Caabuqa Korona: COVID-19
Koronuhu waa caabuq ku dhaca habdhiska neefsashada gaar ahaan sambabada. Wuxuu sababi karaa in habdhiska neefsahadu istaago oo shaqayn waayo. Taas oo sababi karta in qofku si ded-deg ah u dhinto haddii aan lagu xidhin ogsijiinka macmalka ah. Caabuqa waxaa keena fayraska loo yaqaan Severe Acute Respiratory Syndrom Coronavirus 2 (SARS-CoV-2). Caabuqu waa mid saf ah oo dunida oo dhan si weyn ugu faafay, wuxuuna dunida ku bilaabmay bishii December ee 2019 oo ahayd markii uu ku dhacay qofkii ugu horeeyey oo deganaa magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha. Laga soo bilaabo xiligaas ilaa iyo maanta oo taariikhdu taahay August 15 2021 caabuqu wuxuu ku dhacay dad gaadhaya 200 oo milyan oo qof oo ka mid ah dadweynaha aduunka, wuxuuna diley in ka badan 4.3 milyan. Caabuqu wuxuu halis badan ku hayaa caafimaadka aduunka, dhaqaalaha aduunka, iyo weliba isu-socodka dunida.
Waxaa wel-wel leh in fayraska SARS-CoV-2 uu samaynayo dhalan gedis xaga hidaha ah (genetic mutation). Dhalan gediskaasi wuxuu fayraska u sahlayaa inuu u faafo si ka heersaraysa ama ka duwan sidii uu markii hore u faafayey. Fayraskaas dhalan-gadoomey oo loogu yeedho “varaint” sida Alfa Variant, Delta Variant, iyo Lamda Variant waxay sababeen in caabuqu ku soo laba-kacleeyo meelo dunida ka mid ah oo sanadkan 2021 horaantiisii uu ka yaraaday sida dalka Maraykanka, Ingiriiska, iyo meelo kale oo badan.
Waxaa la saadaalinayaa in caabuqan safka ahi uu dunida ka sii jiri doono ugu yaraan dhowrka sanadood ee soo socda. Labada sababood ee ugu weyn ee loo sababaynayo in caabuqu uu dunida ka sii jiri doono waxa weeye: 1) in caabuqu uu samaynayo dhalan-gedis xaga hidaha ah; iyo 2) in wadamo badan oo soo korayaa aanay awood farsamo iyo mid dhaqaale u lahayn in ay dadkooda ka talaalaan fayraska.
Qofka caabuqa COVID-19 uu ku dhacaa wuxuu yeelan karaa calaamadaha soo socda midkood ama qaarkood:
- Xumad
- Neef qabatin
- Matag
- Shuban
- Rixin-rixo ama cune xanuun
- Dareenka urta iyo dhadhanka oo ka taga qofka
Waxaa xusud mudan in dadka caabuqu ku dhaco qaarkood aanay ka soo if-bixin wax calaamado ahi, haba yaraatee. Dadkaas waxaa loo yaqaan calaamad-laaweyaal (asymptomatic.
Marka uu fayraska SARS-CoV-2 soo gaadho qofka, waxay ku qaadataa in calaamadaha caabuqu soo if-baxaan inta u dhexaysa 2 maalmood ilaa 14 maalmood. Sida kor ku xusan, waa suurto gal in qofka aany calaamado ka soo ifbixin laakiin uu caabuqa qabo islamarkaana uu caabuqa ku dhex faafinayo dadka.
Ilaa iyo hadda si buuxda looma hubo sida uu caabuqu u faafo. Fayraska caabuqa keenaana wuxuu samaynayaa dhalan-gedis xaga hidde-sideyaasha ah oo waxaa soo baxaya noocyo fayraska ah oo dhalan-gadoon ah oo u faafaya si ka heer saraysa sida noocyadii hore ee fayfasku u faafayeen. Hayeeshee waxaa la isku raacsan yahay in caabuqu ku faafo hababka soo socda:
- Habka hawo ku-faafka: Haddii qof caabuqa u nugul oo aan xidhnayn qalabka difaaca qofku uu masaafo ka yar laba mitir uu jirsado bukaanka qaba caabuqa oo dabadeedna uu neefsado dhibcaha yar-yar ee ka soo baxay habdhiska neefsashada ee bukaanka, waxaa suurto gal ah in fayraka keena caabuqu uu sidaas ku gaadho qofka nugulka ah.
- Habka dhibic ku-faafka: Haddii qof caabuqa u nugul oo aan xidhnayn qalabka difaaca qofku uu masaafo ka yar laba mitir uu jirsado bukaanka qaba caabuqa oo dabadeedna dhibcaha ka soo baxay habdhiska neefsashada ee bukaanka ay ku dhacaan xuub-xabeedka sanka, indhaha, and sanka ee qofka nugul, fayraska keena caabuqu sidaas ayuu ku gaadhi karaa qofka nugulka ah.
- Habka taabasho ku-faafka: Haddii qof u nugul caabuqu uu taabto meel, walax, ama qalab ay wasakheeyeen dhibcaha ka soo baxay habdhiska neefsadhasda ee bukaanka qaba caabuqa, dabadeedna isaga oo aan gacmaha iska nadiifin uu taabto xuub-xabeedka afkiisa, sankiisa, ama indhahiisa, fayraska keena caabuqa sidaas ayuu ku gaadhi karaa qofka nugulka ah. Shaqaalaha caafimaadka ee daryeelay bukaan qaba caabuqa oo iyaga oo aan gacmaha iska nadiin taabta qof caabuqa u nugul ayaa iyana ah si kale oo taabasho ku-faaf ah oo uu fayrasku ku gaadhi karo qofka u nugul caabuqa.
Marka bukaanka qaba caabuqa lagu samaynayo mid ka mid ah hab-daryeelada dhibco kiciyeyaasha ah ee hawada geliya dhibcaha yaryar ee ka soo baxa habdhiska neefsashada ee bukaanka, dhibcahaasi waxay ku baahaan hawada qolka uu jiifo bukaanku. Qof kasta oo u nugul caabuqa oo ku jira qolka oo neefsada dhibacaas yar-yar ee fayrasku ku laban yahay wuxuu sidaas ku qaadi karaa caabuqa. Hab-daryeelada dhibco-kiciyeyaasha ah waxaa ka mid ah marka la nadiifinayo, la furayo ama qaliin lagu samaynayo dhuunta iyo xubnaha kale ee habdhiska neefsashada ee qofka. Liiska hab-daryeelada dhibco-kiciyeyaasha ah waxaa laga heli karaa mareegta CDC.
Marka bukaan looga shakisan yahay ama laga helay caabuqa COVID-19 lagu daryeelayo xarun caafimaad ama custibaalka, bukaanka waa in la jiifiyaa qol u gaar ah oo dabadeedna la geliyaa:
- Soocidda dhibic ku-faafka iyo soocidda taabasho ku-faafka. Shaqaalaha caafimaadku waa inay xidhaan neef-sifeeyaha N-95, diraca soocidda, indho-ilaaliye, iyo gacmo gashi. Sida caadiga ah, soocidda dhibic ku-faafka ah waxaa loo xidhaa maaska soocidda (isolation mask), laakiin si kor loogu qaado taxadarka laga qaadanayo COVID-19, ayaa la isku raacay in la xidho neef-sifeeyaha N-95.
- Haddii bukaanka looga shakisan yahay ama laga helay caabuqa Korona lagu samaynayo mid ka mid ah hab-daryeelada kiciya dhibcaha, waa in bukaan-jiifka la geliyaa soocidda hawo ku-faafka iyo soocidda taabasho ku faafka. Shaqaalaha caafimaadkuna waa in ay xidhaan neef-sifeeyaha CAPR, PAPR, ama N-95. Sidoo kale waa inay xidhaan diraca soocidda, indho-ilaaliye, iyo gacmo gashi.
Mudada la soocayo bukaanku waxay ku xidhan tahay sida caabuqu u saameeyey bukaan-jiifka iyo heerka difaaca jidhkiisa. Haddii qofku uu aad u xanuunsado oo uu galo xaalad u baahan daryeel culus, islamarkaana habdhiska difaaca jidhkiisu uu daciif yahay, mudada soocidu waxay soconaysaa ugu yaraan 21 maalmood iyo ka badan. Qofka ay xaaladiisu sidan tahay, waxaa loo baahan yahay dhakhtar takhasuskiisu yahay cudurada faafa oo qiimeeya bukaanka islmarkaana sheegi kara in qofku ka bogsooday caabuqa, aanu faafinayn caabuqa, oo laga saari karo soocidda.
Marka la eego caafimaadka bulshada, waxaa jira xeelado dhowr ah oo muhiim ah xiliga uu caabuqa Korona si xawli sare ah ugu dhex faafayo dadweynaha aduunka. Xeeladahaas waxaa ka mid ah:
- Talaalka: Dalka Maraykanka waxaa jira sadex nooc oo talaal ah oo loo ansixiyey caabuqa Korona. Sadexdaas talaal oo macagyadoodu yihiin Pfizer, Moderna, iyo Johnson & Johnson waxaa la siin karaa dadka da’doodu ka weyn tahay 12 sano. Daraasaadkii ugu danbeeyey waxay si cad u muujiyeen in dadka laga talaalay Korona aanu caabuqu aad ugu dhicin marka la barbardhigo kuwa aan ka talaalayn. Waxay kale oo daraasaadku muujiyeen in caabuqa Korona ee ku dhaca dadka talaalka qaatay uu yahay mid aad uga sahlan kan ku dhaca dadka aan talaalka qaadan. Dadka aan talaalka qaadan ayaa ah kuwa inta badan cusbitaalada loo dhigo ama u dhimanaya fayraska SARS-Cov-2 ee dhalan-gadoomey ee Delta ee dunida ku soo laba kacleeyey sanadka 2021. Waxaa jira noocyo kale oo talaal ah oo laga isticimaalo wadamada kale, sida talaalka AstraZeneca iyo kuwo kale oo dhowr ah oo uu taageeray ururka caafimaadka aduunka ee WHO.
- Xidhashada guud ee maaska (universal masking): Haddii caabuqu uu si saf ah uga jiro bulshada dhexdeeda, waxaa muhiim ah in la xidho maaska markasta oo la aadayo goobaha bar-kulanka bulshada. Hay’adaha caafimaadka iyo dowladaha hoose ayaa mas’uul ka ah in ay bixiyaan hageyaasha iyo talooyin la xidhiidha heerka caabuqu bulshada ugu dhex faafayo iyo in ay muhiim tahay xidhashada maasku.
- Kala fogaanta daka (social distancing): dadka oo isu jirsada in ka badan 2 mitir marka ay isugu yimaadaan goobaha bar-kulanka ayaa iyana ah xeelad kale oo ku salaysan cilmi-baadhih oo lagu hakiyo laguna joojiyo faafida caabuqa, gaar ahaan marka uu caabuqu si saf ah ugu baahsan yahay bulshada dhexdeeda. Waxaa xusuus mudan in dad badan oo qaba caabuqu ay yihiin bukaan socod aan calaamadaha caaqu aanay ka soo if-bixin laakiin faafin kara caabuqa. Sida daraadeed waxaa laga yaabaa in qof aad u haysato in uu caafimaad qabo oo kula fadhiyaa uu yahaya caabuq-faafiye. Waana sababtaas sababta ay muhiib u tahay in dadku kala fogaadaan marka ay kulmayaan. Muhiim maaha in xubnaha qoyska ee guri ku wada nooli ay kala fogaadaan, maadaama oo ay guri ku wada nool yihiin oo ay adag tahay inay kala fogaadaan.
- Bandowda (Shelter in place): bandowdu waxay noqon kartaa mid culus oo dadku aanay guryahooda ka soo bixi karin mudo usbuucyo ah islamarkaana la xidho goobaha dadku isugu yimaadaan (sida, maqaaxiyaha waxa laga cuno, iskuulada, jaamacadaha, iwm.) iyo gaadiidka dadweynaha. Bandowda sidaas u culus waxaa tusaale u ah bandowdii dawlada Shiinuhu ku soo rogtey megaalada Wuhan horaantii sanadkii 2020 oo ahayd megaaladii uu ka soo bilaabmay caabuqa Korona. Dhinaca kale, bandowdu waxay noqon kartaa mid sahlan oo dadku soo bixi karaan, laakiin la yareeyo tirada dadka ee hal mar geli karta goob caam ah sida maqaaxi, xarun jimicsi, iwm.
- Karantiimaynta: qofka loo xaqiijiyey caabuq-gaadh (exposure) ee la kulmay qof qaba caabuqa oo la faro in uu gurigiisa ku ekaado mudo 14 maalmood ah ayaa iyana ah xeelad kale oo lagaga hortago in caabuqu faafo.
- Soocidda guriga (home isolation): qofka laga heley caabuqa oo isna jooga gurigiisa ilaa inta uu ka bogsoonayo caabuqa oo ah ugu yaraan 10 maalmood oo laga bilaabayo makrii calaamaduhu kasoo if-baxeen ayaa iyana ah xeelad lagama maarmaan ah oo waajib ku ah qofkaasi inuu raaco.
- Xayiraada safarka (Travel ban): Dadka degan megaalo, gobol, ama wadan uu caabuqa safka ahi si xawli ah uu ugu dhex faafayo oo laga mamnuuco inay u safraan megaalo, gobol, ama wadan aan caabuqu ku badnayn ayaa iyana ah xeelad kale oo lagu hakin karo faafida caabuqa. Ha yeeshee, qaar ka mid ah khubarada aqoonta u leh cilmiga caafimaadka aduunku waxay aaminsan yihiin in xeeladani tahay mid aan sax ahayn oo aan wax weyn ku biirin karin dadaalka caalamiga ah ee loogu jiro in lagu joojiyo caabuqa safka ah ee sida COVID-19 dunida oo dhan ku faafay.
Dheecaan laga soo qaado dalqada (oropharyngeal), sanqaroorka (nasopharyngeal), ama calyada (saliva) ayaa waxaa laga baadhaa hidesideyeshaa (DNA) fayraska SARS-CoV-2 iyadoo la isticimaalayo habka PCR. Maxsuulka baadhida habka PCR waa mid kamadanbays ah oo lagu kalsoonaan karo. Dheecaanadaas waxaa kale oo laga baadhi karaa jirka (antigen) fayraska SARS-CoV-2 iyadoo la isticimaalayo habka loo yaqaan Antigen Test ama baadhida jirka.
Weli waxaa dadaal loogu jiraa sidii loo saari lahaa dawooyin ku haboon caabuqa Korona. Dalka maraykanka dawada Remdesivir ayaa waqtigan lagu jiro ee badhtamaha 2021 ah dawada ugu wanaagsan ee loo ansixiyey in lagu daweeyo caabuqa Korona. Dawooyin dhowr ah oo la isku yidhaahdo monoclonal antibody treatments ayaa si ku meel gaadh ah loogu ansixiyey daweynta caabuqa Korona.