Caabuqa Xiiqdheerta: Pertussis

Xiiqdheerta waxaa keena bakteeriyada Bordetella pertussis, waana caabuq dilaa ah oo inta badan ku dhaca hab-dhiska neefsashada ee dhalaanka iyo caruurta. Waxaa kaloo jira cudur la mid ah xiiqdheerta oo la yidhaaho xiiqdheer-u-eg (parapertussis) oo ay keento bakteeriyada Bordetella parapertussis. Xiiqdheer-u-egtu way ka sahlan tahay Xiiqdheerta.

  • Duuf
  • Cabudh
  • Indhaha oo casaada oo ilmeeya
  • Xumad
  • Qufac
  • Waxaa dhici karta in qufacu ka sii daro oo kix iyo xiiq aad u dheer yeesho 1 ilaa 2 usbuuc gudahood. Qufacaasi wuxuu horseedi karaa in canugu ama qofku matago, aad u daalo, oo midabka wejigiisu isu bedelo guduud ama buluug. Qufacaasi wuxuu canuga ama qofka hayn karaa 1 ilaa 2 bilood.

Marka ay bakteeriyada caabuqa keentaa gasho habdhiska neefsashada ee qofka, waxay ku qaadataa in ay caabuqa dhaliso oo calaamadaha caabuqu soo if-baxaan 6 ilaa 20 maalmood gudahood.

Caabuqa waxaa lagu kala qaadaa habka dhibic ku-faafka: marka bukaanku uu hindhiso am qufaco waxaa afkiisa iyo sankiisa ka soo baxa dhibco qoyan oo wata caabuq-keenaha. Haddii dhibcahaasi ay ku dhacaan xuub-xabeedka afka, indhaha, ama sanka dadka u dhow bukaanka, caabuq-keenuhu sidaas ayuu ugu gudbi karaa dadka. Waxaa kale oo caabuqa la isugu gudbin karaa marka dhibcaha ka soo baxa afka iyo sanka qofka jirani ay ku dhacaan agagaarkiisa. Kabacdina dadku taabtaan bii’addaas caabuq-keenuhu wasakheeyey oo dabadeedna iyaga oo aan gacmaha iska dhiqin taabtaan wejigooda, caabuq-keenuhu sidaas ayuu jidhkooda ku geli karaa oo caabuqa ku dhalin karaa.

Marka bukaanka lagu daryeelayo xarun caafimaad ama cusbitaal waa in la raacaa taxadarada soo socda:

  • Waa in bukaanka la jiifiyaa qol u gaara ama meel gaar ah oo la geilyaa soocidda dhibic ku-faafka iyo taxadarada guud.
  • Shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada dhibic ku-faafka (Droplet Precautions).
    1. Shaqaalaha caafimaadku waa in ay xirtaan maaska soocidda “isolation mask” marka ay gelayaan qolka bukaanka.
    2. Shaqaalaha caafimaadka waa inay iska bixiyaan maaska soocidda marka ay ka baxayaan qolka bukaanka oo ay ku ridaan haanta qashinka.
    3. Shaqaalaha caafimaaku waa inay u hogaansanaadaan xeerka nadiifinta gacmaha oo ay gacmahooda nadiifiyaan marka ay gelayaan qolka, ka baxayaan qolka, taabtaan agagaarka bukaaanka, gacmahooda ku arkaan wasakh, ama samaynayaan shaqo ka madhan caabuq-keene.
    4. Qolka bukaanka iyo qalabka dhexyaala waa in si joogto ah oo buuxda loogu nadiifiyaa milanka nadiifinta ee dili kara bakteeriyada keenta caabuqa. Si gaar ah waa in loo nadiifiyaa meelaha ay gacmuhu sida joogtada ah u taabtaan sida  handaraabka albaabka, halka nalka laga daaro ama laga demiyo, iwm.
    5. Si bukaanku aanu caabuq-keenaha ugu faafin xarunta caafimaad, waa in la yareeyaa in bukaanku ku dhex warwareego ama ku dhex socdo cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa

Marka uu ilmunu ama bukaanku si toos ah 5 maalmood u qaato dawada antaybayootikada ah ee loo qoray ayaa laga saari karaa soocidda. 

Sida ugu wanaagsan ee bulshadu caabuqa uga hortegi karto waa in caruurta loo dhamays tiro talaalka taxanaha ah ee DTP (diphteria, tetunus and pertussis) oo ka hortaga caabuqyada Gowracatada, Teetanada iyo Xiiqdheerta. Talaalkan taxanaha ah waxaa ilamaha lagu bilaabaa makra uu jiro 6 todobaad, talaalka labaadna marka uu jiro 10 todobaad, ka sadexaadna marka uu jiro 14 todobaad. Intaa ka bacdi, ilmuhu ama qofku waa inuu 10kii sanoba mar qaataa talaalka DTP.

Sambal laga qaaday sanka ayaa laga baadhaa bakteeriyada Bordetella pertussis iyadoo la sticimaalyo habka korinta bakteeriya am ‘culture’. Waxaa kaloo sambalkaas laga soo qaaday sanka laga baadhi karaa DNA-da bakteeriyada iyadoo la isticmaalayo habka PCR-ka. Waxaa kaloo la isticimaali karaa habka ‘serology’ oo ah in dhiigga bukaanka laga baadho lid-jirka bakteeriyada Bordetella pertussis.

Caabuqa xiiqdheerta waxaa lagu daweeyaa antibayootikdada la yidhaahdo Erythromycin.