Caabuqyada Ku Dhaca Qaybta Jidhka ee La Qalay: Surgical Site Infections (SSI)
Mohamed Abdi, MPH, MT (ASCP), CIC
Sida ka muuqata magacooda, caabuqyada ku dhaca qaybta jidhka ee la qalay waxay bukaanka ku dhacaan kabacdi marka qaliin lagu sameeyo, waxayna kaga dhacaan qaybta jidhka ee qaliinka lagu sameeyey. Caabuqyadan waxaa inta badan keena caabuq-keeneyaasha bakteeriyada, walow fangaskuna mar-mar keeno caabuqyada. Marka la eego qoto-dheerida ama lakabka nudaha uu ku dhacay caabuqu, caabuqyada qaybta jidhka ee la qalay waxaa loo qaybiyaa sadexda nooc ee soo socda :
Caabuqa nudaha sare ee qaybta jidhka ee la qalay wuxuu ku dhacaa nudaha maqaarka iyo lakabka nudaha ah ee ka hooseeya maqaarka ee loo yaqaano subcutaneus tissue. Caabuqan waxaa afka ingiriisiga loogu yeehdaa “Superficial Incisional Surgical Site Infection.”
Caabuqa nudaha hoose ee qaybta jidhka ee la qalay wuxuu ku dhacaa nudaha loo yaqaano deep fascia oo ah nudaha kasii hooseeya kuwa subcutaneus-ka. Caabuqan waxaa afka ingiriisiga loogu yeedhaa “Deep Incisional Surgical Site Infection”.
Caabuqa xubnaha iyo hareerahooda ee qaybta jidhka ee la qalay wuxuu ku dhacaa xubnaha habdhisyada jidhka ee la qalay sida beerka, beeryarada, sambabada, lafaha, wadnaha, xiidmeyaasha, IWM. Caabuqan waxaa afka ingiriisiga loogu yeedhaa “Organ Space Surgical Site Infection”.
Caabuqyada ku dhaca qaybta jidhka ee la qalay waxaa u dhinta ama uu diif iyo darxumo ku reebaan dad aad u badan. Dalka Maraykanka, caabuqyadani waxay ku dhaceen ilaa sadex boqol oo kun oo qof sanadkii 2008. Boqolkiiba sadex qof oo dadkaas ka mid ahi way u dhinteen caabuqyada. Dhibaatooyinka kale ee caabuqyada ku dhaca qaybta jidhka ee la qalay waxaa ka mid ah in daaweyntoodu ay qaali tahay. Lacag u dhexaysa sadex kun ilaa saqaal iyo labaatan kun oo doolarka Maraykanka ayaa ku baxda sidii loo daaweyn lahaa qof uu ku dhacay caabuqa ku dhaca qaybta jidhka ee la qalay. Dhibaatada kale ee la soo derista dadka ay ku dhacaan caabuqyada ku dhaca qaybta jidhka ee la qalay waa iyada oo ay dheeraato mudada ay ku jiraan cusbitaalka ama ay dib ugu soo noqdaan cusbitaalka si looga daweeyo caabuqa. Bukaanka oo ay ku dheeraato inta uu cusbitaalka ku jiraa ama uu ku soo noq-noqdo xarunta caafimaad waxay sababtaa in qofku uu bixiyo kharash dheeraad ah oo aanu bixiyeen haddii laga hortegi lahaa caabuqa ku dhacay qaybta jidhka ee la qalay. Haddii uu qofku kharaskha iska bixin kari waayo, waxaa kharashku dusha ka fuulaa ehelada qofka, bulshada, ama dowlada. Ka sokow kharaskha lagu bixiyo daweynta caabuqa, waxaa kale oo bukaanka la soo dersi kara caafimaad xumo iyo dhaawac daba-dheeraada oo uu sababay caabuqu. Maalmaha, asbuucyada, ama waqti intaas ka sii dheer oo qofka ka luma inta uu kasoo raysanayo caabuqa ayaa iyana ah dhibaato kale oo uu sababi karo caabuqa ku dhaca qaybta jidhka ee la qalay.
Inta badan marka uu qaliinku socdo ayaa caabuq-keene soo galaa qaybta jidhka ee qaliinka lagu samaynayo. Sida hoos ku xusan, caabuq-keenuhu wuxuu noqon karaa mid ka yimi qofka la qalayo jidhkiisa ama mid qofka uga yimi debeda. Caabuq-keenahaas ayaa qaliinka ka bacdi wuxuu caabuq ku dhaliyaa qaybta jidhka ee qaliinka lagu sameeyey.
Caabuq-keeneyaasha caabuqyada qaybta jidhka ee la qalay
Caabuqyada ku qaybta jidhka ee la qalay waxaa keena caabuq-keeneyaal kala duwan oo u badan bakteeriyo. Caabuq-keeneyaashaas waxaa loo qaybiyaa laba qaybood marka la eego sida ay qofka kusoo galaan:
Caabuq-keeneyaal ka yimaada qofka la qalay jidhkiisa (endogenous), sida bakteeriyada ama fangaska ku nool maqaarka dushiisa, habdhiska dheefmareenka, ama qaybaha jidhka ee aan lahayn maqaar sida afka, sanka, iyo xubnaha taranka. Qofka la qalayaa haddii uu qabo caabuq kale, sida caabuqka kaadi-mareenka, caabuqaasi wuxuu ku faafi karaa qaybta jidhka ee la qalay.
Caabuq-keeneyaal qofka la qalay uga yimaada debeda (exogenous), sida caabuq-keeneyaal ka yimaada 1) gacmaha aan la nadiifin ee dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha qaliinka sameeynaya; 2) jidhka ama qalabka difaaca qofka ee ay gashan yiniin dhakhaatiita iyo kalkaaliyeyaasha qaliinka samaynaya; 3) qalabka wax lagu qalayo ee aan la nadiifin, qolka qaliinka oo aan al nadiifin; 4) ama hawada qolka qaliinka oo aan si joogto ah loo barobixin oo loo bedelin kahor inta aan qaliinka la bilaabin iyo inta uu qaliinku socdo.
Nooca caabuq-keenaha | Boqolkiiba inta uu caabuq-keenuhu ka keeno caabuqyada ku dhaca qaybta jidhka ee la qalay |
Staphylococcus aureus | 30% |
Coagulase-negative staphylococci | 13.7% |
Enterococcus spp. | 11.2% |
Escherichia coli | 9.6% |
Pseudomonas aeruginosa | 5.6% |
Enterobacter spp. | 4.2% |
Klebsiella pneumoniae | 3.0% |
Candida spp. | 2.0% |
Klebsiella oxytoca | 0.7% |
Acinetobacter baumannii | 0.6% |
Calaamadaha caabuqyada qaybta jidhka ee la qalay waxaa ka mid ah guduud, xanuun, barar, damqasho iyo malax ay yeelato qaybta jidhka ee la qalay. Xumad ayuu sidoo kale qofku yeelan karaa. Haddii caabuqu ku dhaco xubnaha uur-ku jirta sida mindhicirada, beerka, beeryarda, caloosha, iwm, qofku wuxuu yeelan karaa matag iyo la’labo.
Mudada ay ku qaadato in calaamadaha caabuqyadu soo ifbaxaan waxay ku xidhan tahay nooca qaliinka , nudaha uu caabuqu ku dhacay, iyo caabuq-keenaha. Guud ahaan, calaamaduhu waxay soo ifbixi karaan mudada u dhexaysa maalinta 1aad ee ka danbaysa maalinta qaliinka ilaa dhowr bilood ka bacdi maalita qaliinka. Haddii la doonayo in la ogaado in caabuqu yahay mid laga qaaday daryeel caafimaad, waxaa muhiim ah in la raaco qeexaha iyo xeerarka dabagalka ee lagula socdo caabuqyada laga qaado daryeelka caafimaad. Hoos ayaynu ku sharixi doonaa xeerarka dabagalka iyo la socodka caabuqyada la xidhiidha daryeelka caafimaad ee uu leeyahay dalka Maraykanku oo ah xeerarka inta badan dunidu isticimaasho, walow ay jiraan xeerar kuwaas u dhigma oo ay leedahay Midowga Yurub.
Khataraha sahli kara in qofku uu qaado caabuqa jidhka ee qaliinka
Khataraha waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah khataraha la xidhiidha qofka la qalayo iyo khataraha qofka uga yimaaada dibeda ama khataraha la xidhiidha sida qofka qaliinka loogu diyaariyo ama sida qaliinka loo sameeyo:
Khataraha la xidhiidha qofka oo ah astaamo ama caafimaad xumo uu qofku leeyahay waxaa ka mid ah:
Qofka oo da’diisu weyn tahay waa khatar horseedi karta caabuq ku dhaca qaybta jidhka ee la alay
Qofka oo ay ku soo noq-noqdaan caabuqyada ku dhaca maqaarka jidhka iyo nudaha jilicsan (soft tissues). Arintan oo calaamad u ah in difaaca jidhka ee qofku uu daciif yahay.
Qofka oo qaliinka ka hor la marsiiyo ama la siiyo habka daweynta ee loo yaqaan “radiation therapy”. Habkaas daweyneyd oo sababa in nudaha qaybta jidhka ee la qalayaa dhaawacmaan.
Qofka oo qaba cudurka kaadi-macaanka nooca 2. Kaadi-macaanka nooca 2 waxay sababtaa in heerka sonkorta dhiigu kor u kaco taas oo iyana sababta in xididada tifaafyada ee dhiiga gaadhsiiya nuduhu ay xidhmaan. Marka ay tiftaafyadu xidhmaan ayaaa waxaa dhacda in nudaha ay gaadhi weydo oksijiinktu, taasi waxay sababtaa in nudaha jidhka ee la qalay ay hore u bugsoon waayaan. Dabadeedna nuduhu waxay u nuglaadaan in caabuq ku dhaco. Sonkorta dhiiga oo la maareyn waayaa waxay kaloo sababtaa in habdhiska difaaca jidhku uu doorsoomo oo u shaqayn waayo sidii caadiga ahayd
Qofka oo aad u buuran ama cayilan. Buurnaanta aadka ahi dhowr siyaabood ayay u tahay khatar sababta caabuqa qaybta jidhka ee la qalay. Siyaabahaas waxaa ka mid ah in xididada dhiigu ku yar yihiin nudaha baruurta ah ee maqaarka ka hooseeya. Taasi waxay sababtaa in nudaha qaybta jidhka ee la qalay aanay helin oksijiin ku filan, sidaa darteedna aanay hore u bugsoon oo ay u nuglaadaan caabuq. Waxaa jira cilmi baadhis odorostay in maadaama oo xididada dhiigu ku yar yihiin nudaha baruuta ah ee ka hooseeya maqaarka ay yaraato samayta borotiinka kolajiin (chollagen) oo muhiim u ah in nudaha la qalay bogsadaan oo dib isu qabsadaan. Sidaas darteed, qaybta jidhka ee qaliinka lagu sameeyey ee la tolay waxay halis u tahay in ay furanto. Oksijiinta oo yaraataa waxay kale oo dhiiri gelisaa inay nudaha ku tarmaan caabuq-keeneyaasha ku tanaada ojsijiin-lanaanta (anaerobic). Ogsijiinta oo nudaha ku yaraataa waxay kale oo sababtaa in unugyada difaaca ee jidhku shaqo yareeyaan.
Cilmi baadhis badan ayaa sheegaya in nikotiinka, nayterik ogsaydhka, iyo kaarboon hal-ogsaydhka ku jira sigaarka ay carqalad geliyaan hanaanka ay u bugsato qaybta jidhka ee la qalay. Sigaar cabiddu waxay sababtaa in ay dhaawacmaan unugyada endoteliyam oo ah unugyada ay ka samaysan yihiim xuubabka jilicsan ee ku dahaadhan marinka dhiiga ee xididada dhiigga. Habdhiska difaaca jidhka ayaa wuxuu infalaameyshan ku sameeyaa halka dhaawucu ka soo gaadhay unugyada endoteliyam. Dabadeedna, xinjir ayaa ku samaysanta barta dhaawaca. Xinjirtaasi waxay hakin kartaa, yarayn kartaa, amaba joojin kartaa dhiigii xididka marayey. Taasi waxay sababi kartaa in nudihii xididku waraabinayey ay waayaan ogsijiintii iyo nafaqadii kale ee dhiiga u soo raacaysey, sidaasna ku dhintaan ama u nuglaadaan in caabuq ku dhaco. Waxaa taa dheer in sigaar cabiddu ay yarayso oo wax u dhinto shaqada unugyada difaaca ee ka hortagga caabuq-keeneyaasha.
Dawooyinkaas waxaa ka mid ah steroides iyo chemotherapy.
Qoka oo nafaqo xumo hayso waxay wax u dhintaa habdhiska difaaca oo wuxuu qofku iska difaaci kari waayaa caabuqyada.
Qofka oo maka la qalayo qaba caabuq kale oo ka fog qaybta jidhka ee qaliinka lagu samaynayo sida caabuqa kaadi-mareenka, oofwareenka, caabuqa boogaha iyo caabuqa dhiiga. Caabuqaasi wuxuu u gudbi karaa qaybta jidhka ee qaliinka lagu samaynayo.
Khataraha la xidhiidha sida loogu diyaariyo qaliinka iyo sida loo samaynayo qaliinka waxaa ka mid ah:
Qofka oo heerkulka jidhkiisu hoos uga dhaco 35.5 Degree Celcius inta uu joogo qaybta dadka loogu diyaariyo qaliinka (pr-operative) ee cisbitaalka, inta qaliinku socdo (intraopertive), iyo inta lagu daryeelayo qaybta PACU (post anesthesia care unit) oo ah halka bukaanka lagu hayo inta uu ka soo toosayo suuxdinta. Heerkulka jidhka oo hoos u dhacaa wuxuu si toosa ah u yareyn karaa shaqada unugyada neutrophils ee qofka ka difaaca caabuq-keeneyaasha bakteeriyda. Sidoo kale, heerkulka jidhka oo hoos u dhacaa wuxuu sababi karaa in nudaha maqaarka ka hooseeya iyo xididada dhiiga ee dhexmaraa ay is galaan ama kogaan oo dabadeedna nudaha qaar ay waayaan oksijiintii dhiigu siday iyo unugyadiii neutrophils-ka ee bakteeriyada ka ilaalin lahaa. Sidaana uu qofku halis ugu galo in uu ku dhaco caabuqa qaybta jidhka ee la qalay.
Timaha ku yaala qaybta jidhka ee qaliinka lagu samayn doono oo lagu xiiro sakiin ama makiinad waxay sababtaa in maqaarka jidhku yeesho nabaro ama xagtimo yaryar oo sakiintu sababtay. Nabaradaas ama xagtimahaas waxaa gala caabuq-keeneyaal marka danbe u sii gudba qaybta jidhka ee la qalay oo dabadeedna ku dhaliya caabuq. Waxaa taas raaca, haddii timaha lagu xiiro ama lagu jaro qolka qaliinka dhexdiisa, timahaas la jaray waxay wasakheeyaan bii’ada qaliinka lagu samaynayo. Marka qaliinka la bilaabo waxaa dhacda in caabuq-keeneyaal ku laban timahaasi ay galaan qaybta jidhka ee qaliinka oo ay dabadeedna keenaan caabuq qaliinka ka bacdi.
Maqaarka jidhka ee qaliinka lagu samaynayo oo aan si fiican loo nadiifin waxay keentaa in caabuq-keeneyaal ku nool maqaarka dushiisu ay xiliga qaliinka u gudbaan qaybta jidhka ee la qalayo oo ay caabuq ku dhaliyaan qaliinka ka bacdi
Shaqaalaha caafimaadka (Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha samaynaya qaliinka) oo aan gacmaha si fiican isaga nadiifin qaliinka ka hor waxay sababtaa in caabuq-keeneyaal ka yimi gacmahoodu ay u gudbaan qaybta jidhka ee la qalayo oo ay caabuq ku dhaliyaan qaliinka ka bacdi
Qofka oo aan sida ku haboon loo siin dawooninka lagaga hortago caabuqyada (prophylaxis) ee ku haboon qaliinka, ama xadiga dawooyinkaas ee ku haboon qofka culayskiisa, ama dawooyinkaas oo qofka la siiyo xiliga aanay haboonayn.
Qofka oo dhiig lagu shubo waxay yaraysaa shaqada urugyada difaaca jidhka ee qabta caabuq-keeneyaasha ee loo yaqaan Macrophage.
Xirfadda qaliin ee dhakhtarka oo tayadeedu hooseyso waxay keentaa in qofka uu ku dhaco caabuqa qaybta jidhka ee la qalay.
Gacmo gashiga qaliinku waa kuwo ka madhan caabuq-keeneyaal (sterile gloves). Gacmo-gashiga qaliinka (surgical gloves) oo aan loo gashan sida ku habooni waxa ay sababi kartaa in caabuq-keene wasakheeyo gacmo gashiga
Iyada oo aan la raacin xeerarka aasaasiga ah ee lagaga hortago in caabuq-keeneyaashu wasakheeyan bii’ada qolka qaliinka, qalabka qaliinka iyo dharka shaqaalaha caafimaadka ee samaynaya qaliinka
Cadaadiska hawada qolka qaliinka oo aan ahayn mid togan iyo hawada qolka oo aan si xidhiidh ah ama joogto ah loo barobixin loona bedelin waxay keentaa in hawada ay diqeeyaan caabuq-keeneyaal iyo hawo-diqeeyeyaal kale sidda boodh, taas oo keeni karta in caabuq-keeneyaashaas iyo howo-diqeeyeyaashaasi ay ku dhacaan qaybta jidhka ee qaliinka lagu samaynayo oo dabadeedna ay ku abuuraan caabuq.
Dadka soo gelaya ama ka baxaya qolka qaliinka oo aan la yarayn ama la xadidin inta qaliinku socdo waxay keentaa in dadkaas badani wasakheeyaan bii’ada iyo hawada qolka qaliinka. Sidoo kale, dadkaas qolka soo gelaya ama ka baxaya waxay furayaan oo balaqayaan albaabka qolka qaliinka, taas oo carqalad u keenta habka barobixinta iyo bedelida hawada qolka qaliinka.
Qolka qaliinka iyo qalabka qaliinka oo aan nadiif ahayni waxay sababaan caabuqyada qaybta jidhka ee la qalay.
Sida looga hortago caabuqyada qaybta jidhka ee la qalay
Khataraha sababa in qofku uu qaado caabuqa qaybta jidhka ee la qalay oo laga hortago ama la maareeyo ayaa ah sida ugu wanaagsan ee looga hortago in qofka uu ku dhaco caabuqa qaybta jidhka ee la qalay. Sidaas si la mid ah, khataraha la xidhiidha sida qofka loogu diyaariyo qaliinka, sida qaliinka loo samaynayo, iyo bii’adda qolka oo iyana la maareeyo oo la saxo ayaa muhiim u ah in laga hortago caabuqyada qaybta jidhka ee la qalay. Sidaa darteed, siyaabaha looga hortago caabuqu waxay ku salaysan yihiin khatarahaas, walow ay jiraan khataro aan laga hortegi karin ama la sixi karin.
Sida looga hortago ama loo maareeyo khataraha iyo caafimaad xumada la xidhiidha bukaanka la qalayo
- Da’ weynida
- Caabuqyada ku dhaca ee kusoo noq-noqda maqaarka jidhka iyo nudaha jilicsan ee ka hooseeya
- Dhaawaca soo gaadhay nudaha qaybta jidhka ee la qali doono. Dhaawacaas oo soo gaadhey markii bukaanka la mariyey habka daweynta “radiation therapy”
Haddii qofku qabo cudurka kaadi-macaanka nooca 2 waa in la maareeyo heerka sonkorta ee ku jirta dhiiga qofka. Haddii aan qaliinku ahayn mid deg-deg ah, waxaa wanaagsan in todobaadyada ka horeeya maalinta qaliinka la maareeyo iskudhafka dhiiga sonkoraysan (glycosylated hemoglobin) ee lagu cabiro halbeega A1c, islamarkaana hoos looga dhigo 7%. Talo kale oo ku salaysan cilmi baadhis ayaa tilmaamaysa in la maareeyo sonkorta dhiiga oo hoos looga dhigo 180mg/dl dhowrka saacdood ee ka horeeya inta aan qaliinka la bilaabin, inta qaliinku socdo, iyo 24ka saacadood ee ka danbeeya qaliinka.
Haddi qofka qaliinka gelayaa uu yahay sigaaryo cab, waa in lagula taliyaa in uu sigaarka cabitaankiisa joojiyo ugu yaraan bil ka hor maalinta qaliinka, si qofku uga so kabto dhibaatada iyo dhaawaca uu sigaarku jidhkiisa gaadhsiiyey
Bukaanka aadka u buuran ee culeyskiisu ka sareeyo 120kg waa in loo kordhiyaa dawooyinka ka hortagga caabuqyada (prophylaxis) oo lagu jaangooyaa culayskiisa.
Inta qofku joogo qaybta qaliinka (laga bilaabo marka qofku xarunta caafimad u yimaado qaliinka ilaa qaliinka ka bacdi marka suuxisadu ka baxdo jidhkiisa), waa in laga joojiyaa daawooyinka daciifiya habdhiska difaaca jidhka.
Nafaqo xumada sida ugu wanaagasan ee lagu ogaadaa waa in qaliinka ka hor la cabiro borotiinka Albumin ee dhiiga. Borotiinka Albumin oo ka hooseeya 3.5g/dL wuxuu muujiyaa in qofka ay hayso nafaqo la’aan. Waxaa kale oo nafaqo xumada qoka lagu sii ogaan karaa iyada oo la cabiro cufnaanta jidhka oo lagu cabiro halbeega BMI (body mass index). Cufnaanta jidhka ee ka hoosaysa 18 waxay iyana muujinaysaa in qofku caato yahay, taas oo astaan u ah nafaqo xumo ama nafaqo la’aan. Cilmi baadhista qaarkood ayaa ku talinaya in qofka caatada ah la siiyo cuntooyin si dheeli tiran loogu daray nafaqo ama amiino aysiidhyo (Amino Acids) kobcin kara samaynta borotiinka jidhka. Cuntooyinkaas waa in laga siiyaa afka ama tuumbada macmalka ah ee quudinta (feeding tube), waana in cuntooyinkaas la siiyaa qaliinka ka hor. Cilmi baadhis badan ayaa ku talinaysa in aan nafaqada la shiidey ee lagu daray milanka faleebada aan qofka laga siin xididada dhiigga.
Hadii qofku qabo caabuq ka fog qaybta jidhka ee la qalayo, waa in caabuqaas la daweeyaa ka hor inta aanu qofku gelin qaliinka.
Sida loo looga hortago khataraha la xidhiidha sida bukaanka loogu diyaariyo qaliinka, qolka qaliinka, IWM.
Waa in heerkulka jidhka ee qofka lagu hayaa inta u dhexays 36 ilaa 37 inta aan qaliinka la bilaabin ee qofku joogo qaybta dadka loogu diyaariyo qaliinka, inta qaliinku socdo, iyo weliba inta lagu daryeelayo qaybta PACU.
Timaha ku yaal qaybta jidhka ee qaliinka waa in aan la jarin haddii aanay timuhu wax u dhimayn sida qaliinka loo samaynayo. Haddii la go’aamiyo in la jaro timahaas, waa in lagu jaraa meel ka baxsan qolka qaliinka iyadoo la isticimaalayo mashiinka timaha lagu jaro. Waa khalad in timaha lagu xiiro qolka qaliinka dhexdiida. Waxaaa kale oo khalad ah in timaha lagu xiiro sakiin, sidaas darteed marka qofka loo balaminayo qaliinka waa in loo sii sheego in aanu timaha ku xiirin sakiin.
Marka qaliinka la bilaabayo waa in qaybta jidhka ee qaliinka lagu samaynayo lagu nadiifiyaa milanka dila noolaha ili-maqabatayga ah ee ku nool maqaarka dushiisa, noolahaas ili maqabatayga ah oo qaarkood yihiin caabuq-keeneyaal. Milanada inta badan laga isticimaalo dunida waxaa ka mid ah milanka betadine iyo milanka chlorohexidine gluconate, walow ay jiraan kuwo kale. Nadiifinta ka bacdi waa in la sugaa dhowr daqiiqadood si milanku maqaarka uga qalalo. Waa in la tixgeliyaa laba qodob, marka xarunta caafimaad ee qaliinka samaysaa ay dooranayso ama iibsanayso milanka lagu nadiifiyo qabta jidhka ee la qalayo. Labadaas qodob waxay yihiin in milanku si deg-deg ah u dili karo noolaha ili-maqabatayga ah ama caabuq-keeneyaasha iyo in milanku uu ku negaan karo maqaarka jidhka saacado isaga oo dilaya noolaha ili-maqabatayga ah ama caabuq-keeneyaasha.
Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha samaynaya qaliinku waa in ay qaliinka ka hor gacmahooda nadiifiyaan 3 ilaa 5 daqiiqadood iyaga oo isticimaalaya saabuunta disha nooleyaasha ili-maqabatayga ah iyo caabuq-keeneyaasha. Marka aya gacmaha nadiifinayaan waa inay saabuunta gaadhsiiyaan shanshooyinka iyo suxulada oo dabadeedna burush nadiif ah ku xoqaan gacmahooda, shanshooyinka gacmaha ilaa suxulka. Sidoo kale waa inay cidiyaha hoostooda ku nadiifiyaan findhicil nadiif ah.
Waa in qofka la siiyaa dawada lagaga hortago caabuqa ee ku haboon qaliinka qofku gelayo, xadiga dawada waa in lagu jaangooyaa culayska qofka, waana in dawada qofka la siiyaa 60 daqiiqo gudahood kahor inta aan la sarin ama la dooxin qaybta jidha ee la qalayo. Dawada Vancomycin iyo dawooyinka Fluoroquilonoles waxaa qofka la siin karaa 120 daqiiqadood gudahood kahor inta aan la sarin ama la dooxin qaybta jidhka ee la qalayo. Waxaa kale oo muhiim ah in la ogaado in qofku xasaasiyad (allergy) ka qabo dawada ku haboon qaliinkiisa oo haddii uu xasaasiyad ka qabo laga bedelo dawadaas
Inta qaliinku socdo waa in lagu dadaalaa in aanu qofku dhiig bixin si loo yareeyo baahida qofku u qabo in dhiig lagu shubo.
Dakhtarka qaliinka samaynayaa waa inuu ka taxdaraa qaybta jidhka ee la qalayo oo uu si fiican isugu dhejiyaa oo u tolaa nuhada si aanay u dhicin meel madhan (dead space) oo u dhexayso nudaha. Meesha madhani waxay joojisaa oksijiinkta isaga gudbaysa nudaha, taas oo sababta in nudaha aan oksijiintu gaadhini dhintaan ama caabuq ku dhaco.
Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha qaliinka samaynayaa waa inay gashadaan laba gacmo-gashi oo kala sareeya (double gloving). Haddii gacmo-gashiyadu dalooshamaan ama dilaacaan inta qaliinku socdo, waa in la iska bixiyaa oo la gashaadaa kuwo cusub.
Waa in shaqaalaha caafimaadka iyo dhakhaatiirta qaliinku raacaan xeeladaha lagaga hortago in caabuq-keeneyaashu ka faafaan meel ama walax wasakhaysan oo u gudbaan meel ama walax nadiif ah. Xeeladahaas oo loo yaqaan “aseptic techniques” waxaa ka mid ah in shaqaalaha caafimaadka iyo dhakhaatiirta qaliinku ay xidhaan direys nadiif ah iyo dhamaan qalabka difaaca qofka ee loogu talogalay in la xidho marka qaliinka la samaynayo.
Hawada qolka qaliinka waa in si xidhiidh ah oo joogto ah loo barobixiyaa oo loo bedelaa. Waa in hawo nadiif ah oo soo martay shaandhada hawada (air filteration) ay qolka kasoo gashaaa kor islamarkaana hawada aan nadiifta ahayni ka baxdaa albaabka qolka qaliinka. Cadaadiska hawada ee qolka qaliinku waa inuu ahaadaa mid togan (positive air pressure) oo ka sareeya qolka dibadiisa. Taas oo suurto gelinaysa in hawada wasakhowday ka baxdo albaabka oo aanay dib ugu soo noqon qolka qaliinka.
Waa in la yareeyaa shaqaalaha caafimaadka ama dadka kale ee soo gelaya qolka qaliinka inta qaliinku socdo. Waa in aan qolka loo ogolaan qof shaqaale caafimaad ah oo aan ka mid ahayn kooxda shaqaalaha cafimaad ee qaliinka samaynaysa. Haddii xeerkan la raaci waayo waxaa dhacaysa in hawada iyo bii’ada qolka qaliinku ay si deg-deg ah u diqoobaan oo u wasakhoobaan, taas oo qofka la qalayo halis u gelinaysa inuu ku dhaco caabuqa qaybta jidhka ee la qalay.
Waa in si heer sare ah oo waafaqsan xeeraraka kahortagga cudurada faafa loo nadiifiyaa qolka qaliinka, qalabka qaliinka, iyo bii’adda lagu qalayo bukaanka. Waa in gebi ahaanba qolka qaliinka iyo qalabka dhexyaal lagu nadiifiyaa milan dili kara caabuq-keeneyaasha.
Khataraha bukaanka uga yimaada qaar ka mid ah qaliinada
Noocyada qaliinada ee dadka lagu sameeyaa way kala duwan yihiin marka la eego xubinta ama habdhiska jidhka ee qaliinka lagu samaynayo. Xubnaha iyo habdhisyada qaarkood waa kuwo marka horeba aan nadiif ahayn (tusaale: xubnaha kaadimareenka iyo mindhicirada) oo waxaa mara ama ku jira nooleyaal ili-maqabatay ah oo qaarkood yihiin caabuq-keeneyaal. Laakiin xubnaha iyo habdhisyada jidhka intooda badani waa nadiif oo way ka badhax la’ yihiin nooleyaasha ili-maqabatayga ah iyo caabuq-keeneyaasha. Hoos waxaynu ku sharixi doonaa laba xeeladood oo midkood loo isticimaalo in lagu yareeyo halista caabuq ee ka iman karta qaliinka lagu sameeyo mindhicirka weyn (colorectal) oo ah xubin aan nadiif ahayn oo ka tirsan habdhiska dheefshiidka. Xeelada labaadna waa mid loo isiticimaalo in lagu yareeyo halista caabuq ee ka iman karta qaliinada lagu sameeyo xubnaha nadiifta ka ah nooleyaasha ili-maqabatayga ah sida wadnaha, laf-dhabarta, iyo qaliinada dadka loogu geliyo kalagoysyada macmalka ah:
Qaliinka mindhicirka weyni wuxuu ka mid yahay qaliinada ugu badan ee la sameeyo. Kansarka ku dhaca mindhicirka weyn ayaa ah mid ka mid ah sababaha qaliinka loo sameeyo. Dalool ama faruuran (perforation) ku dhaca mindhicirka weyn oo ay sababeen caabuq (diverticulitis) ama dhaawac sida mindi ama xabad qofka kaga dhacay caloosha ayaa iyaguna ah xaalado kale oo caafimaad oo sababa in qaliinka la sameeyo. Mindhicirka weyni waa halka ugu danbaysa ee habdhiska dheefshiidka ee saxaradu sii marto. Sidaas darteed waa meel ay ka buuxaan saxaro iyo caabuq-keeneyaaal. Saxarada oo mindhicirada laga sifeeyo oo laga nadiifiyo (mechaanical bowel prep) ayaa ah xeelad lagaga horegi karo caabuqa ku dhaca qaybta qaliinka ee mindhicirka weyn. Maalmaha ka horeeya maalinta qaliinka la samayn doono ayaa qofka afka ama dabada laga siiyaa maadooyin sababa in saxaradu ka baxdo oo ka dhamaato mindhicirada. Maadooyinkaas waxaa ugu caansan polyethylene glycol iyo sodium phosphate. Maalmaha uu qofku ku jiro marxaladda saxarada lagaga sifaynayo mindhiciradiisa, waxaa kale oo muhiim ah in qofku faleebo ku qaato dawooyinka ka hortagga caabuqyada (prophylaixs antibiotics). Xeeladan anynu kor kusoo xusnay waxay ku haboon tahay qaliinka mindhicirka weyn ee aan deg-degga ahayn (elective colorectal surgery).
Bakteeriyada Staphylococcus aureus oo laga baadho lagana sifeeyo ama nadiifiyo jidhka dadka lagu sameyn doono qaliinada wadnaha, laf-dhabarta, iyo qaliinada dadka loogu geliyo kalagoysyada macmalka ah ayaa iyana ah xeelad loo isticimaalo in lagaga hortago caabuqa ku dhaca qaybaha jidhka ee lagu sameeyey qaliinadan. Bakteeriyada Staphylococcus aureus waxay ka mid tahay noolaha ili-maqabaqayga ah ee ku nool ama laga helo maqaarka dadka dushiisa. Waa bakteeriyada ugu badan ee keenta caabuqyada ku dhaca qaybta jidhka ee qalay. Todobaad ilaa laba todobaad ka hor maalinta qaliinka la samayn doono ayaa qofka sankiisa laga baadhaa bakteeriyada. Cilmi baadhis badan ayaa ku talinaysa in haddii bakteeriyada laga helo qofka sankiisa, loo bilaabo dawada Mupirocin oo uu qofku qaato mudo shan maalmood ah laba jeer maalintii.
Talooyin kale oo muhiim ah
Marka qaliin lagu samaynayo xubnaha uur-ku-jirta qaarkood (sida mindhicirada iyo ilmo-galeenka, iwm) waa in la isticimaalaa walaxda boog dhowrka oo ka samaysan xuub caag ah oo mahabe ah (impervious plastic wound protector). Walaxdan oo la geliyo qaybta jidhka ee qaliinka lagu samaynayo waxay feeraarisaa oo balaadhisaa halka jidhka laga saray ama laga dooxay si dhakhaatiirta qaliinka ay ugu sahlanaato in ay gaadhaan xubinta ama xubnaha uur-ku-jirta ah si ay qaliin ugu sameeyaan. Sidoo kale, walaxda boog dhowrku waxay fududaysaa in xubnaha qaliinka lagu samaynayo iyo nudaha ku hareeraysan laga ilaaliyo caabuq-keeneyaasha. Cilmi baadhis badan oo lagu kalsoon yahay ayaa cadeeyey in walaxda boog dhowrka oo la isticimaalaa ay yahrayso ilaa 45% caabuqyada ku dhaca qaybta jidhka ee la qalay.
Marka qaliin la samaynayo waa in la isticimaalaa ‘liiska daryeelka haboon ee qaliinka’ ee Ururka Caafimaadka Aduunku (WHO) sameeyey. Liiskaas oo ka kooban 14 qodob oo tilmaamaya sida qofka la qalayo looga ilaaliyo daryeel xumo qaliin. Cilmi baadhis badan ayaa muujisay in liiskaas oo la isticimaalaa uu yareeyo dhibaatooyinka qofka kasoo gaadha daryeel xumada qaliinka. Dhibaatooyinkaas oo ay ka mid yiniih caabuqa ku dhaca qaybta jidhka ee la qalay.
Marka qaliinku dhamaado laakiin aan la bilaabin in la tolo nudaha qaliinka lagu sameeyey, waa in milan leh maadoohyinka dila caabuq-keeneyaasha lagu dhaqaa ama maydhaa (wound lavage) nudaha iyo xubnaha qaliinka lagu sameeyey. Waxaa muhiim ah in nudaha laga dhaqo caabuq-keeneyaasha iyo nudaha googo’ay markii qaliinka la samaynayey. Maadooyinka dila caabuq-keeneyaasha ee milanka lagu daro waxaa ka mid ah iodine iyo chlorohexidine. Haddii milanka lagu diyaarinayo qolka qaliinka, biyaha la isticimaalayaa waa inay ahaadaan kuwo ka badhax la’ noolaha ili-maqabatayda ah (sterile water).
Waa in shaqaalaha caafimaadka iyo dhakhaatiirta qaliinka la baraa sida looga hortago caabuqyada ku dhaca qaybaha jidhka ee la qalay. Waa in fiirogaara la siiyaa khataraha sababa in qofku uu qaado caabuqa qaybta jidhka ee la qalay iyo xeeladaha lagaga hortegi karo ee lagu baabi’in karo khatarahaas.
Qaliinka kahor waa in qofka loo sheegaa inay suurtogal tahay inuu qaadi karo caabuqa ku dhaca qaybta jidhka ee la qali doono. Sidaa darteed waa in qofka loo sharaxaa xeeladaha guud ee lagaga hortago caabuqyada ku dhaca qaybta jidhka ee qalo. Waa in bukaanka la siiyaa qoraalo si fudud loo fahmi karo oo ka hadlaya waxa loo baahan yahay inuu qofku sameeyo qaliinka kahor iyo qaliinka ka bacdi.
Waa in cusbitaalku sameeyaa xeerar iyo sharciyo ku salaysan xaqiiqooyin lagu kalsoon yahay oo lagaga hortago caabuqyada ku dhaca qaybaha jidhka ee la qalay. Waa in la hubiyaa in shaqaaalaha caafimaadku ay aqoon u leeyihiin xeerarka oo ay raacaan daryeelka haboon ee xeerarkaasi tilmaamayaan.
La socodka heerka caabuqyada qaybta jidhka ee la qalay
- Waa in si joogto ah dabagal loogu sameeeyo oo la xisaabiyo heerka ay caabuqyada ku dhaca qaybta jidhka ee qalay ugu dhacayaan bukaan-jiifka ama bukaan-socodka.
- Marka la xisaabinayo heerka caaabuqyada waa in si buuxda loo raacaa xeerarka dabagalka caabuqyada ee u yaala cusbitaalka iyo wasaarada caafimaadka ee wadanku leeyahay.
Tixraac: References
- Center of Disease Prevention and Control. Guidelines for the prevention of surgical site infection, 2017. SSI | PSC | NHSN | CDC. Accessed: October 23, 2021.
- World Health Organization. Global guidelines for the prevention of surgical site infection 2018. Global guidelines for the prevention of surgical site infection, 2nd ed. (who.int). Accessed: October 23, 2021.
- Anderson DJ, Podgorny K, Berríos-Torres SI, Bratzler DW, Dellinger EP, Greene L, Nyquist AC, Saiman L, Yokoe DS, Maragakis LL, Kaye KS. Strategies to prevent surgical site infections in acute care hospitals: 2014 update. Infect Control Hosp Epidemiol. 2014 Jun;35(6)
- George S, Leasure AR, Horstmanshof D. Effectiveness of Decolonization With Chlorhexidine and Mupirocin in Reducing Surgical Site Infections: A Systematic Review. Dimens Crit Care Nurs. 2016 Jul-Aug;35(4)
- Young PY, Khadaroo RG. Surgical site infections. Surg Clin North Am. 2014 Dec;94(6):1245-64.
- Owens CD, Stoessel K. Surgical site infections: epidemiology, microbiology and prevention. J Hosp Infect. 2008 Nov;70 Suppl 2:3-10.
- Abbo LM, Grossi PA; AST ID Community of Practice. Surgical site infections: Guidelines from the American Society of Transplantation Infectious Diseases Community of Practice. Clin Transplant. 2019 Sep;33(9)
- Mellinghoff SC, Otto C, Cornely OA. Surgical site infections: current management and role of new antibiotics. Curr Opin Infect Dis. 2019 Oct;32(5)
- Alverdy JC, Hyman N, Gilbert J. Re-examining causes of surgical site infections following elective surgery in the era of asepsis. Lancet Infect Dis. 2020 Mar;20(3)
- Chen AF, Brown GA. Management of Surgical Site Infections. J Am Acad Orthop Surg. 2020 Mar 15;28(6)
- Badia JM, Casey AL, Petrosillo N, Hudson PM, Mitchell SA, Crosby C. Impact of surgical site infection on healthcare costs and patient outcomes: a systematic review in six European countries. J Hosp Infect. 2017 May;96(1)
- Cooper RA. Surgical site infections: epidemiology and microbiological aspects in trauma and orthopaedic surgery. Int Wound J. 2013 Dec;10 Suppl 1(Suppl 1):3
- Alizo G, Onayemi A, Sciarretta JD, Davis JM. Operating Room Foot Traffic: A Risk Factor for Surgical Site Infections. Surg Infect (Larchmt). 2019 Feb/Mar;20(2)
- Mueck KM, Kao LS. Patients at High-Risk for Surgical Site Infection. Surg Infect (Larchmt). 2017 May/Jun;18(4)