukaanku aanu caabuq-keenaha ugu faafin xarunta caafimaad, waa in la yareeyaa in bukaanku ku dhex warwareego ama ku dhex socdo cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa
  1.  

Soociddu waxay bilaabmaysaa makra uu bararo qanjidh ka mid ah qanjidhada calyadu, waxayna soconaysaa ilaa 9 maalmood.

Sida ugu wanaagsan oo caabuqa Qaamowqashirka looga hortegi karo waa in ilmaha lasiiyo oo loo dhamaystiro talaalka taxanaha ah ee MMR (Measles, Mumps, and Rubella) oo ah talaal ka hortaga cudurada jadeecada, qaamowqashiirka, iyo jadeeco jarmalka.  Talaalka koowaad waxaa canuga la siiyaa marka uu jiro 12 ilaa 15 bilood, ka labaadna marka uu jiro 4 ilaa 6 sano.

Dhiiga bukaanka ayaa laga baadhaa lid-jir, iyadoo la isticimaalayo habab baadhis oo ay ka mid tahay EIA (enzymatic immunoassay).

Ma jirto wax daawo ah oo caabuqa lagu daweeyaa.