Maansada – Shuban​

Waa maanso ka hadleysa xanuuunka shubanka waa maaanso cajiiba oo aad ka faaideyso wax badan waxayna leedahay

  • Shuban waa xanuun fida
  • ruuxa uu shideeyaa
  • sida shay dalooshamay
  • saxarad shuruuruq leh
  • marna dhiig shulaha dhigay
  • dabadaa ka shubayee
  • fuuq-baxa la shiiqmee
  • bogga shiidmey la casiran 
  • sida shaag la buufiyey
  • calooshuna shidhowdee
  • Sharaarad iyo xumadana 
  • shalay kii la dhalay iyo
  • shabaabka iyo ciroolaha
  • ruuxa aan ka shaafiyin
  • shiikhu uu gunaanado
  • shafka iilka loo dhigo.
  • Intaas oo naf sharaf badan
  • waxa sheelayee dili
  • waa jeermis shayb badan
  • Shiggella waa bakteeriya
  • Daacuun shil badan oo
  • shuf ka siiya beel idil
  • sharka iyo dhibaatada
  • Salmonella shidaysiyo
  • C diff oon shaki lahayn
  • shebekeda mindhicirada
  • Sun inay ku shaaciso oo
  • shurufta iyo caabuqa
  • Sharqiga iyo qarbiga iyo
  • shanta qaaradood
  • shan milyani u lee’daan.
  • Shaqaalaha caafimaadkiyo
  • shacabka iyo dadweynoow
  • sida lagu shir-qoolee
  • shakaal loogu xidho ee
  • shalow looga tuuree
  • shubanka looga reeyaa
  • shardigeedu wuxuu yahay
  • shanshada gacmaha iyo
  • shanta faraha dhiqidood
  • markaad shaqo geleysee
  • shaqsi xanuunsan daaweyn
  • markaad shaah cabaysio
  • markaad shish-kebaab cuni
  • markaad shuqulka suuliga
  • shower iyo xaajo gudatoba
  • Marka sheefka iyo kuug
  • shiilshiilayaan hilib
  • marka shuqul caruureed
  • shaadhka iyo xafaayadda
  • laga saaro Shire yare.
  • Shardi kale wuxuu yahay
  • qashinkoo la shido oo
  • shisheyn iyo fogeyn iyo
  • sheed dheer la geeyo 
  • shacniga iyo nadaafadu
  • shay mahuuma weeyaan.
  • shardi kale wuxuu yahay
  • biyo webi shabeele iyo
  • Shaxda baraagaheedii
  • Shangale oo buuxsamay
  • Shiikh iyo Shalaanbood
  • Shululux ceelasheedii
  • shacabku uu ka dhaansado
  • shamis iyo dab kulul iyo
  • shaando jeermis reebtiyo
  • shebeg bahal ka celiya
  • waa in lagu shareeraa
  • shuban ha inna daayee
  • Shardi kale wuxuu yahay
  • shaxda kalgalka curiyeyaal
  • Zink sharoobo lagu daray
  • shurbad iyo bariis cad
  • sharaab cusbo iyo sonkor
  • Alle shaa’a yidhi baa
  • shifo caafimaad iyo
  • shashafo iyo ladnaanba leh
Mohamed Abdi
Mohamed Abdi
Articles: 40