Xeeladaha Lagaga Hortago Cudurada Faafa
Xeeladaha lagaga hortago cudurada faafa marka bukaanka lagu daryeelayo cusbitaal ama xarun caafimaad waxaa loo yaqaan Taxadarada Soocidda ee ku Salaysan Faafida (Transmission-based Isolation Precautions). Waxaa jira caabuqyo ku faafa dhowr dariiqo oo macnaheedu tahay in la raaco taxadaro farabadan.
Taxadarka Hawo-Ku-Faafka (Airborne Precautions)
Taxadarada hawo-ku-faafka: waa xeelado lagaga hortago cudurada hawo-ku-faafka ah marka bukaan-jiifka ama bukaan-socodka lagu daryeelayo cusbitaalka ama xarun caafimaad. Shaqaalaha caafimaadka iyo guud ahaan dadku waa inay raacaan taxadaradaas oo ay ka mid yihiin kuwa soo socda:
- Waa in bukaanka loo xidhaa maask
- Waa in bukaanka la jiifiyaa qolka lagu daryeelo bukaanka qaba cudurada hawo-ku-faafka (Airborne Infection Isolation Room) oo ah qol cadaadiska hawadiisu taban tahay. Waa inaan albaabka qolka la balaqin oo uu mar walba xidhnaado.
- Shaqaalaha caafimaadka ee daryeelaya bukaanku waa inay xidhaan maaskada loogu talo galay cudurada hawo-ku-faafka sida N-95 mask, N-100 mask, CAPR, PAPR, IWM.
- Waa in la xadidaa dadka gelaya qolka bukaanka, gaar ahaan kuwa u nugul inay qaadaan cudurka.
- Waa in si degdeg ah loo talaalaa ama la siiyaa dawooyinka ka hortagga caabuqa (prophylaxis) dadka u nugul cudurka ee iyaga oo aan xidhnayn qalabka la iskaga difaaco caabuqa galay qolka bukaanka.
- Si looga hortago in bukaanku uu caabuq-keenaha ku faafiyo cusbitaalka dhexdiisa, waa in la yareeyaa in uu ku warwareego ama ku soc-socdo cusbitaalka dhexdiisa. Haddii ay muhiim noqoto in bukaanka debeda looga saaro qolkiisa, waxaa muhiim ah in loo xidho maask, islamarkaana waa in meel aad ugu durugsan dadka loo saaraa oo laga ilaaliyaa in uu la kulmo oo la bulsheeyo bukaanka kale.
- Waa in la raacaa Taxadarka Guud.
- Waa in bukaanka iyo dadka booqanaya lagu baraarujiyaa muhiimda gacmo nadiifinta.
Taxadarada Dhibic-Ku-Faafka (Droplet Precautions)
Taxadarada dhibic-ku-faafku waa taxadar lagaga hortago cudurada caabuqa ah ee ku faafa dariiqada dhibic-ku-faafka. Marka bukaan-jiifka ama bukaan-socodka lagu daweynahyo cusbitaalka ama xarun caafimaad, waxaa muhiim ah in shaqaalaha caafimaadka iyo guud ahaan dadku ay raacaan taxadarada soo socda:
- Bukaanka waa in loo xidhaa maask
- Bukaanka waa in la jiifiyaa ama lagu daryeelaa qol u gaar ah. Haddii aan loo hayn qol u gaar ah, waa in bukaanka la jiifiyaa ama lagu daryeelaa meel ugu yaraan laba mitir u jirta bukaanka kale.
- Shaqaalaha caafimaadka iyo dadka gelya qolka am meesha lagu daryeelayo bukaanku waa inay xidhaan maaskada soocidda (Isolation Mask).
- Si looga hortago in bukaanku uu caabuq-keenaha ku faafiyo cusbitaalka dhexdiisa, waa in la yareeyaa in bukaanku uu ku warwareego amd ku soc-socdo cusbitaalka dhexdiisa. Haddii ay muhiim noqoto in bukaanka la socodsiiyo (patient ambulation), waxaa muhiim ah in loo xidho maask, islamarkaana laga ilaaliyo in uu la kulmo bukaan kale.
- Waa in la raacaa Taxadarka Guud.
- Waa in bukaanka iyo dadka booqanaya lagu baraarujiyaa muhiimda gacmo nadiifinta.
Taxadarada Taabashada (Contact Precautions)
Waa taxadaro lagaga hortago caabuqyada taabasho-ku-faafka ah marka bukaan-jiifka ama bukaan-socodka lagu daryeelayo cusbitaalka ama xarun caafimaad. Shaqaalaha caafimaadka iyo guud ahaan dadku waa in ay raacaan taxadaradaas oo ay k mid yihiin kuwa soo socda:
- Bukaanka waa in la jiifiyaa ama lagu daryeelaa qol ama meel u gaar ah.
- Shaqaalaha caafimaadka iyo dadku waa inay xidhaan gacmo gashi (gloves) iyo diraca soocidda (isolation gown) marka ay gelayaan qolka ama halka uu bukaanku jiifo ama lagu daryeelayo.
- Shaqaalaha caafimaadka iyo dadku waa inay raacaan xeerka gacmo nadiifinta.
- Si bukaanku aanu jeermiska ugu faafin xarunta caafimaad, waa in la yareeyaa in qofka jirani ku dhex warwareego ama ku dhex socdo cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa.
- Qalabka lagu daryeelayo qofka jirani waa inay ahaadaan kuwo isaga ama iyada u gaar ah. Waa in qalabka la nadiifiyaa ka hor inta aan lagu daryeelin bukaan-jiif kale.
- Qolka iyo qalabka dhex yaal iyo meesha uu qofka jirani jiifo waa in si joogto ah loo nadiifiyaa iyada oo la isticimaalayo milanka dili kara caabuq-keenaha. Si gaar ah waa in loo nadiifiyaa meelaha ay gacmuhu sida joogtada ah u taabtaan (high touch surfaces) sida handaraabka albaabka, halka nalka laga daaro ama laga demiyo, IWM.
- Waa in la raacaa Taxadarka Guud.
- Waa in bukaanka iyo dadka booqanaya lagu baraarujiyaa muhiimda gacmo nadiifinta.
Taxadarada Guud (Standard Precautuons)
Taxadarada guud waa xeelado saldhig u ah ka hortagga in cudurku ku dhaco shaqaalaha caafimaadka iyo bukaan-jiifkaba. Waana xeelado ay muhiim tahay in shaqaalaha caafimaadku ay raacaan markasta oo ay daryeelayaan qof kasta oo buka ama xanuunsanya. Shardi ma aha in bukaajka la daryeelayaa uu qobo cudur faafa. Xeeladahan waxaa ka mid ah:
- In marka ay muhiim tahay ay shaqaalaha caafimaadku xidhaan qalabka la iskaga difaaco cudurada ee loo yaqaan Personal Protective Equipment (PPE).
- Shaqaalaha caafimaadka oo si joogto ah gacmaha u maydhaan marka ay daryeelayaan bukaan-jiifka. Muhiimada ay leedayay gacmaha oo la maydho waxaynu si qotodheer ugaga hadli doonaa qormada gacmo dhiqidda.
- Irbadaha iyo qalabka kale ee fiiq-fiiqan ee lagu daryeelo bukaan-jiifku waxay mudi karaan oo cudurada dhiig-ku-faafka u gudbin karaan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaankaba. Sidaa darteed waa in irbadaha iyo qalabka fiiq-fiiqan loo isticimaalo sida loogu talo galay, islamarkaana lagu tuuro meel qashin-qub ah (sharps container) oo leexsan oo aan halis gelinayn shaqaalaha iyo dadka intiisa kale.
- Nadiifinta qalabka iyo qolka lagu daryeelayo bujaanka, ayaa iyana ka mid ah taxadaraka guud.
- Waa in bukaanka iyo dadka booqanaya lagu baraarujiyaa muhiimda gacmo nadiifinta.
Xeeladaha bulsho ee kahortagga cudurada faafa
Xeeladaha busho ee kahortagga cudurada faafaa way badan yihiin. Xeeladahaas fulintooda iyo taladooda waxaa hogaamiya hay’adaha caafimaadka bulshada ee degmada, gobolka, iyo dalku leeyahay. Waajibaadka saaran dadweynuhu waxa weeye in ay raacaan oo ku dhaqmaan talooyinka iyo hageyaasha haboon ee ay dejiyeen hay’adaha caafimaadka bulshadu. Xeelahada bulsho ee kahortagga cudurada faafa waxaynu ku soo koobeynaa:
- Waa in ay jiraan hay’ado heer degmo, gobol, iyo dal oo leh xidhiidh habab lagula socon karo heerka ay cudurada faafaa ugu dhacayaan bulshada.
- Nadaaafadda iyo fayodhowrka guud oo la hagaajiyo
- Biyaha la cabo oo nadaafadooda iyo saxadooda la ilaaliyo
- Cuntooyinka lagu diryaariyo goobaha la isugu yimaado waa in si nadaafad iyo saxo leh loo diyaariyaa oo loo kaydiyaa.
- Cudurada lagu kala qaado galmada waa in lagaga gaashaantaa in aan la samayn gogol dhaaf iyo in la isticimaalo cinjirka la geliyo xubnaha taranka.
- Waa in laga gaashaantaa cudurada faafa ee ay gudbiyaan xasharaadka iyo qaniinku oo la isticimaalaa maro kaneeco, dhar jidhkoo dhan qarinaya, iyo maadooyinka ay ka cararaan qaniinka iyo xasharaadku.
- Waa in la qaataa talaalada lagaga hortago cudurada faafa.