Maansada Oofwareen​

  • Oof-wareenka oofwareen
  • oofwareen aafadiisu
  • irridaha albaabada iyo
  • ibaha sambabada ee
  • oksijiinta laga hago
  • baa ugxantiisu taalaa.
  • Marka ruuxu aah iyo
  • qufac uubateeyana
  • axalka iyo xaakada
  • aarmiga bacteeriya
  • oogada ka marayaan
  • afka uu ka tuuraa.
  • Xumad ololaysoo daran
  • dhidid oodda laga rogay
  • astaamaha lalabadana
  • uurku laba-kacleeyaa
  • mantag lagu asqeeyaa
  • umalka iyo xanuunka
  • ashqaraar la daalaa
  • haddii amar yimaadana
  • Shuban lagu abuuraa.
  • Streptococcus pneumoniae
  • Ifilo virus iyo fungi
  • Iyo uun kaloo badan baa
  • Oof-wareenka keenoo
  • awoowe iyo ayeeyo
  • ubax soo kacaaya iyo
  • ilmaha iyo caruur badan
  • ajashooda sababoo
  • ifka ay ka qariyaan.
  • Abla-ablaynta cudurka
  • il-xumo iyo iil-dhiggiisa
  • Ilaalinta faafidiisa ee
  • umad lagu badbaadshaa
  • arinteedu waxay tahay
  • irbadaha talaalka oo
  • idilkood la qaataa.
  • Arin kale waxay tahay
  • aaladaha wax baadha iyo
  • X-ray iyo khashaafad
  • axalka iyo xaakada oo
  • lagu eego sheybaar.
  • arin kale waxay tahay
  • antibioticis la qoro oo
  • aarmiga bacteeriya
  • aamusiisa gebigeed.
  • Arin kale waxay tahay
  • aqalka iyo hooyga
  • aabe iyo hooyo iyo
  • ubad uu ku nool yahay
  • uskag hawo diqowda iyo
  • air-pollution yuu jirin.
  • Arin kale waxay tahay
  • qofka Oof-wareenmow
  • asluubta qufaca iyo
  • anshaxeeda hindhisada
  • ha iloobin weligaa.
  • Arin kale waxay tahay
  • ururka caafimaadkee
  • Oof-wareen daweeya iyo
  • X-ray mid qaadow
  • intaan cudurku kuu iman
  • aabudh shareerka mask
  • afka iyo sankaba xidho.
Mohamed Abdi
Mohamed Abdi
Articles: 40

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *