Waa maansooyin qayaxan oo ka hadlaya qaar ka mid ah cudurada faafa. caabuq-keeneyaasha, calaamadaha caabuqa, dhibaatooyinka cudurada faafa ee inta badan ku dhaca Soomaalida, iyo xeeladada lagaga hortegi karo cuduradan faafa.
Maansada Qaaxo
Qiimaynta cudurada
qaaxadaa ka kow ahe
qisadeedu waxay tahay
qufac aan dhamaanayn
qiyaastii usbuucyo ah
qandhada iyo xumad iyo
qadh-qadhyo iyo daal.
Marka leylku qaydmee
qamarkiyo xidiguhuna
cirka qaab u yeelaan
qarawgiyo hurda dheer
naftu qaado-dhigaysana
dhidid soo qulqulayoo
jidhka qooynayaa jira
qaaxo gaar u leedahay.
Ruuxii qurxoonaa
quwad iyo awood lahaa
caato iyo qalayl noqoy
halka laga qaniinee
qalfoofta iyo lafaha baday
qiil iyo jid loo waa.
Dheefta oo la quudhsado iyo
cunto laga qatoobana
qaaxaa u sababoo
waa cudur qudh-gooyoo
qaaradaha dunidana
malaayiin qabriga dhiga.
Balaayiin qoslaayoo
quman oon siloonayn
noloshooda qiiqsada
qarsoodi bay u haysaa.
Qoorriga Hindiya iyo
Qarnigaa Ifriiqiya
qalcado ayay ku leedahay
ka qadhaabataa weli.
Cisbitaalka qarankiyo
dhakhtarada wax qala iyo
ka quraan cashariyiyo
ka qashaafad saariyo
shaybaar xaako qaadow
hadal qaaya weynoo
quman oo ujeedo leh
qalin aan ku duugnee
qorshe lagu badbaadaa
qisadiisu waxay tahay
qof xanuunsanaayoo
qaaxo keento TB
sambabada qodaysoo
qux-quxda iyo neefsiga
xaako dhiig leh qubayaa
qolka lagu daryeelo
hawaadiisa qiiq iyo
jeermis baa qulqulayee
sanka iyo afkaba qari
mask N-95 ku qoofalo.
Qorshe kale wuxuu yahay
baadhitaan qub-dheer iyo
dawo lagu qaboowsado
dhamaanteed la qaataa
quman oo la siiyaa.
Qorshe kale wuxuu yahay
qaraabada la dhalatiyo
intuu qado la cunay iyo
qoyskiisa oo idil
halis bay u qoran yihiin
qaaxo inay haleesho e
rajo lagama quustee
kii nasiibku qadiyee
calaamadaha qaaxadu
iska soo qadimayaan
qol u gaara jiifshoo
qorshahaynu soo nidhi
isagana ku qaabila
qaadir ha idin daayee
Maansada Oofwareen
Oof-wareenka oofwareen
oofwareen aafadiisu
irridaha albaabada iyo
ibaha sambabada ee
oksijiinta laga hago
baa ugxantiisu taalaa.
Marka ruuxu aah iyo
qufac uubateeyana
axalka iyo xaakada
aarmiga bacteeriya
oogada ka marayaan
afka uu ka tuuraa.
Xumad ololaysoo daran
dhidid oodda laga rogay
astaamaha lalabadana
uurku laba-kacleeyaa
mantag lagu asqeeyaa
umalka iyo xanuunka
ashqaraar la daalaa
haddii amar yimaadana
Shuban lagu abuuraa.
Streptococcus pneumoniae
Ifilo virus iyo fungi
Iyo uun kaloo badan baa
Oof-wareenka keenoo
awoowe iyo ayeeyo
ubax soo kacaaya iyo
ilmaha iyo caruur badan
ajashooda sababoo
ifka ay ka qariyaan.
Abla-ablaynta cudurka
il-xumo iyo iil-dhiggiisa
Ilaalinta faafidiisa ee
umad lagu badbaadshaa
arinteedu waxay tahay
irbadaha talaalka oo
idilkood la qaataa.
Arin kale waxay tahay
aaladaha wax baadha iyo
X-ray iyo khashaafad
axalka iyo xaakada oo
lagu eego sheybaar.
arin kale waxay tahay
antibioticis la qoro oo
aarmiga bacteeriya
aamusiisa gebigeed.
Arin kale waxay tahay
aqalka iyo hooyga
aabe iyo hooyo iyo
ubad uu ku nool yahay
uskag hawo diqowda iyo
air-pollution yuu jirin.
Arin kale waxay tahay
qofka Oof-wareenmow
asluubta qufaca iyo
anshaxeeda hindhisada
ha iloobin weligaa.
Arin kale waxay tahay
ururka caafimaadkee
Oof-wareen daweeya iyo
X-ray mid qaadow
intaan cudurku kuu iman
aabudh shareerka mask
afka iyo sankaba xidho.
Maansada Duumo
Daliilaha astaamaha
duumo lagu yaqaan waa
qandho diiran oo kulul
dab ah oo fil-daran iyo
dhidid daad la moodo
dangaraarro xanuunkana
madaxu uu dawakhan yahay
jidhka oo damqada iyo
lalabada dekeysiyo
daal iyo hunqaacada.
Inta dulin Plasmodium
dhex degaayo beerkee
ku dabaasho dhiigee
doox dooxo unugyada
diirkoodu dhiin yahay
dadqalatada kaneecadu
miciyaha dux iyo dhiig
dulinka iyo jeermiska
sida daw walwaaleed
dowliska u ridatee
dabadeed la duushee
qof kaloon dareen qabin
dusha kaga istaagtee
dalooliso jidhkiisee
dulinka iyo jeermiska
duumo hooya leedahay
durug cudurku oo faaf
da’yar iyo ciroolana
daluumaha ka buuxi
inta doogta een dhiman
duunyada ka madhiyoo
caydh daadafee.
Dowlad iyo dadweynoow
qorshe lagu dagaal galo
duumo cidhibtirkeeda ah
doodeedu waxay tahay
kaneecadoo la dabar jaro
degelada jidhaamaha
webiyada darkoodiyo
biyo degan dhul hoose
waa degaan kaneeciyo
dalsan ay ka faafto e
duulaan ku qaadoo
dabar gooya gebigeed.
Dood kale waxay tahay
qorax degeysa
Habeen dumeya
ilaa waagu daalaco
dakanada kaneecada
iyo dadka ay cuntaa
dersin wuu ka badan yee
duxda hadalku waxay tahay
dharka darafka dheer ee
jidhka wada dabooliyo
dugsi marakaneeco leh
dadku ha isku qariyeen.
Dood kale waxay tahay
ruux duumo hayso
baadhitaan deg-dega oo
shaybaarku daahfuro iyo
dawo caafimaad oo
daliilaha ku jaan go’an
waa in lagu daryeelaa
daa’in ha idin daayee o
Maansada Shuban
Shuban waa xanuun fida
ruuxa uu shideeyaa
sida shay dalooshamay
saxarad shuruuruq leh
marna dhiig shulaha dhigay
dabadaa ka shubayee
fuuq-baxa la shiiqmee
bogga shiidmey la casiran
sida shaag la buufiyey
calooshuna shidhowdee
Sharaarad iyo xumadana
shalay kii la dhalay iyo
shabaabka iyo ciroolaha
ruuxa aan ka shaafiyin
shiikhu uu gunaanado
shafka iilka loo dhigo.
Intaas oo naf sharaf badan
waxa sheelayee dili
waa jeermis shayb badan
Shiggella waa bakteeriya
Daacuun shil badan oo
shuf ka siiya beel idil
sharka iyo dhibaatada
Salmonella shidaysiyo
C diff oon shaki lahayn
shebekeda mindhicirada
Sun inay ku shaaciso oo
shurufta iyo caabuqa
Sharqiga iyo qarbiga iyo
shanta qaaradood
shan milyani u lee’daan.
Shaqaalaha caafimaadkiyo
shacabka iyo dadweynoow
sida lagu shir-qoolee
shakaal loogu xidho ee
shalow looga tuuree
shubanka looga reeyaa
shardigeedu wuxuu yahay
shanshada gacmaha iyo
shanta faraha dhiqidood
markaad shaqo geleysee
shaqsi xanuunsan daaweyn
markaad shaah cabaysio
markaad shish-kebaab cuni
markaad shuqulka suuliga
shower iyo xaajo gudatoba
Marka sheefka iyo kuug
shiilshiilayaan hilib
marka shuqul caruureed
shaadhka iyo xafaayadda
laga saaro Shire yare.
Shardi kale wuxuu yahay
qashinkoo la shido oo
shisheyn iyo fogeyn iyo
sheed dheer la geeyo
shacniga iyo nadaafadu
shay mahuuma weeyaan.
shardi kale wuxuu yahay
biyo webi shabeele iyo
Shaxda baraagaheedii
Shangale oo buuxsamay
Shiikh iyo Shalaanbood
Shululux ceelasheedii
shacabku uu ka dhaansado
shamis iyo dab kulul iyo
shaando jeermis reebtiyo
shebeg bahal ka celiya
waa in lagu shareeraa
shuban ha inna daayee
Shardi kale wuxuu yahay
shaxda kalgalka curiyeyaal
Zink sharoobo lagu daray
shurbad iyo bariis cad
sharaab cusbo iyo sonkor
Alle shaa’a yidhi baa
shifo caafimaad iyo
shashafo iyo ladnaanba leh
Maansada Qoorgooye
Haddii Cudurka qoorgooye
qadaadka iyo madaxa iyo
qayd-xuubeedka maskaxda iyo
xangulaha qabsado oo
xiska uu qas geliyoo
qandho iyo gariir iyo
qiyaamka aad ka diidoo
luquntuna qalaxan tahay
qaadirada lulada iyo
dheefta ood qaadan weydaa
qiil-qiil ku geliyaan
qaflad weeye cudurku ye
haddaan qaadir kaa kicin
dadkuna quus la ooyaan
xaalku wuu qariban yahay
qodan iil xabaaleed.
Haddii nolosha qaar iyo
qurus uu ka sii hadhay
qofkii aan la daaweeyn
daryeel qaado lagu odhan
wuxuu qoolka ugu jiri
fayras qaybo badan iyo
bakteeriya qudh-goyso ah
qahar raaga dhalisoo
lugahana qalalisoo
qolalka maanka garashada
qarbudda oo hagaasisa.
Hadal lama qadhaadhshee
qorshe lagu badbaadoo
quman oo badhaadhe leh
qowlkiisu wuxu yahay
intaan cudurku qarax iyo
qiiq kugu asqayan
Talaalkoo la qaataa.
Qolo-qolo bakteeriya
qaybaheeda Streptococcus
Neisseria qaab-labaaleey
Hemaphillius qoyska ay tahay
Iyo qaar kaloo badani
waxa ay ka quutaan
qoor-goynta aadmiga
qalinka ugu duugeen
qaaradaha dunidee
caafimaad quruumeed
aanu qotada dheerayn
qoraxduna ka jiifto
qarbigaa Itoobiya
ilaa qoorri Senegaal
Qaryooyinkaa ku teedsani
waa jeermis qabad.
Dhakhtarada wax qala ee
sii-es-efka qaada iyo
marka neeftu qabotana
qardajeexa dhuuntow
qoyska iyo qaraabada
qof xanuunsanaayoo
qoor-gooye soo riday
qaaddo iyo fandhaal iyo
qado iyo quraac iyo
la wadaagay qolalkow
feejignaanta qaa’iba
cudurku waa qiyaame e.
Neisseria qaab-labaaley
qaabilkeedu wuxuu yahay
hadii dhakhtarku kuu qoro
qaadashada Profolaaksisya.
Qabla kula sheey’ina
qofka xanuunsan daawee