Gowracato (Diphtheria)
Gowracatadu waa caabuq kusoo boode ah oo inta badan ku dhaca dalqda, cunaha, dhuunta iyo sanka, waloow mar-marka qaarna uu ku dhici karo indhaha iyo xubnaha taranka. Caabuqa waxaa keena bakteeriyada Corynebacterium diphtheriae, wuxuuna inta badan ku dhacaa caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee aan ka talaalayn caabuqa. Gowracatada dhuuntu waa halis marka ay ku dhacdo dhalaanka iyo caruurta. Bakteeriyda gowracatadakeentaa waxay kale oo sababtaa caabuq nabaro leh oo ku dhaca maqaarka, kaas oo aad ugu eg caabuqa Impetigo oo ah caabuq nabaro wata oo ku dhaca maqaarka dhalaanka iyo caruurta yaryar ee aan ku noolayn meel aan lahayn nadaafad wanaagsan. Caabuqa Imptego waxaa inta badan sababa bakteeriyada la yidhaahdo Staphylococcus Aureus ama mar-marka qaar bakteeriyda Streptococcus pyogenes.
Caabuqa Goracada waxaa lagu gartaa:
- Cunaha iyo dalqada oo uu qariyo xuub ciiro u egi
- Cune xanuun
- Qanjidhada luqunta oo barara
- Neef qabatin
- Duuf
- Qandho
- Xumad.
Marka ay bakteeriyadu soo gaadho jidka qofka, waxay ku qaadataa in ay caabuqa dhaliso oo calaamadaha cudurku soo if-baxaan 2 ilaa 5 maalmood gudahood.
- Habka dhibic ku-faafka: marka bukaanku uu hindhiso, qufaco, ama hadlo, waxaa qofka afkiisa iyo sankiisa ka soo baxa dhibco qoyan oo wata caabuq-keenaha. Haddii dhibcahaasi ay ku dhacaan xuub-xabeedk afka, indhaha, ama sanka dadka u dhow bukaanka caabuq-keenuhu sidaas ayuu ugu gudbi karaa dadka. Dhibco qoyan oo wata caabuq-keenuhu waxay kale oo bukaanka jidhkiisa ka soo bixi karaan marka la nadiifinayo, la furayo ama qaliin lagu samaynayo dhuunta iyo xubnaha kale ee habdhiska neefsashada ee bukaanka.
- Habka taabasho ku-faafka: Walow aanay inta badan dhicin, Gowracatada ku dhacda maqaarka waxaa lagu kala qaadaa habka taabashada tooska ah oo ah marka qof caafimaad qabaa uu taabto furuuuruca bukaanka, kabacdina caabuq-keenuhu u gudbo oo galo jidhka qofka nugulka ah. Waxaa kale oo caabuqa lagu kala qaadi karaa habka taabashada aan tooska ahayn oo ah in caabuq-keenuhu uu qofka nugulka ah ka soo gaadho gacmo, walax, ama bii’ad uu wasakheeyey caabuq-keenuhu.
Marka bukaanka qaba Gowracato lagu daryeelayo xarun caafimaad ama cusbitaal, waa in la raacaa taxadarada soo socda:
Gowracatada cunaha:
- Waa in bukaanka la jiifiyaa qol u gaara ama meel gaar ah oo la geilyaa soocidda dhibic ku-faafka
- Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada dhibic ku-faafka (droplet precautions).
- Shaqaalaha caafimaadku waa in ay xidhaan maaska soocidda “isolation mask” marka ay gelayaan qolka bukaanka.
- Shaqaalaha caafimaadka waa inay iska bixiyaan maaska soocidda marka ay ka baxayaan qolka bukaanka oo ay ku ridaan bacda qashinka.
- Shaqaalaha caafimaaku waa inay u hogaansanaadaan xeerka nadiifinka gacmaha oo ay gacmahooda nadiifiyaan makra ay gelayaan qolka, ka baxayaan qolka, taabtaan agagaarka bukaaanka, gacmahooda ku arkaan wasakh, ama samayayaan shaqo ka madhan caabuq-keene.
- Qolka bukaanka iyo qalabka dhexyaala waa in si joogto ah oo buuxda loogu nadiifiyaa milanka nadiifinta ee dili kara bakteeriyada keenta caabuqa. Si gaar ah waa in loo nadiifiyaa meelaha ay gacmuhu sida joogtada ah u taabtaan sida handaraabka albaabka, halka nalka laga daaro ama laga demiyo, iwm.
- Qalabka lagu daryeelayo bukaanku waa inay ahaadaan kuwo isaga ama iyada u gaar ah. Waa in si buuxda loo nadiifiyaa qalabka kahor inta aan lagu daryeelin bukaan kale.
- Si bukaanku aanu caabuq-keenaha ugu faafin xarunta caafimaad, waa in la yareeyaa in bukaanku ku dhex warwareego ama ku dhex socdo cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa.
Gowracatada maqaarka:
- Waa in bukaanka la geliyaa soocidda taabasho ku-faafka (Contact Isolation)
- Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxdarka taabashada (Contact Precautions)
- Shaqaalaha caafimaadku waa in ay xidhaan gacmo gashi (gloves) iyo diraca soocidda (isolation gown) markasta oo ay gelayaan qolka bukaanka.
- Shaqaalaha caafimaadku marka ay ka baxayaan qolka bukaanka waa inay iska bixiyaan gacmo-gashiga iyo diraca soocidda oo ay ku ridaan bacda qashinka.
- Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan xeerka gacmo nadiifinta oo ay gacmahooda nadiifiyaan makra ay gelayaan qolka, ka baxayaan qolka, taabtaan agagaarka bukaaanka, gacmahooda ku arkaan wasakh, ama samayayaan shaqo ka madhan caabuq-keene.
- Qolka bukaanka iyo qalabka dhexyaala waa in si joogto ah oo buuxda loogu nadiifiyaa milanka nadiifinta ee dili kara bakteeriyada keenta caabuqa. Si gaar ah waa in loo nadiifiyaa meelaha ay gacmuhu sida joogtada ah u taabtaan sida handaraabka albaabka, halka nalka laga daaro ama laga demiyo, iwm.
- Qalabka lagu daryeelayo bukaanku waa inay ahaadaan kuwo isaga ama iyada u gaar ah. Waa in si buuxda loo nadiifiyaa qalabka kahor inta aan lagu daryeelin bukaan kale.
- Si bukaanku aanu caabuq-keenaha ugu faafin xarunta caafimaad ama cusbitaalka waa in la yareeyaa in bukaanku ku dhex warwareego ama ku dhex socdo cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa.
Soociddu waxay soconaysaa ilaa iyo inta bukaanku ka dhamaysanyo daawada loo qoray. Marka qofku uu dhamaysto daawada, waxaa laba sambal oo ay qaadistooda u dhexayso ugu yaraan 24 saacadood laga qaadaa cunaha xagiisa danbe haddii bukaanku qabo Gowracatada cunaha, ama furuuruca haddii qofku qabo Gowracatada maqaarka. Labada sambal waxaa laga baadhaa bakteeriyada Corynebacterium diphtheriae. Haddii shaybaarku labada sambal ka waayo bakteeriyada, looma baahna in bukaanku kusii jiro soocidda. Marka bukaanka laga saaro soocidda, waxaa muhiim ah in qolkii bukaanku jiifey si buuxda loo nadiifiyo oo lagu nadiifiyo maadooyin dili kara bakteeriyada hadhaaga ah ee laga yaabo inay kusii hadhay qolka dhexdiisa iyo qalabka ku dhex jira.
Qofka ay hayso Gowracato waxaa lagu ogaan karaa haddii calaamadaha caabuqa ee kor ku xusani ay qofka ka muuqdaan. Waxaana caabuqa lagu xaqiijin karaa iyo sambal laga qaado bukaanka oo sambalka lagu baadho shaybaarka, iyadoo la adeegsanayo habka korinta bakteeriyada.
Dawooyinka lagula tacaalo dadka Gowwracatada qaba waxaa ka mid ah erythromycin, procaine penicillin G, iyo antitoxin, ka bacdi marka la hubiyo in qofku aanu antitoxin-ka aleerjik ku ahayn. Qofka sidaha u ah bakteeriyada Corynebacterium diphtheriae laakiin aan calaamada caabuqu kasoo if-bixin waxaa la siiyaa dawada ka hortag ah (prophylactic) ee benzathine penicillin G ama erythromycin.
Sida ugu wanaagsan oo Gowracatada looga hortegi karo waa in ilmaha loo dhamays tiro talaalka taxanaha ah ee DTP (diphteria, tetunus and pertussis) oo ka hortaga caabuqyada Gowracatada, teetanada iyo xiiq-dheerta. Talaalkan taxanaha ah waxaa ilamaha lagu bilaabaa makra uu jiro 6 asbuux, talaalka labaadna marka uu jiro 10 asbuuc, ka sadexaadna marka uu jiro 14 asbuuc. Intaa ka bacdi, ilmuhu ama qofku waa inuu 10kii sanoba mar qaataa talaalka DTP.
Haddii ay dhacdo in qof qaba Gowracato lagu daryeelo guriga qoyska, xubhana qoyska qofka jirani waa inay si joogto ah gacmaha isaga dhaqaan, gaar ahaan ka hor inta aanay taaban qoka jiran ama agagaarkiisa, iyo ka bacdi marka ay taabtaan qofka jiran ama agagaarkiisa.