Caabuqa Qaaxada: Tuberculosis

Qaaxada waxaa keenta bakteeriyada Mycobacterium tuberculosis (MTB). Qaaxadu waxay inta badan ku dhacdaa sambabada, waloow mar-marka qaarna ay ku dhacdo xubno kale sida dhuunta, qanjidhada, maskaxda, kelyaha iyo lafaha. Sanadii 2012 ilaa 2 bilyan oo qof oo ka mid ah dadka dunida ku nool ayaa qabey caabuqa Qaaxada, waxaana sanadkaa u dhintay ilaa 1.3 milyan oo qof. 95% dadka Qaaxadu ku dhacdaa waa dadka ku nool dalalka saboolka ah. Dalka Soomaaliya, Qaaxadu aad ayay ugu badan tahay. Sida ay qortay hay’adda CDC, 56% Qaaxada ku dhacda soomaalida ku nool Soomaaliya waa Qaaxada ku dhacda xubnaha jidhka ee aan ahayn ama ka baxsan habdhiska neefsashada. Qaaxada ku dhacda xubnaha jidhka ee aan ahayn ama ka baxsan habdhiska neefsashada waxaa la yidhaahdaa “Extra-pulmonary TB”.

  • Qufac dabadheeraada oo ugu yaraan laba todobaad soconayey
  • Xaako laga yaabo inay dhiig wadato
  • Awood la’aan
  • Daal
  • Caatoobid aan sabab kale lahayn
  • Dhidid habeenkii ah
  • Laab-xanuun
  • Qandho 
  • Xumad

Marka ay bakteeriyadu soo gaadho jidka qofka, waxay ku qaadataa in ay caabuqa dhaliso oo calaamadaha caabuqu soo if-baxaan 2 todobaad ilaa 12 todobaad.

Waxaa dhacda in bakteeriyadu gasho jidhka qofka laakiin aanay keenin caabuq  mudo dheer oo bilo iyo sanado gaadhaya. Qaaxada noocan ah waxaa loo yaqaan “Latent TB” ama Qaaxada Huruda. Waxaa kale oo dhacda in bakteeriyadu mudo gaaban gudaheed ku dhaliso Qaaxo wadata caabuq. Sidaa daraadeed, mudada ay bakteeriyada ku qaadato in calaamadaha Qaaxadu soo if-baxaan waxay noqon kartaa mid gaaban ama mid dheer. Mudadaas waxaa lagu qiyaasaa inta u dexaysa laba todobaad ilaa tobaneeyo sanadood.

Qaaxadu waxay faaftaa marka bukaanku uu qufaco, hindhiso, ama neefsado ayaa bakteeriyadu kasoo baxdaa sambabada qofka jiran oo gashaa kuna baahdaa hawada. Sidaa darteed Qaaxadu waxay ka mid tahay caabuqyada loo yaaqaan hawo ku-faafka (aerosol transmissible diseases). Dadka u dhow bukaanku haddii ay neefsadaan hawadaas bakteeriyadu ku jirto, bakteeriyadu waxay gelaysaa habdhiskooda neefsashada iyo sambabadooda oo ay ku abuurtaa ama dhalisaa caabuqa qaaxada. Sida aynu kor ku soo sheegnayna, waa suurtogal in bakteeriyadu ay jidhka ku jirto mudo dheer iyada oo an keenayn caabuq. In qofka ay hayso Qaxada Hurudaa (Latent TB), waxaa lagu ogaan karaa mid ka mid ah labada hab-shaybaareed ee kala ah: 

  • Tuberculin Skin Test
  • QuantiFERON –TB blood Test:

Faahfaahin ku saabsan labadan hab-shaybaareed waxaad ka heli kartaa qoraalka hoose ee cinwaankiisu yahay “Sida loo baadho caabuqa Qaaxada”.

 

Haddii qofku uu isku arko calaamadaha kor ku xusan midkood ama qaarkood, waa in uu daryeel caafimaad u doonto xarun caafimaad ama dhakhtar. Marka qofka bukaan socodka ahi yimaado xarunta caafimaad, shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada soo socda:

  • Waa in bukaanka loo tilmaamaa in uu xirto maask.
  • Waa in bukaanka la jiifiyaa qolka caabuqyada hawo ku-faafka (Airborne Infection Control Room). Qolkaas oo ah mid cadaadiska hawadiisu taban tahay (negative pressure room)
  • Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada guud iyo taxadarada hawo ku-faafka:
    1. Shaqaalaha caafimaadka iyo dadka kale ee gelaya qolka bukaanku waa inay xidhaan ama xirtaan neef-sifeeye sida N-95 mask, PAPR, ama CAPR.
    2. Shaqaalaha caafimaaku waa inay raacaan xeerka nadiifinka gacmaha oo ay gacmahooda nadiifiyaan: a) ka hor inta aanay taaban bukaanka ama ka hor inta aanay gelin qolka bukaanka; b) ka hor marka ay qabanayaan daryeel caafimaad oo ka madhan caabuq-keene (aseptic task); c) ka bacdi marka ay taabtaan bii’adda ama agagaarka bukaanka; d) ka bacdi marka ay gacmahooda ama gacmo-gashigooda ku arkaan wasakh; iyo e) ka bacdi marka ay taabtaan bukaanka ama marka ay ka baxayaan qolka bukaanka
  • Waa in la yareeyaa dadka gelaya qolka bukaanka, gaar ahaan kuwa halista u ah inay qaadaan caabuqa Qaaxada.
  • Si bukaanku aanu caabuqa ugu dhex faafin xarunta caafimaad ama cusbitaalka, waa in la yareeyaa in bukaanka ku dhex warwareego cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa. Haddii ay muhiim noqoto in qofka jiran debeda looga saaro qolkiisa, waa in loo xidhaa maask inta uu debeda joogo. Haddii bukaanka lagu daryeelayo xarun caafimaad oo khaas u ah Qaaxada (TB Hospital), bukaanku wuu ka soo bixi karaa qolkiisa. 
  • Qolka bukaanka iyo qalabka dhexyaala waa in si joogto ah oo buuxda loogu nadiifiyaa milanka nadiifinta ee dili kara bakteeriyada Maycobacterium tuberculosis.

Marka bukanku uu si toos ah u qaato dawada Qaaxada 2 ilaa 3 todobaad, haddii bukaanku ka raysto calaamadaha caabuqa ee kor ku xusan, waxaa la sameeyaa baadhitaanka ‘Acid Fast Bacilli”. Haddii bakteeriyada lagu arki waayo sadex xaako (oo mid ka mid ah la qaaday xiliga salalaada subax) oo qaadistooda ay u dhexeeyaan ugu yaraan 8 saacadood, looma baahna in bukaanku kusii jiro soocidda, sababta oo ah qofku wuxuu soo gaadhay marxalad aanu faafinayn caabuqa.

Waxaa muhiim ah in qofkasta oo la kulmay bukaan qaba Qaaxo uu war geliyo hay’adaha caafimaadka bulshada ee degmada si loo baadho oo loola socdo inuu qaadi doono caabuqa iyo in kale.

Waxaa kale oo muhiim ah in shaqaalaha caafimaadka bulshadu ay hubiyaan in bukaanku uu maalin walba qaadanayo dawooyinka loo qoray, habkan waxaa la yidhaahdaa DOT (direct observed therapy). Dalka, gobolka, iyo degmadu waa inay lahaadaan mashaariic leh wadashaqayn lagula socdo, lagaga hortago, laguna hakiyo caabuqa Qaaxada (Tuberculosis control plans).

Waxaa jira siyaabo badan oo kala duwan oo loo baadhi karo caabuqa qaaxada. Baadhitaanadaas waxaa ka mida ah:

  • Acid Fat Bacilli: waa baadhitaan lagu midabeeyo xaakada si loo ogaado in bakteeriyada MTB ay ku jirto sambabada ama jidhka qofka jiran.
  • Culture: waa baadhitaan lagu koriyo bacteriaya sheybaarka laguna ogaado in bakteeriayada MTB ay ku jirto sambabada amd jidhka qofka.
  • Khashaafada: waa sawirka laga qaado samababda si loo eego in sambabada midkood ama labaduba caabuq leeyihiin iyo inta caabuqu le’egyahay.
  • PCR (Ploymerase chain reaction) iyo DNA probe: waa baadhitaano casri ah oo intabadana natiijo sax ah ka sheega in DNA-da bakteeriyada MTB  ku jirto sambabada ama jidhka qofka.
  • Tuberculin Skin Test: waa baadhitaan lagu tijaabiyo maqaarka dhudhunka gacanta ee qofka. Maadada la yidhaahdo “purified protein derivative” oo ah borotiin laga soo dhirindhiriyey bakteeriyada MTB ayaa lagu mudaa maqaaraka dhudunka gacanta. Baadhitaankan waxaa inta badan la isticimaalaa maka la doonayo in la ogaado in bakteeriyadu ay ku jirto jidhka qofka, laakiin qofku aanu qabin calaamadaha iyo xanuunka caabuqa Qaaxada. Caabuqa Qaaxada ee noocan ah waxaa lagu magacaabaa ‘latent TB’ ama qaaxada huruda. Haddii qofku uu mar hore qaatay talaalka BCG ee Qaaxada, baadhitaankani ma cadayn karo in ay run tahay in bakteeriyada MTB ay ku jirto jidhka qofka.
  • QuantiFERON –TB blood Test: waa baadhitaan lagu sameeyo dhiiga qofka laguna ogaado in qofku qabo caabuqa Qaaxada, walow baadhitaankani uuna kala saari karin in qofku qabo Qaaxo kacsan iyo Qaaxo huruda. Baadhitaankani wuxuu si la isku halayn karo u cabiraa inta ay tiro le-egyihiin lid-jirka uu jidhku u sameeyey la dagaalanka bakteeriyada keenta Qaaxada.

Dawooyinka Qaaxadu waa isoniazid (INH), rifambin (RIF), pyrainamide (PZA), ethambutol (EMB), iyo streptomycin. Waa in dhakhtarku go’aamiyaa dawooyininka la siiyanyo bukaanka. Dawada INH waxay dhaawici kartaa dareen-sideyaasha (nerves) ka baxsan habdhiska dareenka (maskaxda iyo xangulaha). Dhaawacaas waxaa loo yaqaan “peripheral neuropathy”. Si loga hortago in dareen-sideyaashaas aan dhaawac soo gaadhin, waa in bukaanku la qaato faytamiinka B6 ddawada INH.  Mudada la qaadanayano dawooyinka Qaaxadu waxay socotaa 6 ilaa 12 bilood. Haddii bukaanku qabo cuduro kale sida HIV, daaweyntu waxay socotaa mudo intaas ka dheer. Waa muhiim in bukaanku raaco talooyinka uu dakhtarku ka bixiyey sida uu u qaadanayo dawada. Waa in bukaanku dhamaysto dawada loo qoray, haddii kale caabuqu si dhamaystiran uma dawoobayo. Waxaana suurtogal ah in haddii bukaanku dawada dhamaysan waayo in bakteeriyadu ay noqoto mid aan u nugleyn dawooyinka antaybayootikada ee Qaaxada, taas oo macnaheedu tahay in ayba adkaato in caabuqa la daweeyo.