Caabuqa Hargabka (Flu)
Hargabka ama ifiladu waa caabuq deg deg ah oo ku dhaca habdhiska neefsashada–sanka, dhuunta, iyo sambabada. Hargabka waxaa keena fayraska Influenza. Hargabku waa caabuq-xiliyeed dadka aad ugu dhaca xiliga qaboobaha. Duninda Galbeedka, hargabku wuxuu dadka ku dhexfaafaa bilaha October ilaa March, walow marmarka qaar uu socdo ilaa bisha May.
Hargabku wuxuu inta badan si daran u haleelaa dadka nugulka ah ee ay ka mid yihiin:
- Caruurta ka yar shan sano, gaar ahaan kuwa ka yar hal sano
- Dadka da’doodu ka weyn tahay 65 sano
- Dumarka uurka leh iyo umulaha haysta dhalaanka laba asbuuc jira
- Dadka habdhiska difaaca jidhkoodu daciifka yahay
- Dadka qaba cudurada daba-dheeraada ee ay ka mid yihiin, macaanka, iyo kuwa ku dhaca xubnaha kelyaha, wadnaha iyo beerka.
- Dada aadka u buurbuuran ee cabirka culayka jidhkoodu (Body Mass Index) ka sareeyo 40
Inta badan caabuqa hargabku halis caafimaad oo weyn uma keeno dadka da’da dhexe ah. Laakiin dadka nugulka ah ee kor ku xusan wuxuu caabuqu u keeni karaa dhibaatooyin caafimaad oo halis leh. Dhibaatooyinkaas caafimaad waxaa ka mid ah:
- Oofwareen
- Boronkiito
- Wadne xanuun
- Neef-qabatin
- Caabuqa dhegaha
- Dhimasho
- Xumad ka saraysa 38C
- Murqo xanuun
- Qarqaryo iyo dhidid
- Madax xanuun
- Qufac
- Daal iyo itaal darro
- Cabudh
- Cuno xanuun.
Marka uu fayraska Influenza soo gaadho jidka qofka, waxay ku qaadataa in calaamadaha cudurku soo if-baxaan qiyaastii 2 maalmood walow ay calaamaduhu soo if-bixi karaan 1 ilaa 4 maalmood gudahood. Waxaa muhiim ah in la ogaado in qofku uu fayraska faafin karo hal maalin ka hor inta aan calaamada caabuqu soo if-bixin. Waxaa kaloo muhiim ah in maskaxda lagu hayo in qofku uu caabuqa hargabka aad u faafiyo 3da ilaa 4ta maalmood ee ugu horeeya ee uu xanuunsanayo.
Caabuqa waxaa lagu kala qaadaa habka dhibic ku-faafka. Marka bukaanku uu hindhiso ama qufaco waxaa afkiisa iyo sankiisa ka soo baxa dhibco qoyan oo wata caabuq-keenaha. Dhibcahaas fayraska wataa waxay ku dhaci karaan xab-xuubeedka afka, indhaha, ama sanka dadka wax ka yar 2 mitir u jira bukaanka. Fayrasku sidaas ayuu ugu gudbi karaa dadka oo uu ku dhalin karaa caabuqa. Sida kale ee caabuqa la isugu gudbin karaa waxa weeye marka dhibcaha ka soo baxay afka iyo sanka bukaanku ay ku dhacaan walxaha ama bii’adda dushooda. Haddii dadku taabtaan walxahaas ama bii’addaas jeermisku diqeeyey oo dabadeedna iyaga oo aan gacmaha nadiifin ay taabtaan wejigooda, fayrasku sidaas ayuu jidhkooda ku geli karaa oo ku dhalin karaa hargabka.
Hay’ada ka hortagga iyo hakinta cudurada faafa ee Maraykanku waxay ku talinaysaa in talaalka sanadlaha ah ee hargabku uu yahay sida ugu wanaagsan ee lagaga hortagi karo caabuqa hargabka.
Marka qof qaba hargab lagu daweeynayo xarun caafimaad ama cusbitaal waa in la raacaa taxadarada soo socda si caabuqu aanu ugu dhicin shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanka kale ee xarunta caafimaad lagu daryeelayo:
- Waa in bukaanka la jiifiyaa qol u gaara ama meel gaar ah oo la geilyaa soocidda dhibic ku-faafka
- Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada dhibic ku-faafka (Droplet Precautions).
- Shaqaalaha caafimaadku waa in ay xidhaan maaska soocidda “isolation mask” marka ay gelayaan qolka bukaanka.
- Shaqaalaha caafimaadka waa inay iska bixiyaan maaska soocidda marka ay ka baxayaan qolka bukaanka oo ay ku ridaan bacda qashinka.
- Shaqaalaha caafimaaku waa inay u hogaansanaadaan xeerka nadiifinta gacmaha oo ay gacmahooda nadiifiyaan marka ay gelayaan qolka, ka baxayaan qolka, taabtaan agagaarka bukaaanka, gacmahooda ku arkaan wasakh, ama samaynayaan shaqo ka madhan caabuq-keene.
- Qolka bukaanka iyo qalabka dhexyaala waa in si joogto ah oo buuxda loogu nadiifiyaa milanka nadiifinta ee dili kara fayraska keena caabuqa. Si gaar ah waa in loo nadiifiyaa meelaha ay gacmuhu sida joogtada ah u taabtaan sida handaraabka albaabka, halka nalka laga daaro ama laga demiyo, iwm.
- Qalabka lagu daryeelayo bukaanku waa inay ahaadaan kuwo isaga ama iyada u gaar ah. Waa in si buuxda loo nadiifiyaa qalabka kahor inta aan lagu daryeelin bukaan kale.
- Si bukaanku aanu caabuq-keenaha ugu faafin xarunta caafimaad, waa in la yareeyaa in bukaanku ku dhex warwareego ama ku dhex socdo cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa
Mudada uu bukaanku ku jirayo soocidda dhibic ku-faafka waa ilaa 7 maalmood ee ka danbeeya maalinta calaamadaha caabuqu soo if-baxeen. Haddii 7 maalmood ka bacdi calaamadaha hargabku weli hayaan bukaanka, waa in bukaanka lagu sii hayaa soocidda dhibic ku-faafka ilaa 24 saacadood ka bacdi marka calaamaduhu istaagaan.
Marka la xaqiijiyo in qofka ay ka muuqdaan calaamahaha Hargabku ayaa waxaa dheecaan laga soo qaadaa sanka qofka jiran. Dheecaankaas oo lagu qaado qori yar oo dhuuban oo uu afka cudbi kaga duuban yahay ayaa waxaa loo diraa shaybaarka. Shaybaarku wuxuu dheecaankaas ka baadhaa borotiinka bu’da (necleoprotein) antijiinka fayraka inlfuenza noocyadiisa A iyo B.
Dadka intiisa badani waxay u baahan yihiin oo keliya cabitaan badan, nasasho iyo seexasho. Haddiise laga baqayo in hargabku uu keenayo dhibaatooyin caafimaad iyo xanuun halis as, dhakhtarku wuxuu u qoraa dawooyinka lidka fayraska sida oseltamivir (Tamiflu), zanamivir (Relenza), peramivir (Rapivab) or baloxavir (Xofluza). Dawooyinkani waxay soo gaabiyaan mudada qofku xanuunsanayo. Waxay kaloo dawooyinkani ka hortagaan in qofka ay ku dhacaan oo kusii xumaadaan dhibaatooyin caafimaad.