Kahortage waa urur samofal oo u taagan horumarinta sida looga hortago cudurada faafafa iyo caabuq-keeneyaasha aan nugleyn
Maxaa ku cusub cudurada faafa
Caabuqyada laga qaado daryeelka caafimaad: Healthcare-associated Infections: SSI CAUTI CLABSI VAP C diff MDRO
Cudurada Faafa ee Ku Badan Soomaaliya: Endemic Infectious Diseases of Somalia
Caabuqyada aadka ugu dhaca Soomaalida ee dhimashada iyo dhibaatada u keena waxaa ugu horeeya:
- Oofwareenka
- Qaaxada
- Caabuqyada shubanka
Tusaha soo socdaa wuxuu sharaxayaa caabuqyada ku badan Soomaalida. Haddii aad mid mid u gujiso caabuqyda, waxaad ka akhrisan kartaa calaamada lagu garto caabuq kasata, mudada ay ku qaadato in calaamadaha caabuqu soo if-baxaan, sida uu u faafo, sida looga hortago, sida loo baadho, iyo sida loo daweeyo caabuq kasta.
Waxaa jira dariiqooyin dhowr ah oo caabuqyadu ugu dhex faafaan dadka. Caabuq-keeneyaashu waxay ka faafaan dadka bukaanka ah iyo dadka caabuq-keeneyaasha sida ee aan jiranayn, waxayna ku faafaan oo caabuq ku dhalin karaan dada caabuqa u nugul.
Macnaha ereyada: Glossary
Barrier precautions: Isticimaalka xeelad ama qalab kasta oo yarayn kara in dheecaan wata caabuq-keene uu soo gaadho qofka isticimaalaya habkaas ama gashan qalabka difaaca qofka (Personal Protective Equipment) sida maask, diraca soocidda (isolation gown) iyo gacmo gashi (gloves).
Bloodborne Pathogens Standard (BBP) Exposure Control Plan: Qorashaha kahortagga caabuq-keeneyaasha dhiig-ku-faafka. Qorshuhu wuxuu amrayaa shaqaaleeyaha (sida cusbitaalada) in uu ka ilaaliyo shaqaalihiisa in ay soo gaadhaan dhiig iyo dheecaan uu ku labnaan karo caabuq-keene.
Suugaanta cudurada faafa: Poems about endemic infections
Maansooyinkani waxay sidaan fariimo caafimaad. Sidaa darteed waa suugaan aan lahayn humaagyada iyo sarbeebaha lagu yaqaan suugaanta Soomaalida. Maansooyinkani waxay ka hadlayaan qaar ka mid ah cudurada faafa.
Caafimaadka bulshada iyo mashruuca kahortagga caabuqyada: Public Health and Infection Prevention
Caafimaadka bulshadu wuxuu si toos ah u saameeyaa mashruuca kahortagga cudurada faafa ee cusbitaalka. Haddii mid ka mid ah cudurada faafaa uu ku badan yahay bulshada, cudurkaas faafaa wuxuu culays saarayaa cusbitaalka. Culayskaas waxaa la yidhaahdaa “community pressure”. Hogaamiyeyaasha mashruuca kahortagga caabuqyada ee cusbitaalku waa in ay si joogto ah ula socdaan heerka cudurada faafa ee bulshada dhexdeeda. Macluumaad dheeraad ah waxaa laga heli karaa mareegaha WHO, CDC, iyo IHME.