Dariiqooyinka ay Caabuqyadu ku Faafaan
Waxaa jira dariiqooyin dhowr ah oo caabuqyadu ugu dhex faafaan dadka. Caabuq-keeneyaashu waxay ka faafaan dadka caabuqa qaba ee jiran iyo dadka caabuq-keeneyaasha sida ee aan jiranayn, waxayna ku faafaan oo caabuq ku dhalin karaan dada caabuqa u nugul. Marka caabuq-keeneyaashu faafayaan waxay maraan dariiqooyin dhowr ah oo la yaqaan oo aynu halkan mid mid ugu sharixi doono. Caabuq-keeneyaasha qaarkood waxay ku faafaan hal dariiqo. Dhinaca kale, caabuq-keeneyaasha qaarkood waxay ku faafaan laba ama sadex dariiqo. Waa muhiim in guud ahaan dadku, gaar ahaan shaqaalaha caafimaadku ay yaqaanaan dariiqada ama dariiqooyinka caabuq kastaa ku faafo iyo xeeladaha lagaga hortegi karo faafida caabuqyada.
Habka hawo-ku-faafka (Airborne Transmission)
Caabuq-keeneyaasha ku faafa hawada waxaa ka mid ah:
- Mycobacterium tuberculosis oo ah bakteeriyada keenta Qaaxda
- Measles (Rubeola) oo ah fayraska keena Jadeecada
- Varicella Zoster oo ah fayraska keena busbuska iyo shingeliska.
- Iyo caabuq-keeneyaal kale.
Marka qof qaba caabuq hawo-ku-faaf ahi uu qufaco, hindhiso ama qayliyo, waxaa habdhiskiisa neefsashada kasoo baxa dhibco uu ku laban yahoo caabuq-keenuhu. Dhibcahaasi marka ay hawada galaan ayaa waxaa ka yaraada qoyaanka. Dabadeedna waxay isu bedelaan dhibco aad u yar yar oo qalalan oo xambaarsan caabuq-keenaha. Dhibcahaas yaryar ee qalalan waxaa loo yaqaan dhibic bu’eed “Droplet nuclei”. Dhibcahaa yaryari waxay hawada ku jiri karaan waqti dheer oo saacado gaadhaya. Sidoo kale, dhibcahaas yaryari waxay hawada dhexdeeda ku socon karaan masaafo dheer. Taasi waxay ka dhigan tahay in dhibcahaa yaryar ee caabuq-keeneyaasha xambaarsani ay hawada ku sii jiri karaan xataa haddii qofka caabuqa qabay uu qolka ka baxay saacad ka hor.
Sida kale ee dhibcaha yar yar ee caabuq-keeneyaasha xambaarsani hawada ku geli karaan waa makra qaliin ama hab-daryeel oo kicin kara dhibco qoyan (aerosols) lagu sameeyo qaybta jidhka ee caabuqu hayo. Hab-daryeelada kiciya ee hawada geliya dhibcaha qoyan waxaa ka mid ah marka tuumbada macmalka ah ee neefsashada la gelinayo (intubation) ama laga saarayo (extubation) habdhiska neefsashada. Waxaa kale oo hab-daryeeladaas ka mid ah marka la furo ee la dhaqayo ama la dhayayo boog caabuq hayo, sida boogaha ay sababto qaaxada ku dhacda xubnaha ka baxsan habdhiska neefsashada (extra-pulmonary TB).
Habka Dhibic-ku-faafka (Droplet Transmission)
Caabuq-keeneyaasha ku faafa habka dhibicda waxaa ka mid ah:
- Influenza oo ah fayraska keena hargabka
- Bordetella pertussis oo ah bakteeriyada keenta xiiqdheerta.
- Rhinovisus oo ah fayras keena caabuq u eg dureyga
- iyo caabuq-keeneyaal badan oo kale.
Marka qofka jiran ee qaba caabuq dhibic-ku-faaf ahi uu hindhiso, qufaco, ama qayliyo, waxaa qofka habdhiskiisa neefsashada ka soo baxa dhibco qoyan oo wata caabuq-keenaha. Haddii dhibcahaasi ay ku dhacaan afka, indhaha, ama sanka dadka u dhow qofka jiran, caabuq-keenuhu sidaas ayuu ugu gudbi karaa dadka.
Dhibcaha xambaarsan caabuq-keeneyaasha dhibic-ku-faafka ahi marka ay ka soo baxaan qofka jiran waxay hawada ku jiraan mudo aad u yar oo waxay markiiba ku dhacaan dhulka, dadka, ama walxaha qofka jiran u jira masaafo ka yar 2 mitir. Haseyeeshee, caabuq-keeneyaasha dhibic-kufaafka ahi waxay hawo-ku-faaf noqon karaan marka qofka jiran lagu samaynayo hab-daryeel kicin kara oo hawada gelin kara dhibco ka yaryar kuwa kasoo baxa makra uu si dabiici ah u qufaco, hindhiso, ama qayliyo. Hab-daryeeladaas waxaa ka mid ah marka la nadiifinayo, la furayo ama qaliin lagu samaynayo dhuunta iyo xubnaha kale ee habdhiska neefsashada ee qofka qaba caabuqa dhibic-ku-faafka ah.
Fayraska keena caabuqa COVID-19 ee Corona virus ayaa ka mid ah caabuq-keeneyaasha ku faafa habka dhibic ku-faafka marka qofku qufaco, hindhiso, ama qayliyo. Laakiin Corona virus wuxuu noqdaa hawo-ku-aaf haddii qofka jiran lagu sameeyo hab-daryeel oo kicin kara oo hawada gelin kara dhibacaha yar-yar ee hawada ku jiri kara mudada dheer.
Habka taabasho ku-faafka (Contact Transmission)
Caabuq-keeneyaasha ku-faafa taabashada waxaa ka mid ah:
- Clostridioides difficile oo ah bakteeriyada keenta caabuq ku dhaca mindhicirka weyn oo sababa shuban daran.
- Sarcoptes scabeie oo ah dhiqlaha ama kutaan ili ma qabato ah oo keenta caabuqa Isnadaamiska.
- Diphtheria Cutaneous oo ah bakteeriyada keenta gowracatada
- Iyo caabuq-keeneyaal kale oo aad u badan
Habka taabasho ku-faafka waxaa loo sii kala qaybiyaa laba nooc:
- Taabashada tooska ah: Waa marka qofka jiran iyo qoka u nugul caabuqa uu jidhkoodu si toos ah isu taabto oo ay is weydaarsadaan dheecaan uu ku laban yahay caabuq-keenuhu. Tusaale, haddii qof caabuqa u nuguli uu taabto qofka caabuqa qaba, deedna isaga oo aan gacmaha iska dhiqin uu taabto indhahiisa, sankiisa, ama afkiisa oo uu caabuq-keenuhu sidaas ugu gudbo jidhkiisa.
- Taabashada aan tooska ahayn: Waa marka walaxi u kala gudbiso caabuqa laba qof oo midna qabo caabuqa midna u nugul yahay. Tusaale, haddii qof shaqaale caamiaad ahi uu daryeelo oo taabto qof jiran oo qaba caabuq, dabadeedna qofkii shaqaalaha caafimaad uu isaga oo aan gacmaha iska nadiifin uu taabto oo daryeel caafimaad siiyo qof kale oo aan caabuqa qabin laakiin u nugul. Tusaale kale, haddii qalab lagu daryeelay qof jiran oo caabuqa qaba iyada oo aan si buuxda qalabkii loo nadiifin la qaado oo lagu daryeelo qof kale oo aan caabuqa qabin laakiin u nugul.
Cudurada faafaa badankoodu waxay ku faafaan dariiqada taabashada.
Habka dulin ku-faafka (Vetorborne Transmission)
Caabuq-keeneyaasha ku faafa habkan waxaa ka mid ah:
- Plasmodium falciparum oo ah baarasaytka keena duumada. Baarasaytka waxaa dadka u kala gudbiya keneecada Anopheles.
- Schistosoma mansoni, S. haematobium, or S. japonicum oo ah gooryaano baarasaytyo ah oo keena caabuqa Kaadidhiigta ee loo yaqaan Biharzia ama Schistosomiasis. Gooryaanadu waxay ku tarmaan kana faafaan xaaxeeyada (snails) ku nool biyaha macaan.
- West Nile Virus oo keena caabuqa West Nile Virus. Fayraska waxaa dadka u kala gudbiya keneeda Culex.
- Dengue Virus oo ah fayraska keena caabuqa loo yaqaan Dengue fever. Fayraska waxaa dadka u kala gudbiya keneeda Aedes.
- Iyo caabuq-keeneyaal kale oo badan.
Caabuqyada ku faafa dulinku ama noolaha kale kuma dhex faafaan bukaanka ku jira xarumaha caafimaadka ama cusbitaalada si fiican loo dhisay oo nadaafadoodudana fiican tahay. Caabuqyadanai waxay ku badan yihiin dadka ku nool meelaha ay ku badan yihiin dulinka (sida kaneecada) iyo noolaha kale ee faafiya caabuq-keeneyaasha. Caabuq-keeneyaasha dhaliya caabuqyadan waxaa inta badan ka qaada qofka jirran dulinka loo yaqaan qaniinka ama kaneecada oo dabadeedna marka ay qaniinaan qof kale sidaa ugu gudbiya caabuq-keenaha.
Kuwo badan oo ka mid ah caabuqyada ku faafa dulinku waxay ka mid yihiin caabuqyada loo yaqaan NTDs (Neglected Tropical Diseases) oo macnaheedu yahay cudurada la ilaaway ee wadamada kulaylaha”. Taasi waxay muujinaysaa in caabuqyadani ay ku badan yihiin oo weli laga helo wadamada soo koroya ee dhaca dhulalka kulaylaha ah.
Habka faafiyaha guud (Common Vehicle)
Caabuq-keeneyaasha ku faafa habkan waxaa ka mid ah:
- MDRO (Multi-drug resistant organisams) oo ah bakteeriyooyin iyo fangasyo aan u nugleyn in badan oo ka mid ah dawooynka antaybayootikiska iyo antayfangalka. Inkastoo caabuq keeneyaashani ay inta badan ku dhex faafaan bukaan-jiifka ku jira cusbitaalada, hadana waxaa la cadeeyey in caabuq-keeneyaashani khatar wayn ku hayaan caafimaadka bulshada.
- Vibrio cholerae oo ah mid ka mid ah bakteeriyooyinka sumeeya cuntada (food poisoning germs) iyo weliba biyaha ku jira meelaha dadku ka dhaansadaan. Bakteeriyadani waa ta keenta shuban-biyoodka Daacuunka ee Cholera.
- Sarcoptes scabiei oo ah kutaan ama dhiqle ili ma aragtay ah oo keena caabuqa Isnadaamiska.
- Iyo caabuq-keeneyaal kale oo badan.
Habka faafiyaha guud waa marka caabuq-keenuhu ku faafo dad badan oo cunay cunto uu ku laban yahay caabuq-keenuhu, ama cabay biyo uu ku laban yahay caabuq-keenuhu, ama isticimaalay walax ama qalabka daryeelka bukaanka oo ku wasakhaysan caabuq-keenaha.
Fiiro gaar ah
Waxaa jira caabuq-keeneyaal ku faafa dariiqada taabashada, laakiin caan ku ah dariiqooyin khaas ah oo ay dadka ugu kala gudbaan. Caabuq-keeneyaashaas waxaa ka mid ah kuwa keena:
- Cudurada ku faafa galmada (sexually transmitted diseases) oo ay ka mid yihiin, Jabtida (Gonnrrhea), HIV AIDS, Cagaarshowga (Hepatitis), Waraabowga (Syphilis), iyo qaar kale oo badan.
- Cudurada ku faafa cunto sumoowga (Food poisoning): Cuduradan oo inta badan leh shuban, matag, iyo lalabo. Caabuq-keeneyaasha keenana waxaa ka mid ah Staphylococcus aureus, Salmonella, Norovirus, Clostridium botulinum, iyo kuwo kale.
- Caabuqyada dhiig ku faafka (bloodborne pathogens): Caabuqyadan waxaa ugu caansan Cagaarshowga B iyo C (Hepatitis B Virus iyo Hepatitis C Virus) iyo HIV. Waxaa lagu kala qaadaa marka dhiiga qofka jirani uu galo habdhiska wareega dhiiga ee qof kale. Irbad lagu muday qofka jiran oo si shil ah u mudda qofka kale (needle stick) ayaa ka mid ah sida uu dhiiga qofka jirani ku geli karo habdhiska wareega dhiiga ee qofka kale.
- Caabuqyada kufaafa dhalitaanka (vertical transmission): Caabuqyadan waxaa ka mid ah HIV, Waraabow (Syphilis), iyo Group B Strep. Waxay ka faafaan hooyada waxayn u gudbaan dhalaanka xiliga hooyadu foolanayso iyo xiliga ay nuujinayso ilamaha.