Taxadarada guud waa xeelado saldhig u ah ka hortagga in cudurku ku dhaco shaqaalaha caafimaadka iyo bukaan-jiifkaba. Waana xeelado ay muhiim tahay in shaqaalaha caafimaadku ay raacaan markasta oo ay daryeelayaan qof kasta oo buka ama xanuunsanya. Shardi ma aha in bukaajka la daryeelayaa uu qobo cudur faafa. Xeeladahan waxaa ka mid ah:
- In marka ay muhiim tahay ay shaqaalaha caafimaadku xidhaan qalabka la iskaga difaaco cudurada ee loo yaqaan Personal Protective Equipment (PPE).
- Shaqaalaha caafimaadka oo si joogto ah gacmaha u maydhaan marka ay daryeelayaan bukaan-jiifka. Muhiimada ay leedayay gacmaha oo la maydho waxaynu si qotodheer ugaga hadli doonaa qormada gacmo dhiqidda.
- Irbadaha iyo qalabka kale ee fiiq-fiiqan ee lagu daryeelo bukaan-jiifku waxay mudi karaan oo cudurada dhiig-ku-faafka u gudbin karaan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaankaba. Sidaa darteed waa in irbadaha iyo qalabka fiiq-fiiqan loo isticimaalo sida loogu talo galay, islamarkaana lagu tuuro meel qashin-qub ah (sharps container) oo leexsan oo aan halis gelinayn shaqaalaha iyo dadka intiisa kale.
- Nadiifinta qalabka iyo qolka lagu daryeelayo bujaanka, ayaa iyana ka mid ah taxadaraka guud.
- Waa in bukaanka iyo dadka booqanaya lagu baraarujiyaa muhiimda gacmo nadiifinta.

