Caabuqa Tayfoodhka: Typhoid

Tayfoodhku waa caabuq halis ah oo ay keento bakteeriyada Salmonella typhi, gaar ahaan noocyadeeda I ilaa VI. Tayfoodhku wuxuu saameeyaa jidhka oodhan, wuxuuna caabuq ku ridaa caloosha iyo mindhicirada iyo mar-marka qaar dhiiga.  Waxaa jira caabuq u eg Tayfoodhka (laakiin ka sahlan) oo la yidhaado “Paratyphoid” ama tayfoodh u-eg oo ay keento bakteeriyada Salmonella paratyphoid.

Calaamadaha caabuqa Tayfoodhka waxaa ka mid ah:

  • Xumad heerkulkeedu sareeyo
  • Madax-xanuun
  • Saxarada oo adkaata ama Shuban
  • Beerka iyo beeryarada oo weynaada
  • Wadnaha oo garaaciisu hoos u dhaco
  • Dadka midabka cad leh boqolkiiba 25 waxaa laabtooda ka soo baxa baro leh midab guduud buni xiga ah. 
  • Haddii aan bukaanka laga daweyn caabuqa Tayfoodhka, xumadu way daba-dheeraataa, xiidmeyaasha ayaa dhiig ku furmaa, saxarada ayaa bukaanka ku qoolanta, mar-mar iyo dhif ayaa Oof-wareen ku dhici kara qofka, qufac aan xaako lahayn, iyo maskaxda oo dareenku ka tago.

Marka qofku uu cuno cunto ama cabitaan ay ku laban tahay bakteeriyadu, 1 ilaa 3 todobaad ayay ku qaadataa inay bakteeriyadu caabuqa dhaliso oo calaamaduhu soo if-baxaan.

Marka bukaanku ama sidaha bakteeriyadu uu ku wasakheeyo bakteeriyada cunto ama cabitaan uu diyaariyey ayaa bakteeriyadu waxay u gudubtaa qofkii cuna ama caba cuntadaas ama cabitaankaas. Waxaa kale oo uu Tayfoodhku noqon karaa mid saf ah, marka bakteeriyadu wasakhayso meesha dadku biyaha la cabo ka dhaansadaan.  Tayfoodhka waxaa kale oo lagu qaadi karaa haddii la cuno khudaar aan la iska dhaqin oo laga soo gooyey beer lagu bacrimiyey saxarada bini’aadamka. Caanaha xoolaha oo aan la iska karkarin ayaa sidoo kale laga qaadi karaa Tayfoodhka.

Hay’adaha caafimaadka ee caalamiga ahi waxay ku talinayaan in la raaco taxadarada soo socda:

  • Haddii bukaanka lagu daryeelayo cisbitaalka, shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada taabasho ku-faafka (Contact Precautions) iyo taxadarada guud (Standard Precautions)
  • Shaqaalaha caafimaadku haddii ay qabaan Tayfoodh waxaa haboon inay shaqada ka fadhiistaan mudo bil ah si aanay caabuqa ugu faafin bukaanada jiifa cusbitaalka iyo shaqaalaha kale ee ka shaqeynaya cusbitaalka.

Soociddu waxay bilaabmaysaa marka calaamadaha caabuqu soo if-baxaan ilaa iyo mudo bil ah. Kabacdi waa in qofka sadex jeer laga qaadaa saxaro oo bakteeriyada laga baadhaa. Marka bakteeriyada laga waayo sadex saxaro ayaa bukaanka laga saari karaa soocidda.

  • Waa in bukaanka caabuqa Tayfoodhka qaba ama sidaha bakteeriyada laga ilaaliyo in uu cunto ama cabitaan u diyaariyo dadka kale.
  • Waa in dadku caadeystaan in ay gacmaha iskaga dhaqaan biyo diiran iyo saabuun, gaar ahaan marka ay ka soo baxaan musqusha ama suuliga.
  • Waa in la iska ilaaliyaa in aan la cunin cunto aan si fiican loo karin, khudaar aan la dhiqin iyo caano aan la karkarin.
  • Waa in bulshada laga talaalaa Tayfoodhka si looga hortago in caabuqu ugu faafo oo uu noqdo mid saf ah: waxaa jira laba nooc oo talaal ah oo uu qofku kala dooran karo oo kala ah ‘S. typhi Ty21a’ oo ah kiniin afka laga liqo. Kiniinku waa afar xabbo oo qofku qaato xabad kiniin ah maalinta 1aad, maalinta 3aadna xabad kale, maalinta 5aadna xabad kale, maalinta 7aadna xabada ugu danbaysa. Qofka ku nool dalalka soo korayaa waa in uu 3dii sanoba mar talaalka u qaataa sidan oo kale.  Nooca labaad ee talaalka ahi waa ‘Vi capsular polysaccharide’ oo ah cirbad mar keliya qofka lagu mudo.  Talaalkan waxaa loogu talo galay dadka da’doodu ka weyn tahay 2 sano jir. Qofka ku nool dalalka soo korayaa waa inuu cirbada qaataa 3dii sanoba mar.
  • Waa in guud ahaan nadaafadda iyo fayodhowrk kor loo qaadaa.

Bakteeriyada ayaa laga baadhaa saxarada, kaadida, dhiiga, iyo dhuuxa bukaanka. Waxaa kaloo caabuqa lagu ogaadaa haddii lid-jirka bakteeriyadu afar-laabmo.

Daawooyinka anataybayootikada ah ee lagu daweeyo Tayfoodhka waxaa ka mid ah chloramphenicol, amoxicillin, TMP-SMX, quinolones, iyo cephalosporins. Waxaa kale oo bukaanka la siin karaa daryeel kaalmaati ah.