Maansada Qoorgooye​

Waa maanso ka hadleysa xanuuunka qoorgooye waa maaanso cajiiba oo aad ka faaideyso wax badan

  • Haddii Cudurka qoorgooye
  • qadaadka iyo madaxa iyo
  • qayd-xuubeedka maskaxda iyo
  • xangulaha qabsado oo
  • xiska uu qas geliyoo
  • qandho iyo gariir iyo
  • qiyaamka aad ka diidoo
  • luquntuna qalaxan tahay
  • qaadirada lulada iyo
  • dheefta ood qaadan weydaa
  • qiil-qiil ku geliyaan
  • qaflad weeye cudurku ye
  • haddaan qaadir kaa kicin
  • dadkuna quus la ooyaan
  • xaalku wuu qariban yahay
  • qodan iil xabaaleed.
  • Haddii nolosha qaar iyo
  • qurus uu ka sii hadhay
  • qofkii aan la daaweeyn
  • daryeel qaado lagu odhan
  • wuxuu qoolka ugu jiri
  • fayras qaybo badan iyo
  • bakteeriya qudh-goyso ah
  • qahar raaga dhalisoo
  • lugahana qalalisoo
  • qolalka maanka garashada
  • qarbudda oo hagaasisa.
  • Hadal lama qadhaadhshee
  • qorshe lagu badbaadoo
  • quman oo badhaadhe leh
  • qowlkiisu wuxu yahay
  • intaan cudurku qarax iyo
  • qiiq kugu asqayan
  • Talaalkoo la qaataa.
  • Qolo-qolo bakteeriya
  • qaybaheeda Streptococcus
  • Neisseria qaab-labaaleey
  • Hemaphillius qoyska ay tahay
  • Iyo qaar kaloo badani
  • waxa ay ka quutaan
  • qoor-goynta aadmiga
  • qalinka ugu duugeen
  • qaaradaha dunidee
  • caafimaad quruumeed
  • aanu qotada dheerayn
  • qoraxduna ka jiifto
  • qarbigaa Itoobiya
  • ilaa qoorri Senegaal  
  • Qaryooyinkaa ku teedsani
  • waa jeermis qabad.
  • Dhakhtarada wax qala ee
  • sii-es-efka qaada iyo
  • marka neeftu qabotana
  • qardajeexa dhuuntow
  • qoyska iyo qaraabada
  • qof xanuunsanaayoo
  • qoor-gooye soo riday
  • qaaddo iyo fandhaal iyo
  • qado iyo quraac iyo
  • la wadaagay qolalkow
  • feejignaanta qaa’iba
  • cudurku waa qiyaame e.
  • Neisseria qaab-labaaley
  • qaabilkeedu wuxuu yahay
  • hadii dhakhtarku kuu qoro
  • qaadashada Profolaaksisya.
  • Qabla kula sheey’ina
  • qofka xanuunsan daawee

Mohamed Abdi
Mohamed Abdi
Articles: 40