Caabuqa Teetanada: Tetanus
Teetanadu waa caabuq ay keento bakteeriyada Clostridium tetani oo ah bakteeriyo dheecaan sun ah (exotoxin) kusii daysa jidha dhexdiia, islamarkaana kojisa ama turuqda murqaha bukaanka
Murqaha oo xanuun iyo kogid yeesha, taas oo sababta in xubno badani tig-tigmaan, gaar ahaan daamanka, luqunta iyo dhabarka.
Marka ay bakteeriyada caabuqa keentaa gasho jidhka qofka, waxay ku qaadataa in ay caabuqa dhaliso oo calaamadaha caabuqu soo if-baxaan 1 maalin ilaa dhowr bilood gudahood, cel-celis ahaana waa 3 ilaa 21 maalmood.
Caabuqa teetanadu ma aha cudur dadku kala qaadaan. Laakiin qofka aan ka talaalayn cudurku halis ayuu ugu jiraa inuu qaado cudurka, sababtoo ah bakteeriyada Clostridium tetani waxay ku nooshahay oo ka buuxdaa deegaanka, sida ciidda iyo walxaha wax muda dushooda. Sidaa daraadeed, haddii qofka dhaawac gaadho ama walax (bir, mindi, qori, ciddi, iwm) aan nadiif anahayi ay muddo, bakteeriyadu si fudud bay ku geli kartaa jidhka oo caabuq u dhalin kartaa.
Hooyada uurka leh ee aan cudurka ka talaalayn iyo ilmuhuba halis ayay ugu jiraan cudurka teetanada xiliga ilmuhu dhalanayo haddii mandheerta lagu gooyo mindi aan nadiif ahayn; ama umulisadu aanay gacmaha iskaga dhiqin biyo iyo saabuun marka ay taabanayso xudunta ilmaha; ama dhar aan nadiif ahayni taabtaan xudunta ilmaha. Teetanada ku dhacda ilmaha xiliga uu dhalanayo waxaa la yidhaahdaa “infant tetanus” ama teetanada ilmaha, waana mid aad khatar u ah.
Si looga hortago in caabuqu ku dhaco qofka waa in la raacaa taxadarada soo socda:
Shaqaalaha caafimaadka ee daryeelaya qofka jirani waa inay u hogaansanaadaan taxadaka guud ah (standard precautions): waa inay si joogto ah gacmaha isaga dhaqaan, gaar ahaan ka hor inta aanay taaban qoka jiran am agagaarkiisa, iyo ka bacdi marka ay taabtaan qofka jiran ama agagaarkiisa.
Sida ugu wanaagsan oo teetanada looga hortegi karo waa in ilmaha loo dhamays tiro talaalka taxanaha ah ee DTAP (diphteria, tetanus and pertussis) oo ka hortaga cudurada gawracatada, teetanada iyo xiiq-dheerta. Talaalkan taxanaha ah waxaa ilamaha lagu bilaabaa makra uu jiro 6 asbuux, talaalka labaadna marka uu jiro 10 asbuuc, ka sadexaadna marka uu jiro 14 asbuuc. Intaa ka bacdi, ilmuhu ama qofku waa inuu 10kii sanoba mar qaataa talaalka DTAP.
In bukaanku qabo caabuqa Teetanada waxaa lagu ogaan karaa haddii ay ka soo if-baxaan calaamadaha kor ku xusan. Sidaas darteed, muhiim maaha in la sameeyo baadhitaan shaybaareed.
Teetanada waxaa lagu daweeyaa dawada ‘tetanus globulin (TIG)’ oo ah irbad qofka lagu mudo, ama ‘tetanus antitoxin’ oo ah faleebo, ama ‘metronidazole’ oo iyana ah faleebo.