Oofwareenka ee La Xidhiidha Neef-siiyaha Macmalka ah: Ventilator-Associated Pneumonia
Qiyaastii ilaa 300,000 oo qof ayaa dalka Maraykanka sanadkii lagu xidhaa neef-siiyaha macmalka (NM) ah. NM ahi wuxuu bukaanka ah u horseedi karaa dhimasho ama daawac dabadheeraada. Qiyaastii 8% bukaanka lagu daryeelo qaybta daryeelka culus (ICU) ayuu ku dhacaa Oofwareenka la xidhiidha NM ah. Sidoo kale, qiyaastii 4% oo ka mid ah 8% ayaa u dhinta caabuqa. Oofwareenka la xidhiidha NM ahi wuxuu bukaanka u horseedaa in uu qaybta daryeelka culus ama cusbitallka ku sii jiro muddo dheer. Inta u dhexaysa 10, 000 ilaa 40, 000 oo doolarka Maraykanka ah ayaa ku baxda marka qof kasta oo bukaan ah laga daweynayo caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha NM ah.
Qeexda Neef-siiyaha Macmalka ah
Waxaa jira neef-siiyeyaal macmal ah oo kala duwan. Neef-siiyaha macamalka (NM) ah ee caabuqa Oofwareenka lala xidhiidhiyaa waa ka qofka afka ama sanka laga geliyo tuumbo (endotracheal tube). Tuumbadaas oo dabadeed la sii xuliyo dhuunta (hunguriga cad) ilaa dacalkeedu gaadho dhuunta xageeda hoose. Tuumbada afkeeda debeda waxaa lagu xidhaa mashiin qofka siiya hawo ay ogsijiin ku badan tahay, islamarkaana qofka ka soo saara kaarboondhayogsaydh.
Qeexda VAP
Caabuqa Oofwareenku wuxuu ku dhacaa sambabada waxaana keena caabuq-keeneyaal kala duwan sida bakteeriyo, fayras, iyo fangas. Marka caabuqa Oofwareenku uu ku dhaco bukaan-jiif lagu xidhay NM waxa, ayaa waxaa loo yaqaan Oofwareenka la xidhiidha NM ah: Ventilator-Associated Pneumonia (VAP). Bukaan-jiifka ku jira qaybta daryeelka culus (Intencive Care Unit (ICU)) tahay ayaa inta badan halis ugu jira caabuqa.
Sababaha NM loogu xidho bukaanka
Xaaladaha caafimaad ee muhuumka ka dhigi kara in lNM lagu xidho bukaanka waxaa ka mid ah in caabuq dartii Oofwareen ku dhacay qofka, in neef-qabatin ku dhacay, iyo in sambabada dhaawac ka gaadhey.
Bukaanka la geliyo neef-siiyaha macmalka ahi waxa kale oo ay halis ugu jiraan xaalado kale oo caafimaad oo khatar ah oo ay ka mid yihiin:
- Sambabada oo duma: Pneumothorax
- Sambabada oo xinjir dhiig ahi roorto: Pulmonary embolism
- Sambabada oo dhiig fadhiisto: Pulmonary edema
- Habdhiska neefsashada oo xanuun deg-deg ah dartiis u doorsooma: Acute Respiratory Distress Syndrom
- Ibaha sambabada (alveoli) oo hawada qaadi kari waaya: Labor atelectasi
Calaamadaha lagu garto caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha neef-siiyaha macmalka ah
Haddii NM ah lagu xidhay bukaan-jiifka, calaamadahu waxa ay inta badan maraan sadex heer oo kala ah:
Xaalad la xidhiidha neef-siiyaha macmalka ah: Ventilator-associated condition (VAC): Xaaladan waxaa lagu gartaa kor u kac ku yihaada cadaadiska togan ee hawada sambabada marka loo eego cadaadiska hawada ee jidhka debediisa. Cadaadiskaas oo loo yaqaan Positive End Expiratory Pressure (PEEP) waxaa lagu cabiraa halbeega cm H2O. Haddii cadaadiska togan ee sambabadu uu caadi yahay ama hoos u dhacayo waxay muujinaysaa in sambabada bukaan-jiifku ay soo raysanayaan ama bugsoonayaan. Haddiise cadaadiska togan ee sambabadu uu bilaabo in uu kor u kaco, waxay muujinaysaa in sambabada bukaan-jiifku ay ka sii darayaan, taas oo muujinaysa in ay jirto xaalad la xidhiidha neef-siiyaaha macmalka ah. Haddii uu caadi ahaa ama hoos u dhacayey laba maalmood oo xidhaadh ah iyo mudo ka badan, dabadeedna uu bilaabo in uu kor u kaco ugu yaraan 3cm H2O ayaa ah sida lagu xaqiijiyo in ay jirta xaaladu.
Xaalad adag oo muujinaysa caabuq oo la xidhiidha neef-siiyaha macmalka ah: Infection-related ventilator-associated complication (IVAC). Xaaladan adag oo ah mid ifafaale u ah inuu jiro caabuq waxaa lagu gartaa heerkulka qofka oo kor u dhaafa 38 degree ama ka hoos mara 36 degree selsiyas, ama tirada unugyada cad-cad oo kor u dhaafta 12,000 ama ka hoos mara 4,000. Haddii ay jirto ugu yaraan mid ka mid ah arimahaas aynu soo sheegnay islamarkaana bukaan-jiifku uu ugu yaraan mudo 4 maalmood ah qaatay dawo lid-jeemiska antaybayootikad ayaa waxay muujinaysaa in ay jirto xaalad adag oo muujinaysa caabuq oo la xidhiidha neef-siiyaha macmalka ah.
Iyada oo ay suurtogal tahay in uu jiro caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha neef-siiyaha macmalka (possible VAP) ama in ay u badan tahay in uu jiro Caabuqa Oofwareenke ee la xidhiidha neef-siiyaha macmalka ah (probable VAP). Caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha neefsiiyaha macmalka ah oo ay suurtogal tahay in uu jiro (possible VAP) waxaa lagu gartaa in marka hore qofka lagu xaqiijiyey IVAC, dabadeedna sambal laga soo qaaday habdhiska neefsashadiisa oo lagu midabeeyey habka Gram Stain lagu arko milal (purulent) amd malax (pus) ama caabuq-keene. Caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha neefsiiyaha macmalka ah oo ay u badan tahay in uu jiro (probable VAP) waxaa lagu gartaa in sambal laga soo qaaday habdhiska neefsashada oo lagu baadhay habka korinta (culture) ama habka baadhidda nudada (histopathology) ama baadhitaan kale lagu xaqiijiyey caabuq-keene.
Mudadu waxa ay ku xidhan tahay nooca caabuq-keenaha, maadaama oo ay aad u badan yihiin oo kala duwan yihiin caabuq-keeneyaasha keena caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha neef-siiyaha macmalka.
Sida caabuqu u faafaa waxa ay ku xidhan tahay nooca caabuq-keenaha ee keenay caabuqa. Caabuq-keeneyaasha qaarkood ayaa ku faafa habka hawo ku-faafka. Halka qaar kale ay ku faafaan habka dhibic ku-faafka, IWM.
Si aan caabuqu ugu dhicin qofka uu ku xidhan yahay NM ahi, xeeladaha soo socdaa waa kuwo aasaasi ah oo ay muuhiim tahay in la sameeyo:
- Waa in lagu dadaalaa in aan qofka lagu xidhin neef-siiyaha macmalka ah ee tuumbada la geliyo dhuunta. Taas bedelkeeda waa in qofka lagu xidhaa neef-siiye macamal ah oo aan tuumbo la gelineyn dhuunta.
- Waa in la yareeyaa oo la xadidaa dawooyinka qofka dejiya (sedation) ee ka ilaaliya dhirifka iyo cadhada, gaar ahaan dawada benzodiazepines. Taas bedelkeeda waa in la siiyaa dawada dexmedetomidine ama propofol.
- Waa in maalin kasta qiimeyn lagu sameeyaa bukaan-jiifka oo la go’aamiyaa in neefsiiyaha macmalka ah laga saari karo iyo in kale.
- Waa in bukaan-jiifka mar-mar la toosiyaa oo la soc-socodsiiyaa ama la lugaysiiyaa cusbitaalka dhexdiisa.
- Sariirta bukaan-jiifka madaxeeda waa in kor loo qaadaa oo la gaadhsiiyaa xagal ah 35 degree.
- Tuumbada dhuunta (endotracheal tube) ee bukaan-jiifka la geliyaa waa inay ahaataa mid si joogto ah bukaan-jiifka uga soo dareerin karta dheecaanka ku urura dhuunta qaybiita hoose (subglottic secretion) oo ah halka ka saraysa buufinta (balloon) ay tuumbada dhuuntu (endotracheal tube) ku leedahay dacalkeeda lagu joojiyey dhuunta (hungurida cad) qaybteeda hoose. Buufintaas (balloon) waxaa la buufiyaa kabacdi marka tuumbada dhuunta (endotracheal tube) la geliyo dhuunta bukaan-jiifka. Shaqada buufintu (balloon) waa inay qabato dheecaanka ka soo dareeraya dhuunta, cunaha, dalqada, afka, IWM. Buufintu waxa ay dheecaankaas ka ilaalisaa in uu u gudbo sambabada.
- Waa in aan si joogto ah loo kala furin ama loo bedelin tuumbooyinka iyo mishiinka isku xidh-xidhan ee neef-siiyaha macmalka ah. Marka keliya ee la kala furi karo ama la bedeli karaa waa marka tuumbooyinka iyo qalabku aanay shaqaynayn ama ay ka muuqato wasakhi.
Haddii khatar-qiimeyn lagu xaqiijiyo in xeeladaha gaarka ahi aanay hoos u dhigayn heerka caabuqa ku dhacaya bukaan-jiifka ku jira qaybaha kala duwaan ee cusbitaalka, waxaa haboon in la dhaqan gleiyo xeeladaha gaarka ah ee mudan in la sameeyo. Xeelada gaarka ee soo socda oo si fiican loo dhaqan geliyaa waxay hoos u dhigi karaan heerka caabuqa:
- Waa in dawo lid-jeermis antaybayootiko ah oo si gaara ah loo doortay lagu luq-luqaa ama lagu maydhaa afka iyo dalqada bukaan-jiifka. Xeeladan oo la sameeyaa waxay yarayn kartaa noolaha ili-maqabatayga ah ee ku nool afka iyo dalqada bukaanka. Noolahaas ili-maqabatayga ah oo haddii kale raaci kara dheecaanka hoos ugu dareeraya cunaha iyo dhuunta. Noolahaas ili-maqabatayga ah oo haddii ay u gudbaan ama gaadhaan sambabada isu bedeli kara caabuq-keeneyaal oo dabadeedna caabuq iyo oofwareen ku samayn kara sambabada.
- Waa in bukaanka afkiisa lagu nadiifiyaa milanka Chlorhexidine oo ah milan lid-jeermis ah.
- Waa in bukaan-jiifka la siiyaa dawada kaalmaatiga ah ee qaniga ku ah noolaha ili-maqabatayga (probiotics) ah ee faa’iidada u leh caafimaadka qofka. Dawadaas oo ujeedadeedu tahay in lagaga hortago caabuqyada.
- Buufinta (balloon) tuumbada (endotracheal tube) kaga taal dacalka lagu joojiyo dhuunta dhinacaeeda hoose waa in ay tahay mid ka samaysan maadada ultrathin polyurethane. Waxaa jira cilmi baadhis sheegaysa in buufinta ka samaysan maadada ultrathin polyurethane ay si fiican u joojiso dheecaanka ka imanaya cunaha iyo dhuunta si aanu ugu gudbin sambabada.
- Ka hor inta aan bukaan-jiifka laga soo dareerin dheecaanka ku urura hunguriga qaybtiisa hoose (subglottic secretion), waa in milanka sayliinta (saline) lagu shubaa hunguriga qaybtiisa hoose oo ah halka uu dheecaanku ku ururay.
- Waa in bukaan-jiifka loo cadayaa ilkaha iyo afka.
Xeeladaha aan ku haboonayn lagaga hortago caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha NM ah
Cilmi-baadhis badan ayaa iftiimisay in xeeladaha soo socdaa aanay ahayn kuwo ku haboon in lagaga hortago caabuqa:
- Waa in aan la isticimaalin tuumbada dhuunta (endotracheal tube) ee gudaheeda lagu dheehay curiyaha Zilver oo ah curiye lid-jeermis ah. Cilmi baadhis badan ayaa sheegtay in tuumbada dhuunta ee gudaheeda lagu dheehay curiyaha Zilver ay yarayso halista uu bukaan-jiifku ugu jro in uu ku dhaco caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha neef-siiyaha macmalka ah. Hase yeeshee, tuumbada dhuunta ee gudaheeda lagu dheehay curiyaha Zilver ma yarayso mudada uu neefsiiyaha macmalka ahi ku jirayo bukaan-jiifka. Sidoo kale, tuumbada dhuunta ee gudaheeda lagu dheehay curiyaha Zilver ma yarayso halista uu bukaan-jiifku ugu jiro dhimasho.
- Waa in aan bukaan-jiifka lagu daryeelin sariiraha dhinac-dhinaca u janjeedhsada ee loo yaqaan Kinetic beds. Sariirahan oo loo dhisay in ay yareeyaan dhibaatooyinka soo gaadha sambabada ee ka dhasha dhaq-dhaqaaq laa’aanta bukaan-jiifka. Cilmi baadhista qaar ayaa sheegtay in sariirahani ay yareeyaan halista uu bukaan-jiifku ugu jiro in uu ku dhaco caabuqa Oofwareen ee la xidhiidha neef-siiyaha macmalka ah. Hase yeeshee, sariirahani ma yareeyaan mudaha uu neefsiiyaha macmalka ahi ku jirayo bukaan-jiifka. Sidoo kale, sariirahani ma yareeyaan halista uu bukaan-jiifku ugu jiro dhimasho. Qaar kale oo cilmi-baadhista ka mid ahina waxay sheegeen in sariirahani ay bukaan-jiifka u keenaan dhabar xanuun iyo dhaawac soo gaadha laf-dhabarta.
- Waa in aan bukaan-jiifka loo jiifin beer-beer ama caloosha (prone positioning). Wax xaqiiq ah looma hayo in xeeladani ay wax faa’iido ah u leedahay bukaanjifka.
- Waa in aan bukaan-jiifka la siin dawooyinka lagaga hortago nabarada caloosha ee inta badan qofka ku dhaca marka uu diiqadaysan yahay (stress ulcers). Dawooyinkani waxa ay yareeyaan tirada noolaha ili-maqabatayga ah iyo caabuq-keeneyaasha ku sugan habdhiska dheefshiidka, laakiin ma yareeyaan halista uu bukaan-jiifku ugu jiro in uu qaado caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha neef-siiyaha macmalka ah, mudada uu bukaan-jiifku ku jiro cusbitaalka, iyo dhimashada.
- Waa in aan lagu deg-degin in bukaan-jiifka laga dalooliyo dhuunta ama hunguriga cad (tracheotomy). Daloolkaas oo ujadadiisu tahay in loo isticimaalo meel tuumbada dhuunta (endotracheal tube) laga geliyo dhuunta halkii afka ama sanka laga soo gelin lahaa. Ma jiro wax farqi ah oo u dhexeeya in la soo dedejiyo daloolinta dhuunta ama in dib loo dhigo maalmo, asbuucyo, ama bilo. Daloolinta dhuunta oo la soo dedejiyaa ma yarayso halista uu bukaan-jiifku ugu jiro in uu qaado caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha neefsiiyaha macmalka ah, mudada uu bukaan-jiifku ku jiro cusbitaalka, iyo dhimashada.
- Waa in aan si joogto ah loo cabirin xadiga dheefta ah ee ku jirta caloosha bukaan-jiifka. Aqoonyahanada aaminsan in xeeladan oo la sameeyaa ay waxtar u leedahay bukaan-jiifka waxa ay ku doodaan in haddii dheefta caloosha ku jirta oo badataa ay suurto gal tahay in bukaan-jiifku sameeyo cano-naqsi ama dheeftu ku soo noqoto cunaha iyo hunguriga. Haddii dheeftu ku soo noqoto cunaha iyo hunguriga wuxuu bukaanjiifku halis ugu jiraa in uu ku saxdo dheeftaas, dabadeedna uu ku dhacdo caabuqa loo yaqaan Oofwareenka Saxashada (Aspiration pneumonia). Ha yeeshee, climi-baadhi lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay muujisay in xeeladan samaynteedu aanay yarayn halista uu bukaan-jiifku ugu jiro in uu qaado caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha neef-siiyaha macmalka ah, mudada uu bukaan-jiifku ku jiro cusbitaalka, iyo dhimashada. Cilmi-baadhistaasi waxa kale oo ay muujisay in marka la eego kahortagga caabuqa Oofwareenka aanay wax faa’iido ah isdheereyn in si joogto ah loo cabiro xadiga dheefta ah ee ku jirta caloosha iyo in si joogto ah looga war hayo in bukaan-jiifku dheefta soo celinayo ama matagayo.
- Waa in aan lagu deg-degin in bukaan-jiifka la siiyo cuntada shiidan (parenteral nutrition) ee bukaan-jiifka laga siiyo tuumbo la geliyo mid ka mid ah xididada dhiiga geeya wadnaha (vein). Cilmi-baadhis la sameeyey waxay muujinaysaa in cuntadaas shiidan oo bukaan-jiifka la siiyo 48 saacadood gudahood marka la jiifiyo qaybta daryeelka culus (ICU) ay sababto in bukaan-jiifku uu halis ugu jiro in ay ku dhacaan caabuqyo. Haddiise bukaan-jiifka loo bilaabo cuntadaas shiidan qiyaastii asbuuc kabacdi marka uu ku jiro qaybta daryeelka culus (ICU) ay yar tahay halista uu ugu jiro in ay ku dhacaan caabuqyo.
Sida loo baadho caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha neef-siiyaha macmalka ah
Maadaama oo ay aad u farabadan yihiin oo kala duwan yihiin caabuq-keeneyaasha keena caabuqa Oofwareenka, sida loo baadho caabuqa Oofwareenku way kala duwan yihiin. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira sadex hab oo la isticimaalo marka la baadhayo caabuqa Oofwareenka. Sadexda hab waxa weeye:
Habkani waxa weeye in bukaan-jiifka la saaro khashaafad (Chest-X- Ray) ama CT (Computed Tomography). Sawirka oo laga qaado sambabada waxaa lagu ogaadaa in sambadadu ay leeyihiin calaamado muujinaya caabuq
Habka calaamadaha iyo tilmaameyaasha caabuqu waxa weeye in bukaanka ay qabato xumad ka saraysa 38 degree selsiyas ama tirada unugyada cad-cadi ay ka sara maraan 12,000 ama ka hoos maraan 4,000. Calaamadaha iyo tilmaameyaasha kale ee caabuqa Oofwareenka waxaa ka mid ah qufac, neef-qabatin, iyo dadka waayeelka ah oo uu ku dhaco isbedel xaga maskaxda iyo garashada ahi.
Waxaa jira siyaabo badan oo shaybaarka loogu baadho caabuqa Oofwareenka. Siyaabahaas qaarkood ayaynu halkan si kooban ugu sharixi doonaa:
- Sambal ah dareere ama nudo ayaa laga soo qaadaa sambabada ama halka loo yaqaan pleura oo ah halka u dhexaysa labada xuub ee uu midna dahaadho sambabada midna gidaarka gudaha ee laabta. Dareerahaas ama nudahaas ayaa laga baadhaa caabuq-keene iyada oo la isticimaalayo habka korinta (culture).
- Sambal ah dhiig ayaa laga baadhaa caabuq-keene iyada oo la isticimaalayo habka korinta (culture).
- Caabuq-keeneyaasha qaarkood sida Legionella pneumophila, waxaa sambal dhiig ah laga baadhaa lid-jir (IgG) iyada oo la isticimaalayo habka cabirka heerka lid-jirka ee dhiigga (tirer test). Haddii heerka lid-jirka Legionella pneumophila ee dhiigu uu sareeyo, waxaa kaadida laga baadhaa jirka (antigen) Legionella pneumophila.
- Sambal ah dareere ama nudo ayaa laga soo qaadaa sambabada ama halka u dhexaysa labada xuub ee uu midna dahaadho sambabada midka kalena dahaadho gidaarka laabta. Dareerahaas ama nudahaas ayaa laga baadhaa caabuq-keene iyada oo la isticimaalayo habka baadhidda nudaha (histology). Habka baadhidda nudaha waxaa lagu arki karaa caabuq-keeneyaasha qaarkood ama calaamado tilmaanaya caabuq
La socodka heerka caabuqa kaadi-mareenka ee la xidhiidha TMK
- Khatar-qiimayn ku xaqiiji inay muhiim tahay in lala socdo caabuqa Oofwareenka iyo xaaladaha kale ee la xidhiidha NM ee ku dhacaya bukaan-jiifka ku jira qaybta daryeelka culus (ICU) iyo waadhadhka kale ee cusbitallka.
- Raac sharciga haddii dowladu waajib ka dhigtay in lala socdo caabuqa Oofwareenka ee la xidhiidha NM.
- Waxaa iyana muhiim ah in lala socdo heerka caabuqa Oofwareenka ee aan la xidhiidhin NM.
Tixraac: References
- Agency for Healthcare Researcg and Quality. Estimating the Additional Hospital Inpatient Cost and Mortality Associated With Selected Hospital-Acquired Conditions. Results | Agency for Healthcare Research and Quality (ahrq.gov). Accessed October 23rd, 2021
- Heyman Luckraz, Na’ngono Manga, Eshan L Senanayake,Mahmoud Abdelaziz, Shameer Gopal, Susan C Charman, Ramesh Giri, Raymond Oppong, and Lazaros Andronis. Cost of treating ventilator-associated pneumonia post cardiac surgery in the National Health Service: Results from a propensity-matched cohort study. J of Intensive Care Soc. 2018 May; 19(2)
- Anthony Delaney, Hillary Gray, Kevin B Laupland, Danny J Zuege. Kinetic bed therapy to prevent nosocomial pneumonia in mechanically ventilated patients: a systematic review and meta-analysis. Crit Care. 2006; May 10 (3)