Caabuqa Shingelis: Shingles

Shingelis waaxaa keena fayraska varicella-zoster virus (VZV) oo ah fayraska keena busbuska. Marka qofku ka bogsoodo busbus, fayraska varicella-zoster wuxuu ku negaadaa oo mudo dheer ku sii jiraa unugyada dareen-sideyaasha ee dorsal root ganglia ee ku taxan laf-dhabarta oo ah meelaha ay habdhiska dareenka ee laf-dhabarta kaga soo arooraan xididada dareen-sideyaasha ee maskaxda u sida fariimaha xanuunka iyo taabashada. 

Marka qofku weynaado ayaa fayraskii ku jirey unugyada dareen-sideyaashu wuxuu keeni karaa caabuqa loo yaqaan Shingelis oo ah furuuruc u eg nabaro yar-yar, dheecaan leh, oo xanuun badan oo ka soo baxa maqaarka dushiisa gaar ahaan meelaha ku beegan xididada dareen-sideyaasha. 

Haddii furuuruca Shingelis ka soo baxaan maqaarka ku beegan laba dermatome iyo ka badan, Shingelis ka noocaas ah waxaa loo yaqaan mid baahsan (Diseminated Shingles). Hal dermatome waa shebekad xidido dareen-sideyaal ah oo ku wada aroora mid ka mid ah unugyada dereen-sideyaasha ee dorsal root ganglia. Shingelis wuxuu dadka intiisa badan ku dhacaa hal mar, walow laga yaabo in dadka qaar uu laba ama sadex jeer ku dhaco.

  • Furuuruc dheecaan leh, xanuun badan, oo ka soo baxa hal dhinac oo wejiga ama jidhka ah, kuwaas oo qolofaysta ilaa todobaad ka dib islamarkaana baaba’a laba ilaa afar todobaad ka bacdi.
  • Maalin ilaa shan maalmood ka hor inta aan furuurucu soo bixin, meelaha furuurucu ka soo bixi doonaan waxay yeeshaan cuncun iyo xadanto.
  • Xumad
  • Qarqaryo
  • Calool xanuun
  • Madax-xanuun

Marka qof uu ka bogsoodo busbus, fayraska varicella-zoster wuxuu ku negaadaa oo mudo dheer ku sii jiraa unugyada dareen-sideyaasha ee dorsal root ganglia. Fayraskaasi wuxuu inta badan keenaa Shingelis marka qofku weynaado ee gaadho da’da 50 sano jir iyo ka weyn. Haseyeeshee, fayrasku wuxuu Shingelis keeni karaa da’ kasta sida xiliga dhalinyaranimada.

Sida caabuqa Shingelis ku faafaa waxay ku xidhan tahay in bukaanku yahay mid habdhiska jidhkiisu caadi yahay ama daciif yahay iyo in furuuruca Shingelis yihiin kuwo baahsan ama kuwo ku eg hal dermatome. Mark la eego xaaladaha aan soo xusnay, cudurku wuxuu ku faafaa  hab ee soo socda:

  • Haddii bukaanka habdhiska difaaca jidhkiisu daciif yahay, furuuruca shingles ha ahaadeen kuwo jidhka ku baahsan ama kuwo ku kooban hal dermatome e, caabuqu wuxuu ku faafaa habka hawo ku-faafka iyo habka taabasho ku-faafka.
  • Hadii bukaanka habdhiska difaaca jidhkiisu caadi yahay, furuurucuna jidhka ku baahsan yihiin, caabuqu wxuu ku faafaa habka hawo ku-faafka iyo taabasho ku-faafka.
  • Haddii habdhiska difaaca jidhka ee bukaanku uu caadi yahay oo furuurucuna ku kooban yihiin hal dermatome, islamarkaan furuuruca lagu daboolo maro ama faashad, caabuqu uma gudbayo qof kale.
  • Haddiisa habdhiska difaaca jidhka ee bukaanku uu caadi yahay oo furuurucuna ku kooban yihiin hal dermatome, laakiin aan furuuruca la dabooli karin ama la qarin karin, caabuquu wuxuu ku faafaa habka taabasho ku-faafka.

Marka bukaanka lagu daryeelayo xarun caafimaad ama cusbitaal, waa in bukaanka la geliyaa soocidda ku haboon islamarkaana la raacaa taxadarada ku haboon xaalada bukaanka. Jaantuska hoose wuxuu muujinayaa xaalada bukaanka, nooca soocidda, iyo nooca taxadarada. Caadiyan mudada ay soconayso soociddu waa ilaa iyo inta furuurucu ka qalalayaan oo ka qolofaysanayaan. 

Xaalada Bukaanka

Nooca Soocidda

Nooca Taxadarka

Bukaanka habdhiska difaaca jidhkiisu dafiic yahay, furuuruca Shingelis jidhka ha ku baahsanaadeen ama ha ku ekaadeen hal dermarome e

Soocidda hawo ku-faafka iyo Soociddda Taabashada

Taxadarada hawo ku-faafka, taxadarada taabasho ku-faafka, iyo taxadarada guud.

Bukaanka habdhiska difaaca jidhkiisu caadi yahay, furuuruca Shingelis-na jidhka ku baahsan yihiin

Soocidda hawo ku-faafka iyo soociddda taabasho ku-faafka

Taxadarada hawo ku-faafka, taxadarada taabasho ku-faafka, iyo taxadarada guud.

Bukaanka habdhiska difaaca jidhkiisu caadi yahay, furuuruca Shingelis-na ku kooban yihiin hal dermarome, islamarkaana furuuruca lagu daboolay maro ama faashad

Looma baahna in bukaanka la sooco

Taxadarada guud

Bukaanka habdhiska difaaca jidhkiisu caadi yahay, furuuruca Shingelis-na ku koban yihiin hal dermarome, islamarkaana furuurucu aanay daboolnayn ama qarsoonayn

Soocidda taabasho ku-faafka

Taxadarada taabasho ku-faafka iyo taxadarada guud

Shaqaalaha caafimaadka ee u nugul ama aan ka talaalnayn caabuqa Busbusku waa in aanay u dhowaan bukaan qaba Shingelis, haddii la heli karo shaqaale caafimaad oo aan u nugleyn caabuqa. 

Marka la eego caafimaadka bulshada, sida ugu wanaagsan ee looga hortegi karo caabuqa Shingelis-ku waa in dadka da’doodu gaadhey 60 sano ay qaataan talaalka shingles. Talaalka Shingelis oo la qaataa kuma xidhna in uu qofka ku soo dhacay Busbus iyo in kale. Dalka Maraykanka Zostavax® ayaa ah talaalka keliya ee loo ansixiyey caabuqa Shingelis.

Sidoo kale, waa in caruurta loo dhamays tiraa talaalka Varicella. 

Eeg sida loo baadho fayraska varicella zoster ka keena Busbuska.

Dawooyinka lidka fayrasyada ee ay ka mid yihiin acyclovir, valacyclovir, iyo famciclovir waxa ay soo gaabin karaan mudada uu caabuqu hayo , bukaanka waxayna yarayn karaan xanuunka. Waxaase muhiim ah in bukaanka si deg-deg ah loogu bilaabo dawada marka lagu arko furuuruca.