Category Xanuuno

Caabuqa Xiiqdheerta: Pertussis ​

Xiiqdheerta waxaa keena bakteeriyada Bordetella pertussis, waana caabuq dilaa ah oo inta badan ku dhaca hab-dhiska neefsashada ee dhalaanka iyo caruurta. Waxaa kaloo jira cudur la mid ah xiiqdheerta oo la yidhaaho xiiqdheer-u-eg (parapertussis) oo ay keento bakteeriyada Bordetella parapertussis.…

Caabuqa Teetanada: Tetanus​

Teetanadu waa caabuq ay keento bakteeriyada Clostridium tetani oo ah bakteeriyo dheecaan sun ah (exotoxin) kusii daysa jidha dhexdiia, islamarkaana kojisa ama turuqda murqaha bukaanka Calaamadaha lagu garto caabuqa Teetanada Murqaha oo xanuun iyo kogid yeesha, taas oo sababta in…

Caabuqa Tayfoodhka: Typhoid​

Tayfoodhku waa caabuq halis ah oo ay keento bakteeriyada Salmonella typhi, gaar ahaan noocyadeeda I ilaa VI. Tayfoodhku wuxuu saameeyaa jidhka oodhan, wuxuuna caabuq ku ridaa caloosha iyo mindhicirada iyo mar-marka qaar dhiiga.  Waxaa jira caabuq u eg Tayfoodhka (laakiin ka…

Caabuqyada Shubanka: Diarrheal Diseases ​

Caabuqyada  shubanka waxaa keena caabuq-keeneyaal badan oo bakteeriyo, fayras iyo fungus ah kuwaas oo caabuq ku sameeya habdhiska dheefmareenka sida mindhicirka yar iyo kan weyn. Fayraska Rotavirus iyo bakteeriyada Escherichia coli ayaa ah caabuq-keeneyaasha inta badan keena shubaka ku dhaca…

Caabuqa Shingelis: Shingles ​

Shingelis waaxaa keena fayraska varicella-zoster virus (VZV) oo ah fayraska keena busbuska. Marka qofku ka bogsoodo busbus, fayraska varicella-zoster wuxuu ku negaadaa oo mudo dheer ku sii jiraa unugyada dareen-sideyaasha ee dorsal root ganglia ee ku taxan laf-dhabarta oo ah…

Caabuqa Qoorgooyaha: Meningitis ​

Caabuqa Qoorgooyuhu wuxuu ku dhacaa oo barar-caabuq ku sameeyaa dheecaanka iyo sadexda xuub oo loo yaqaan meninges ee kor kaga dahaadhan maskaxda iyo xangulaha dhexmara laf-dhabarta. Caabuqa Qoorgooyaha waxaa keena noocyo kala duwan oo caabuq-keeneyaal ah sida bakteeriyo, fayras, fangi,…

Caabuqa Qaaxada: Tuberculosis​

Qaaxada waxaa keenta bakteeriyada Mycobacterium tuberculosis (MTB). Qaaxadu waxay inta badan ku dhacdaa sambabada, waloow mar-marka qaarna ay ku dhacdo xubno kale sida dhuunta, qanjidhada, maskaxda, kelyaha iyo lafaha. Sanadii 2012 ilaa 2 bilyan oo qof oo ka mid ah…

Caabuqa Qaamowqashiirka: Mumps​

Caabuqa Qaamowqashiika waxaa keena fayraska loo yaqaan Mumps virus oo ka tirsan qoyska Paramyxoviridae ee genus-ka Rubulavirus.  Fayraska caabuqan keenaa wuxuu haleelaa qanjidhada calyada ee loo yaqaan ‘parotid glands’. Caabuqu wuxuu ku dhacaa caruurta iyo dadka waaweyn labadaba. Calaamadaha Qaamowqashiirka:…