Caabuqa Qoorgooyaha: Meningitis
Caabuqa Qoorgooyuhu wuxuu ku dhacaa oo barar-caabuq ku sameeyaa dheecaanka iyo sadexda xuub oo loo yaqaan meninges ee kor kaga dahaadhan maskaxda iyo xangulaha dhexmara laf-dhabarta. Caabuqa Qoorgooyaha waxaa keena noocyo kala duwan oo caabuq-keeneyaal ah sida bakteeriyo, fayras, fangi, baarasayt, iyo amiiba. Halista caafimaad ee qoorgooyuhu waxay ku xidhan tahay nooca caabuq-keenaha.
Qoorgooyaha ay keento bakteeriyadu
Qoorgooyaha bakteeriyadu keentaa wuu ka halis badan yahay qoorgooyaha ay keenaan caaqub-keeneyaasha aan bakteeriyada ahayni, wuxuuna sababi karaa geeri qofka ku timaada saacado gudahood. Inkastoo dadka intiisa badani ka bogsadaan qoorgooyaha bakteeriyadu keento, hadana caabuqani wuxuu horseedi karaa dhibaatooyin caafimaad oo aan kasoo kabasho lahayn sida dhaawac ku yimaada maskaxda, dhego-beel, fahan la’aan.
- Streptococcus pneumoniae
- Group B Streptococcus
- Neisseria meningitidis
- Haemophilus influenzae
- Listeria monocytogenes
Bakteeriyadani waxay kale oo keenaan cudurka Sebsiska (sepsis) oo ah marka jidhku si baahsan uga falceliyo caabuqa. Jidhku wuxuu walxo kiimiko kusii daayaa habdhiska wareega dhiigga. Sebsisku wuxuu jidhka ku dhacaa marka kiimikadaas farobadnaan darteed jidhku maarayn kari waayo oo dabadeedna kiimikadaasi waxyeelo u geysato xubno ama habdhisyo badan oo jidhka ka mid ah.
- Dhalaanku waxay u nugul yihiin in uu ku dhaco caabuqa Qoorgooyuhu
- Dadka ku sugan ama ku nool meelaha kadku ku urursan yihiin. Tusaale ahaan Jaamacadaha iyo iskuulada waxaa mar mar ka dilaaca caabuqa Qoorgooyaha ee ay sababto bakteeriyada Neisseria meningitidis.
- Dadka u safra wadamada ku yaal dhulka loo yaqaan suunka qoorgooyaha (meningitis belt ) ee kuyaal badhtamah ilaa galbeedka qaarada Afrika. Gaar ahaan haddii ay u safraan xiliga ay kacsan yihiin dabaysha iyo siigudau. Sidoo kale, caabuqa Qoorgooyaha ee ay keento bakteeriyada Neisseria meningitidis wuxuu mar mar ka dilaacaa goobaha loo aado cibaadada sida Xajka.
- Shaybaariisteyaasha baadha xaakada ama dhiiga laga soo qaaday qokfa laga baadhayo caabuqa Qoorgooyaha.
Calaamadaha caabuqa Qoorgooyaha ee inta badan soo if-baxaa waxaa weeye:
- Xumad
- Madax-xanuun
- Luqunta oo tig-tiganta
Calaaamadaha kale ee inta badan lagu arko bukaanku waxaa weeye :
- Wareer
- Lalabo
- Matag
- Indhadha oo dhibsada ilayska (photophobia)
- Miyir-beel
- Suuxid
Waxaa dhici karta in dhalaanka hadda dhashay aanay yeelan ama ay adag tahay in laga dareemo calaamadahaas kor ku xusan. Calaamadaha lagu arki karo dhalaanka hadda dhashay waxa weeye:
- Oohin
- Xanaaq
- Matag
- Cunto ka go’id
- Firfircooni la’aan.
- Dhalaanka mudada jiray madaxooda qaybta jilicsan oo soo buuranta ayaa ah calaamad kale oo lagu garto caabuqa Qoorgooyaha.
Inta badan calaamaduhu si deg-deg ah ayay u soo ib-baxaan, walow ay qaadan karto ilaa dhowr maalmood in calaamaduhu soo if-baxaan.
Sida uu u faafo Qoorgooyaha bakteeriyadu keento waxay ku xidhan tahay nooca bakteeriyada. Qaar ka mid ah caabuq-keeneyaashu waxa ay ku faafaan habka dhibic ku-faafka. Waxaa muhiim ah in la ogaado in dadka qaarkii ay yihiin sideyaasha bakreeriyada keenta Qoorgooyaha. Sideyaashu ma qabaan caabuqa Qoorgooyaha laakiin bakteeriyada ayaa ku nool meelo ka mid ah jidhkooda. Tusaale ahaan:
- Hooyadu marka ay umulayso waxay bakteeriyada Group B Streptococcus iyo E coli ee ku nool habdhiska taranka u gudbin kartaa ilmaha dhalanaya
- Dadka is weydaarsada calyada marka ay is dhunkanayaan ama isku qufacaan ama wadaaga weelka wax lagu cuno, ama kuwada nool gurigu waxay isu gudbin karaan bakteeriyada Neisseria meningiditis
- Labada bakteeriyo ee Haemophilus influenzae iyo Streptococcus pneumoniae waxaa la kala qaadi karaa marka qofka sidaha ah ama qaba Qoorgooye uu ku qufaco ama hindhiso dadka aadka ugu dhow oo dadkaasina neefsadaan bakteeriyada
Marka bukaanka qaba caabuqa Qoorgooyaha ee ay bakteeriyadu keento lagu daryeelayo xarun caafimaad ama cusbitaal, waa in la raacaa taxadarada ku haboon nooca bakteeriyada keentay Qoorgooyaha. Jaantuska soo socdaa wuxuu muujinayaa qaar ka mid ah caabuq-keeneyaasha bakteeriyada, taxadarada ku haboon, iyo mudada ay soconayso soocidda bukaanku:
Nooca bakteeriyada | Nooca taxadarka | Mudada ay soconayso soociddu |
Streptococcuss pneumoniae | Taxadarada Guud | Looma baahna in bukaanka la sooco |
Haemophilus influenzae b | Taxadarada dhibic ku-faafka iyo taxadarada guud | 24-saacadood kabacdi marka la siiyo dawo la hubo inay daweyso caabuqa ayaa bukaanka laga saari karaa soocidda. |
Neisseria meningitidis | Taxadarka dhibic ku-faafka iyo taxdarada guud | 24-saacadood kabacdi marka la siiyo dawo la hubo inay daweyso caabuqa ayaa bukaanka laga saari karaa soocidda.
Xubnaha qoyska ee bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadka ee uu afkooda ama sankooda galeen, dhibco ama dheecaan ka soo baxay afka ama sanka bukaanku waa in la siiyaa dawooyinka antaybayootikada ee lagaga hortago caabuqa (prophylaxis). |
Mycobacterium tuberculosis | Taxadarada guud | Looma baahna in bukaanjiifka la sooco
Waa in la raacaa Taxadarada hawo ku-faafka haddii bukaanku uu qabo Qaaxada sambabada ama dhuunta ama boog-caabuqeed ay sababatay M tuberculosis oo dareere ka imanayo. |
Listeria monocytogenes | Taxadarada guud | Looma baahna in bukaanka la sooco |
Bakteeriyada kale oo dhan | Taxdarada guud | Looma baahna in dhalaanka la sooco |
- Guji halkan si aad u ogaato faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha taxadarada kor ku xusan.
- Bukaanka qaba Qoorgooyaha dhibic ku-faafku waa in uu xirto maask. Xeeladan oo loo yaqaan “source control” waxaa lagaga hortegi karaa in caabuq-keenuhu uu ka baxo afka iyo sanka bukaanka.
- Waa in bukaanku si joogto ah u nadiifiyo gacmaha
- Qolka bukaanka iyo qalabka dhexyaala waa in si joogto ah oo buuxda loogu nadiifiyaa milanka nadiifinta ee dili kara bakteeriyada keentay Qoorgooyaha. Si gaar ah waa in loo nadiifiyaa meelaha ay gacmuhu sida joogtada ah u taabtaan.
- Si bukaanku aanu caabuqa ugu faafin xarunta caafimaad, waa in la yareeyaa in uu ku dhex warwareego cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa.
- Shaqaalaha caafimaadku waa in ay si buuxda u raacaan taxadarada guud iyo taxadarada kale ee ku haboon bakteeriyada keentay Qoorgooyaha.
Sida ugu wanaagsan ee looga hortago caabuqa Qoorgooyaha ee bakteeriyadu keentaa waa iyadoo la qaato talaalada sadexda ah ee:
- Meningococcal ee lagaga hortago bakteeriyada meningitidis
- Pneumococcal ee lagaga hortago bakteeriyada pneumoniae
- Hib ee lagaga hortago bakteeriyada Haemophilus influenzae nooca B
Gabadha uurka leh, 4 ilaa 6 todobaad ka hor inta aanay umulin waa in laga baadhaa bakteeriyada Group B Streptococcus. Haddii bakteeriyada laga helo gabadha waxaa haboon in la siiyo dawo antaybayootiko ah oo baabi’in karta bakteeriyada. Sidaas oo la sameeyaa waxay fududaynaysaa in marka gabadhu umulayso aanay bakteeriyada u gudbin ilmaha oo aan ilmuhu qaadin caabuqa Qoorgooyaha.
Sida kale ee looga hortago in caabuqa Qoogooyuhu uu faafo waa iyada oo si ka hortag ah loo siiyo dawooyinka antaybayootikada lidka bakteeriyada dadka la xaqiijiyey inay si dhow ula kulmeen bukaanka qaba caabuqa Qoorgooyaha. Dadkaas oo laga cabsi qabo inay qaadi doonaan caabuqa. Si ay ugu haboonaadaan qaadashada dawooyinka, waxaa muhiim in la hubiyo in dadku si dhow ula kulmeen qofka qaba caabuqa Qoorgooyaha.
Nasasho la qaato, sigaarka oo aan la cabin, iyo dadka xanuunsanaya oo aan loo dhowaan ayaa iyna ah kuwo ka mid ah xeeladaha lagaga hortago in aan la qaadin caabuqa Qoorgooyaha.
Haddii uu dhakhtarku ka shakiyo in bukaanku uu qabo caabuqa Qoorgooyaha, waxaa laga qaadaa dhiig. Waxaa kale oo laga qaadaa dheecanka ku jira xangulaha laf-dhabarta iyo maskaxda ee loo yaqaan Cerebral Spinal Fuild (CSF). Dhiigaas iyo dheecaankaas ayaa loo diraa shaybaarka oo laga eegaa in ay jiraan calaamado Kemisteriyeed (Chemistry) iyo kuwo bakteeriyaad oo muujinaya in bukaanku qabo caabuqa Qoorgooyaha ee bakteeriyadu keento. Waxaa kale oo maskada bukaanka laga qaadaa sawir.
- Badhitaanada Kemisteriyeed: waxaa la cabiraa heerka borotiinka iyo sonkorta ee dheecaanka CSF. Heerka sonkorta oo hooseeyaa wuxuu calaamad u yahay in uu jiro caabuqa Qoorgooyaha ee bakteeriyadu keento
- Midabaynta Gram Stain: waxaa dheecaanka CSF laga baadhaa in ay bakteeriyo ku jirto. Waxaa kale ee la qiyaasaa tirada iyo noocyada unugyada cad-cad ee ku jira dheecaanka. Unugyada cad-cad ee Neutrophils oo aad ugu badan dareeraha CSF waxay iyana calaamad u tahay in uu jiro Qoorgooye ay bakteeriyo keentay.
- Korinta bakteeriyada: Dheecaanka CSF ayaa lagu abuuraa saxanada yar-yar ee petri-dish. Haddii bakteeriyo ku jirto dheecaanka, waxay ku kortaa saxanadaas yar-yar. Dhiig laga qaaday bukaanka ayaa sidan oo kale loo baadhaa marmarka qaar.
Waa in si deg-deg ah dawooyinka lidka bakteeriyada ee antaybayootikada loogu daweeyaa Qoorgooyaha bakteeriyadu sababto. Haddii Qoorgooyuhu yahay mid ded-deg ah, waa in dawooyinka lagu daraa faleebo oo bukaanka laga siiyaa xididada dhiigga. Nooca dawadu waxay ku xidhan tahay nooca bakteeriyada ee keentay Qoorgooyaha.
Qoorgooyaha ay keenaan fayrasyadu
Qoorgooyaha fayrasyadu keenaan way ka tiro badan yihiin kuwa ay bakteeriyadu keenaan, laakiin way ka xanuun iyo dhib yar yihiin kuwa bakteeriyadu keenaan. Waxaase xusid mudan in caabuqyada Qoorgooyaha ee fayrasyadu keenaan ay khatartooda leeyihiin marka ay ku dhacaan dhalaanka ka yar 30 maalmood iyo dadka habdhiska difaaca jidhkoodu daciifka yahay. Caabuq Qooargooyaha ee fayrasyadu keenaan waxay inta badan bugsoodaan iyada aa qofka la dawayn. Waxaase muyhiim ah in qorku uu dhakhtarkiisa arko haddii uu isku arko ama lagu arko calaamadaha Qoorgooyaha.
Fayrasyada Non-polio Enteroviruses ayaa ah kuwa inta badan keena Qoorgooyaha fayrasyadu keenana. Fayrasyada kale ee Qoorgooyaha keena waxaa ka mid ah:
- Mumps virus
- Herpesvirueses sida Ebpstein-Barr virus, herpes simplex viruses, iyo varicella-zozter virus.
- Measles virus
- Influenza virus
- Arboviruses sida West Nile Virus
- Lymphocytic choriomeningitis virus
- Dhalaanka da’doodu ka yar tahay 30 maalmood
- Caruurta da’daadu ka yar tahay 5 sano
- Dadka habdhiska difaaca jidhkoodu daciifka yahay sida kuwa qaata dawooyinka kiimoterabiga ee lagu daweeyo kansarka iyo weliba kuwa laga bedeley xubnaha beerka, wadnaha, kelyaha, dhuuxa laha IWM.
Sida aynu kor ku soo xusnay, calaamadaha iyo dhibaatooyinka caafimaad ee Qoorgooyaha fayrasyadu keenaan way ka sahlan yihiin kuwa bakteeriyadu keento. Hayeeshee waa in la ogaadaa calaamadaha caabuqa Qoorgooyaha ee fayrasyadu keenaan ay ku abuuraan dhalaanka iyo caruurta:
Calaamadaha lagu arki karo dhalaanka hadda dhashay waxa weeye:
- Xumad
- Xanaaq
- Dheef-qaadasho la’aan
- Lulo badan ama hurdada oo ay ka kici waayaan
- Awood la’aan.
Calaamada lagu arki karo caruurta iyo dadka waxa weeye:
- Xumad
- Madax-xanuun
- Luqunta oo tig-tiganta
- Indhaha oo ilayka dhibsada
- Lulo badan ama hurdada oo ay ka kici waayaan
- Lalabo
- Matag
- Xanaaq
- Dheefta oo aanay nafsad u hayn
- Awood la’aan.
Dadka la nool ama si dhow ula kulma qofka qaba caabuqa Qoorgooyaha ee fayras keenay waxay khatar ugu jiraan in fayrasku u keeno caabuq aan ahayn Qoorgooye. Laakiin, in yar oo dadkaas ka mid ah ayuu ku dhacaa cuubuqa Qoorgooyaha ee fayrasyadu keenaan.
Marka qof qaba caabuqa Qoorgooyha ee fayrasyadu keenaan lagu daryeelayo xarun caafimaad ama cusbitaal, shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada guud.
Ma jiraan talaalo lagaga hortago fayrasyada Non-polio Enteroviruses ee inta badan keena caabuqa Qoorgooyaha. Sida ugu wanaagsan ee fayrasyadan lagaga hortegi karaa waa in gacmaha la iska nadiifiyo mar walba, in nadaafada iyo fayodhowrka guud la ilaaliyo, in aan loo dhowaan qof buka, iyo bukaanku aanu guriga ka bixin ama dadka dhex gelin. Fayrasyada kale ee measles, mumps, chickenpox, iyo influenza iyaga waxaa lagaga hortegi karaa talaaladooda oo loo qaato xiliga loogu talo galay. Kaneecada iyo xasharaadka kale ee gudbin kara caabuq-keenaha oo qaniinyadooda la iska ilaaliyo ayaa iyana ah xeelad lagaga hortegi karo Qoorgooyaha. Ugu danbayn xayawaanada shurunjiirka (rodents) ee jiirka iyo waladu ka mid yihiin oo loo helo hab lagaga ilaaliyo inaanay soo gelin guryaha ama usoo dhowaan dadka ayaa iyana ah xeelad kale oo lagaga hortegi karo caabuqa Qoorgooyaha ee fayrsayadu keenaan.
Haddii uu dhakhtarku ka shakiyo in bukaanku uu qabo caabuqa Qoorgooyaha, waxaa laga qaadaa dheecanka ku jira xangulaha laf-dhabarta iyo maskaxda ee loo yaqaan Cerebral Spinal Fuild (CSF). Dheecaankaas ayaa loo diraa shaybaarka oo laga eegaa in ay jiraan calaamado Kemisteriyeed (Chemistry) iyo kuwo fayraseed oo muujinaya in bukaanku qabo caabuqa Qoorgooyaha ee fayrasyadu keenaan. Waxaa kale oo bukaanka laga qaadi karaa saxaro, dhiig, iyo dheecaan laga soo qaaday sanka ama dalqada. Waxaa kale oo maskada bukaanka laga qaadaa sawir.
- Badhitaanada Kemisteriyeed: waxaa la cabiraa heerka borotiinka iyo sonkorta ee dheecaanka CSF. Heerka sonkortu waa caadi haddii uu jiro caabuq Qoorgooye ah oo fayras keenay
- Midabaynta Gram Stain: Unugyada cad-cad ee Lymphocytis oo aad ugu badan dareeraha CSF waxay calaamad u tahay in uu jiro Qoorgooye uu fayras keenay.
- Baadhida DNA-da: waxaa la isticimaalaa habka Polymerase Chain Reaction oo la baadhaa in lid-jir khaas u ah qaar ka mid ah fayrasyadu ay ku jiraan dheecaanka CSF.
Waloow dadka intiisa badani aanay u baahnayn in la daweeyo oo caabuqu sidiisa u bugsado, hadana caabuqa waxaa lagu daweeyaa dawooyinka lidka fayraska ee antayfayral. Waxaa muhiim ah in la ogaado in dawooyinka lidka bakteeriyadu aanay waxba ka tarin caabuqa Qoorgooyaha ee fayrasyadu keenaan
Qoorgooyaha ay keenaan fangasyadu
Caabuqa Qoorgooyaha ee Fangasyadu keenaan dadka aad uguma dhacaan.
Noocyada fangasyada ee keena Qoorgooyaha waxa ugu badan kuwa soo socda:
- Cryptococcus
- Histoplasma
- Blastomyces
- Coccidioides
- Candida
Dadka habdhiska difaaca jidhkoodu daciifka yahay ayaa si gaar ah khatar ugu jira in uu ku dhaco caabuqa Qoorgooyaha ee fangasyadu keenaan.
- Xumad
- Madax-xanuun
- Luqunta oo tig-tiganta
- Lalabo
- Matag
- Indhadha oo dhibsada ilayska Iskubuuq
Caabuq-keeneyaasha fangasyadu waxay ku nool yihiin oo ku badan yihiin deegaanka, carada ama ciidda, xaarka shimbiraha iyo fiidmeerta, iyo dhirta qalashay ee xarbabooshtay. Fangasyaduna waxay dadka u gudbi karaa marka ay walxahaas aynu soo sheegnay ay ka shaqeeyaan ama la fangalaan. Juquraafi ahaan, fangasyada qaarkood waxay ku badan yihiin meelo ama gobolo gaar ah oo ka mid ah dunida. Taxa soo socda ayanu ku eegi doonaa halka laga helo fangasyada inta badan keena caabuqa Qoorgooyaha:
- Cryptococcus: wuxuu ku nool yahay oo laga helaa, carada ama ciidda, xaarka shibiraha, iyo dhirta qalashay ee xarbabooshtay. Juquraafi ahaanna waxaa laga helaa aduunkoo dhan.
- Histoplasma: wuxuu ku nool yahay oo laga helaa, carada ama ciidda, xaarka shibiraha iyo fiidmeerta. Juquraafi ahaanna wuxuu ku badan yahay badhtama iyo bariga qaaradaha labada Ameerika, badhtamaha iyo koonfurta qaarada Afrika, buuraleyda himalaaya, xeebta bari ee Australia iyo waqooyiga talyaaniga. Dalka Soomaaliyana fangaskani wuxuu ku badan yahay gobolada ay maraan ama u dhexaaya labada webi.
- Blastomyces: wuxuu ku nool yahay oo laga helaa caradda ama ciida, dhirta iyo caleemaha xarbabooshay. Juquraafi ahaana wuxuu ku badan gobolada Maraykanka iyo Kanada ee ku xeeran webiyada Ohio iyo Missisipi, qaarada Africa iyo koonfurta qaarada Aasiya.
- Coccidioides: wuxuu ku nool yahay oo ku badan yahay carada ama ciidda. Juquraafi ahaana wuxuu ku badan yahay gobolada koonfur galbeed ee dalka Maraykanka, iyo meelo ka mid ah badhtama qaarada Ameerika.
- Candida: fangaskani wuxuu caadiyan ku nool yahay jidhka bini’aadamka gudihiisa sida afka iyo mindhicirada. Inta badan ma sababo caabuq, laakiin dadka qaar ayaa fangaskani wuxuu u gudbin karaa xubnaha jidhka sida maskaxda oo uu ku dhalin karaa caabuq sida Qoorgooyaha.
Marka bukaanka lagu daryeelayo xarun caafimaad ama cusbitaal, shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada taabasho ku-faafka iyo taxadarada guud marka bukaan qaba Qoorgooye uu keenay fangaska Candida (sida Candia aurus) ee aan u nuglayn dawooyinka lida fangaska ee antayfangal.
Dadka uu daciifka yahay habdhiska difaaca jidhkoodu waa inay iska ilaaliyaan inay qodaan, carada ama ciidda, iska ilaaliyaan wixii boodh iyo siidho kicin kara gaar ahaan haddii ay joogaan deegaanada ay fangasyadu ku badan yihiin. Islamarkaana dadka difaaca jidhkoodu daciifka ahay waa inay ska ilaaliyaan xaarka shimbiraha iyo fiidmeerta.
Haddii uu dhakhtarku ka shakiyo in bukaanku uu qabo caabuqa Qoorgooyaha, waxaa laga qaadaa dhiig ama dheecanka ku jira xangulaha laf-dhabarta iyo maskaxda ee loo yaqaan Cerebral Spinal Fuild (CSF). Dheecaankaas ayaa loo diraa shaybaarka oo laga eegaa in ay jiraan calaamado Kemisteriyeed (Chemistry) iyo kuwo fangaseed oo muujinaya in bukaanku qabo caabuqa Qoorgooyaha ee fangasyadu keenaan. Waxaa kale oo maskada bukaanka laga qaadi karaa sawir.
Qaabuqa Qoorgooyaha ee fangasyadu keenaan waxaa lagu daweeyaa dawooyinka lidka fangaska ee antayfangaska. Dawooyinkaas oo xadi badan ah ayaa inta badan qofka laga siiyaa xididada dhiiga iyadoo faleebo laga siinayo. Mudo dheer ayay socotaa daweynta dadka habdhiska difaaca jidhkoodu daciifka yahay.
Qoorgooyaha ay keenaan baarasaytyadu
Qoorgooyaha ay keenaan baarasaytyadu aad ayay uga yar yihiin Qoorgooyaha bakteeriyada iyo fayrasyadu keenaan.
Taxa soo socda ayanu ku eegi doonaa xawayaanada sideyaasha ah iyo juquraafi ahaan halka laga helo sadexda baarasayt ee inta badan keena caabuqa Qoorgooyaha:
- Angiostrongylus cantonensis: Caabuqa Qoorgooyaha ee baarasaytkani keeno waxaa lagu arkay dad ku nool koonfur bari qaarada Aasiya iyo weliba jasiiradaha baasifika (Pacific Islands) ee Hawaii ku jirto. Dadku waxay qaadi karaan caabuqa marka ay cunaan xaaxeeyo (snails) ama xaaxeeyada aan qolofta lahayn (slug) oo aan la karin ama si fiican loo karin.
- Baylisascaris procyonis: Marka dadku ay liqaan ugxanta baarasaytkan ayay qaadi karaaan caabuqa Qoorgooyaha. Ugxanta Baylisascaris procyonis waxaa laga helaa saxarada xawayaanka raccoon-ka oo ah xawayaan ku nool meelo badan oo Maraykanka ku yaal iyo meelo kale oo aduunka ka mid ah.
- Gnathostoma spinigerum: Caabuqa Qoorgooyaha ee baarasaytkani keeno waxaa lagu arkay dad ku nool koonfur bari qaarada Aasiya, gaar ahaan Japan iyo Thailand. Dadku waxay qaadi karaan caabuqa marka ay cunaan kaluunka webiyada (freshwater fish), mas-biyeedka webiyada (eel), rah, mas, iyo digaag aan la karin ama si fiican loo karin.
Juquraafi ahaan, baarasaytyada qaarkood waxay ku badan yihiin meelo ama gobolo gaar ah oo ka mid ah dunida. Waxaase xusid mudan in dadka degan meelaha baarasaytyadu ku badan yihiin ama la macaamila xawayaanada ah sideyaasha baarasaytyadu ay yihiin dadka khatarta ugu jira caabuqa Qoorgooyaha ee baarasaytyadu keenaan.
- Madax-xanuun
- Luqunta oo tig-tiganta
- lalabo
- Matag
- Indhaha oo dhibsada ilayska
- Iskubuuq.
- Caabuqa Qoorgooyaha ee baarasaytka Angiostrongylus cantonensis keenaa wuxuu leeyahay xadanto ama xanuun maqaarka jidhka ku dhaca, wuxuu kale oo uu yeelan karaa xumad hoose.
- Sadexda baarasayt ee kor ku xusan ee inta badan keena caabuqa Qoorgooyuhu waxay qofka u keeni karaan dhibaatooyin caafimaad oo culus oo ay ka mid yihiin murqaha oo isla shaqayn waaya, miyir-beel, curyaannimo, iyo weliba dhimasho.
Dadku ma kala qaadaan caabuqa Qoorgooyaha baarasaytyadu keenaan. Baarasaytyada keena Qoorgooyahu waxay marka hore caabuq ku ridaan noocyo ka mid ah xawayaanada. Dadku waxa ay inta badan qaadaan caabuqa marka ay cunaan xawayaanadaas ama cunto uu ku laban yahay baarasayt.
Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada guud marka bukaanka lagu daryeelayo cusbitaalka ama xarun caafimaad.
Dadku waa inay xawayaanka raccoon-ka ka ilaaliyaan guryahooda. Waana inay si fiican isaga kariyaan cuntooyinka ay cunayaan, gaar ahaan kuwa aan kor ku soo sheegnay.
Haddii uu dhakhtarku ka shakiyo in bukaanku uu qabo caabuqa Qoorgooyaha, waxaa laga qaadaa dhiig. Waxaa kaloo laga qaadaa dheecanka ku jira laf-dhabarta iyo maskaxda ee loo yaqaan Cerebral Spinal Fuild (CSF). Dhiigaas iyo dheecaankaas ayaa loo diraa shaybaarka oo laga eegaa in ay jiraan calaamado Kemisteriyeed iyo kuwo baarasayt oo muujinaya in bukaanku qabo caabuqa Qoorgooyaha ee baarasaytyadu keenaan. Bukaanka oo la weydiiyo inuu u safray meel uu baarasayt ku badan yahay iyo maskaxdiisa oo sawir laga qaado ayaa iyana ka mid ah baadhitaanka lagu sameeyo bukaanka marka la ogaanayo inuu qabo caabuqa Qoorgooyaha ee baarasaytyadu keenaan.
Ma jiraan dawooyin u gaara caabuqa Qoorgooyaha Iyosiinofiilik, laakiin qofka waxaa la siin karaa dawooyinka kaar jebinta iyo madax xanuunka. Haddii loo baahdana waxaa la siin karaa dawooyinka maareeya fal-celinta dicaafaca jidhku kala hortago baarasaytka, si fal-celintaasi aanay jidhka u dhaawicin.
Qoorgooyaha ay keento Amiibadu
Caabuqa Qoorgooyaha ee amiibadu keento waa dhif iyo naadir, laakiin aad iyo aad ayuu u halis badan yahay oo waa caabuq dilaa ah. Laga soo bilaabo horaantii sanadihii 1960-maadkii ilaa sanadka 2020, dalka Maraykanka waxaa laga xaqiijiyey 160 qof oo keliya oo uu ku dhacay caabuqa Qoorgooyaha ee amiibadu keento.
Amiibada lagu magacaabo Naegleria fowleri ayaa keenta caabuqa Qoorgooyaha
Calaamadaha marka hore soo ifbaxa waxa weeye:
- Xumad
- Madax-xanuun
- Luqunta oo tig-tiganta
- Lalabo
- Matag.
Calaamadaha gadaal ka yimaadana waxaa ka mid ah:
- Iskubuuq
- Wareer
- Suuxdin
- Dhic-dhicid
- Bukaanka oo ay ka lunto feejignaantii uu u hayey dadka iyo duunyada ku hareeraysan.
Dadku ma kala qaadaan caabuqa Qoorgooyaha ee amiibadu keento, laakiin qofku wuxuu caabuqa qaadi karaa marka amiimadu qofka ka gasho sanka dabadeedna u gudubto maskaxdiisa. Inta badan amiibadu waxay dadka sanka ka gashaa marka ay ku dabaashaan biyo ay ku dhex noolshahay amiibada Naegleria fowleri. Waxaa xusud mudan in dadku aanay qaadin caabuqa Qoorgooyaha haddii ay cabaan biyo ay ku laban taahay amiibadu.
Amiibada Naegleria fowleri waxaa laga helaa dunida oo dhan waxayna ku noolshahay biyaha macaan ee diiran ee ku jira jidhaamaha, ilaha, harooyinka, durdurada, ceelasha, webiyada, IWM. Waxaa kale oo amiibada laga helaa ciidda ama carada.
Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada guud marka bukaanka lagu daryeelayo cusbitaalka ama xarun caafimaad.
Sida looga hortago caabuqa
Sida ugu wanaagsan ee looga hortegi karo caabuqani waa iyadoo amiibada Naegleria fowleri laga ilaaliyo biyaha. Islamarkaana la xadido biyaha gelayo sanka oo la xadido ayaa iyana ah xeelad kale oo lagaga hortegi karo caabuqa. Marka qofku weyseysanayo ee uu sanka maydhayo, waxaa haboon in uu ku weyseysto biyo nadiif ah.
Maadaama oo caabuqa Qoorgooyaha ee amiibadu keento uu yahay mid dhif iyo naadir ah, ma fududa in la ogaado in qofku qabo caabuqa. Waxaa taas dheer, in ay yar yihiin shaybaarada lagu baadho amiibada. Tusaale ahaan dalka maraykanka waxaa ku yaal shaybaaro tiro yar oo lagu baadhi karo amiibada Naegleria fowleri. Haddii qofku isku arko xumad, madax-xanuun, iyo qoor-tigtigan ka gadaal markii qofku ku dabaashay biyo macaan ama xareed ah sida biyaha aynu kor ku soo sheegnay, waxaa muhiim ah in qofku si deg-deg ah ula xidhiidho dhakhtar oo uu dhakhtartka uga waramo xaaladiisa iyo inuu dhowaan ku dabaashay biyo macaan.
Waxaa jira dawooyin ka adag amiibada Naegleria fowleri. Ha yeeshee, caabuqa Qoorgooyaha ee ay keento Naegleria fowleri waa mid dilaa ah oo ay adag tahay in laga kaco. Tusaale ahaan, Dalka maraykanka oo ah dal hore u maray waxaa intii u dhexaysey 2009 ilaa 2018 cudurka laga heley 34 qof. 31 qof oo dadkaas ka mid ahi way u dhinteen caabuqa.
Qoorgooyaha ee ay keenaan waxaabaha aan ahayn caabuq-keeneyaal
Waxaa jira Qoorgooye ay keenaan waxyaabo aan ahayn caabuq-keenyeyaal oo ay ka mid yihiin: noocyo ka mid ah dawooyinka, dhaawac soo gaadha maskaxda, qaliinka maskaxda, cuduka loo yaqaan Lupus, iyo kansarka ku dhaca maskaxda. Calaamadaha marka hore soo if-baxa waxa weeye xumad, madax-xanuun iyo luqunta oo tig-tiganta. Calaamadaha gadaal ka yimaadana waxaa ka mid ah lalabo, matag,iskubuuq, iy o indhaha oo dhibsada ilayska.