- Daliilaha astaamaha
- duumo lagu yaqaan waa
- qandho diiran oo kulul
- dab ah oo fil-daran iyo
- dhidid daad la moodo
- dangaraarro xanuunkana
- madaxu uu dawakhan yahay
- jidhka oo damqada iyo
- lalabada dekeysiyo
- daal iyo hunqaacada.
- Inta dulin Plasmodium
- dhex degaayo beerkee
- ku dabaasho dhiigee
- doox dooxo unugyada
- diirkoodu dhiin yahay
- dadqalatada kaneecadu
- miciyaha dux iyo dhiig
- dulinka iyo jeermiska
- sida daw walwaaleed
- dowliska u ridatee
- dabadeed la duushee
- qof kaloon dareen qabin
- dusha kaga istaagtee
- dalooliso jidhkiisee
- dulinka iyo jeermiska
- duumo hooya leedahay
- durug cudurku oo faaf
- da’yar iyo ciroolana
- daluumaha ka buuxi
- inta doogta een dhiman
- duunyada ka madhiyoo
- caydh daadafee.
- Dowlad iyo dadweynoow
- qorshe lagu dagaal galo
- duumo cidhibtirkeeda ah
- doodeedu waxay tahay
- kaneecadoo la dabar jaro
- degelada jidhaamaha
- webiyada darkoodiyo
- biyo degan dhul hoose
- waa degaan kaneeciyo
- dalsan ay ka faafto e
- duulaan ku qaadoo
- dabar gooya gebigeed.
- Dood kale waxay tahay
- qorax degeysa
- Habeen dumeya
- ilaa waagu daalaco
- dakanada kaneecada
- iyo dadka ay cuntaa
- dersin wuu ka badan yee
- duxda hadalku waxay tahay
- dharka darafka dheer ee
- jidhka wada dabooliyo
- dugsi marakaneeco leh
- dadku ha isku qariyeen.
- Dood kale waxay tahay
- ruux duumo hayso
- baadhitaan deg-dega oo
- shaybaarku daahfuro iyo
- dawo caafimaad oo
- daliilaha ku jaan go’an
- waa in lagu daryeelaa
- daa’in ha idin daayee




