Cagaarshow: Hepatitis ​

Cagaarshow: Hepatitis ​

Cagaarshowgu waa caabuq-barar ku dhaca beerka, waxaana keena caabuq-keeneyaal fayrasyo ah. Marka la eego noocyada cagaarshowga, waxaa ugu badan sadex nooc oo ay keenaan fayrasyada loo yaqaan Hepatitis A Virus (HAV), Hepatitis B Virus (HBV), iyo Hepatitis C Virus (HCV). Sadexdaas nooc ayaynuna mid mid u sharixi doonaa:

Cagaarshowga A

Abla-ableynta cudurada

Cagaarshowga A oo uu keeno fayraska Hepatitis A Virus waa caabuq si deg-deg ah u faafa. Fayrasku wuxuu caabuq-barar ku sameeyaa oo dhaawacaa beerka oo ah xubin muhiim u ah habdhisyo dhowr. Marka la eego abla-ableynta cudurada, Cagaarshowga A wuxuu ku badan yahay wadamada iyo bulshooyinka aan lahayn fayodhowr wanaagsan. Dadka ka safra wadamada hore u maray ee u safra wadamada soo korayaa waxay halis ugu jiraan in caabuqu ku dhaco. Sidoo kale, dadka derbi-jiifka ah iyo dadka ku nool xaafadaha faqiirka ah ee ku yaal wadamada hore u maray laftigoodu waxay halis ugu jiraan inuu ku dhaco caabuqu. Ragga u galmooda ragga iyo dadka daraagiistaha ah ee wadaaga irbada ay daraagga ku isticimaaleen ayaa iyana halis ugu jira in caabuqu ku dhaco.

Calaamadaha lagu garto caabuqa Cagaarshowga A

  • Joondhis (indhaha iyo jidhka oo midabka jaalaha ama hurdiga noqda)
  • Daal
  • Matag iyo lalabo deg-deg ah
  • Bog-xanuun, gaar ahaan halka ku beegan beerka
  • Saxaro u eg dhoobo
  • Kaadi hurdi tikh ah
  • Xumad hoose,
  • Jidhka oo cun-cun yeesha
  • Xubnaha kalagoysyada oo xanuun yeesha

Mudada ay ku qaadato in calaamadaha caabuqu soo if-baxaan

Marka fayraska Hepatitis A soo galo jidhka qofka, waxay ku qaadataaa in calaamadaha caabuqu soo if-baxaan inta u dhexaysa 15 maalmood ilaa 50 maalmood. Waxaase xusid muydan in calaamadu aanay dadka qaar ka soo if-bixin.

Sida uu u faafo Cagaarshowga A

Habka taabasho ku-faafka aan tooska ahayn ayay dadku inta badan ku kala qaadaan caabuqa. Tusaale ahaan:

  • Dadku waxay caabuqa qaadaan marka ay cabaan biyo ama cunaan cunto uu ku laban yahay fayraska Hepatitis A Virus.
  • Walax ama shay uu wasakheeyey fayrasku oo dadku taabtaan, dabadeedna iyaga oo aan gacmaha iska maydhin ay taabtaan afkooda ama diyaariyaan cunto iyo cabitaan ayaa iyana ah si kale oo caabuqu u faafo.
  • Qofka caabuqa qaba oo si dhow loola macaamilo (sida in lala wadaago weel, guri, etc.) ayaa iyana ah si kale oo loo kala qaado caabuqa.

Caafimaadka bulshada

  • Sida ugu wanaagsan ee looga hortegi karo caabuqu waa iyada oo la qaato talaalka HAV
  • Waa in bukaanka qaba caabuqa Cagaarshowga A laga ilaaliyo in uu cunto ama cabitaan u diyaariyo dadka kale.
  • Waa in dadku caadeystaan in ay gacmaha iskaga dhaqaan biyo iyo saabuun, gaar ahaan marka ay ka soo baxaan musqusha ama suuliga.
  • Waa in guud ahaan nadaafadda iyo fayodhowrk kor loo qaadaa.

Sida loo baadho Cagaarshowga A

Marka qofka ay ka soo if-baxaan calaamadaha joondhiska iyo kuwa kale ee caabuq-fayraseedka beerku ee tilmaanta u ah in qofku qabo caabuqa Cagaarshowga A ayaa waxaa laga qaadaa dhiig. Dhiigaas ayaa waxaa laga baadhaa:

  • Lid-jirka IgM oo muujiya in caabuqu uu qofka hadda hayo 
  • Lid-jirka IgG oo muujiya in caabuqu uu sadex todobaad iyo ka hor uu ku dhacay qofka
  • Maadada bilirubin oo haddii ay heerkeedu le’eg yahay ama ka sareeyo 3.0 mg/dl ayaa iynaa muujinaysa in caabuqu jiro
  • Dheecaanka beerka ee Alanine Aminotransferase (ALT) oo heerkiisu ka sareeyo 200 IU/L ayaa muujinaysa in caabuqu jiro

Sida loo daweeyo caabuqa Cagaarshowga A

Badanaa Cagaarshowga A sidiisa ayuu u bogsadaa oo malaha dawooyin u gaar ah. Haseyeeshee waxaa muhiim ah in la maareeyo dhibaatooyink caafimaad iyo calaamadaha caabuqa, tusaale ahaan:

  • Waa in bukaanka la nasiyaa si uu uga soo kabto daalka iyo xanuunka
  • Lalabada oo laga ilaaliyo bukaanka
  • Waa in bukaanku iska ilaaliyaa in uu qaato dawooyin, maadaama oo beerkiisu dhaawacan yahay. Beerku waa xubunta jidhka u qaabilsan in ay qashinka iyo hadhaaga dawooyinka ka sifayso dhiiga oo dabadeedna ku darto qashinsaarka sida kaadida.
  • Inkastoo inta badan dadka Soomaaliyeed aanay cabin khamri, hadana khamrigu iyo alkohooshu waxay sii dhaawici karaan beerka. Sida darteed waa in aan la cabin khamri ama alkohool.

Cagaarshowga B

Abla-ableynta cudurada

Cagaarshowga B waxaa keena fayraska Hepatitis B Virus, waana caabuq noqon kara mid kedis ah oo mudo yar qofka haya iyo mid jiitama oo qofka haya mudo dheer. Fayrasku wuxuu caabuq-barar iyo dhaawac ku ridaa beerka. Haddii aan qofka si deg-deg ah looga daweyna waxaaa suuroto gal ah in beerka uu soo gaadho dhaawac aan kasoo kabasho lahayn. Sidoo kale, haddii aan qofka laga daweyn caabuqu, waxaa beerka ku dhici kara cudurka kansarka. Ururka Caafimaadka Aduunku wuxu sheegay in qiyaastii 300 oo milyan oo qof oo ka mid ah dadweynaha aduunku ay qabeen Cagaarshowga B sanadkii 2019. Qiyaasii Ilaa 850 kun oo ka mid ah dadkaas ayaana isla sanadkaas u dhintay Cagaarshowga B. Dadaka halista ugu jira caabuqu waxa weeye:

  • Imaha ku jira uurka gabadh qabta Cagaarshowga B
  • Qofka u galmooda qof qaba Cagaarshowga B
  • Ragga u galmood ragga
  • Dadka daraagiistaha ah ee wadaaga irbadaaha ay ku isticimaalaan daraagga
  • Shaqaalaha caafimaadka ee daryeelaya bukaan qaba Cagaarshowga B

Calaamadaha lagu garto caabuqa Cagaarshowga B

  • Cunto ka go’id
  • Daal
  • Matag iy lalabo
  • Bog-xanuun
  • Saxaro u eg dhoobo
  • Kaadi hurdi tikh ah
  • Xumad

Mudada ay ku qaadato in calaamadaha caabuqu soo if-baxaan

Marka fayraska Hepatitis B soo galo jidhka qofka, waxay ku qaadataaa in calaamadaha caabuqu soo if-baxaan inta u dhexaysa 60 maalmood ilaa 150 maalmood.

Sida uu u faafo Cagaarshowga B

Cagaarshowga B wuxuu ka mid yahay caabuqyada dhiig ku-faafka ah (bloodborne pathogens). Caabuqa waxaaa lagu kala qaadaa marka dhiigga ama dheecaanka bukaanku uu galo habdhiska wareega dhiigga ee qof kale. Tusaale ahaan, haddii gabadh uur leh uu ku dhaco caabuqu, waxay ilamadeeda u gudbin kartaa caabuqa maraka uu ilmuhu ku jiro uurka ama marka uu dhalanayo. Dheecaanka shahwada ee xiliga galmada ayaa iyna ah si kale oo qof qaba caabuqu uu fayraska keena caabuqa ugu gudbin karo qofka kale ee la galmoonaya. Waxaa kale oo lagu kala qaadaa marka irbad lagu muday bukaan qaba Cagaarshowga B ay si shil ah u muddo (needle stick) qofka kale. Dadka daraagiistaha ah ee irbadaha daraagga wada isticimaala ayaa iyana ah si kale oo la isugu gudbiyo caaabuqa.

Sida looga hortago in caabuqa Cagaarshowga B uu faafo

Marka bukaan qaba Cagaarshowga A lagu daweynayo xarun caafimaad ama cusbitaal, shaqaalaha caafimaadku waa inay raacaan taxadarada guud (Standard Precautions). Si aan caabuqu ugu dhicin shaqaalaha caafimaadka, waa in cusbitaalku uu lahaadaa qorshaha lagaga hortago caabuqyada dhiig ku-faafka iyo maaraynta caabuq-gaadhka (Bloodborne Pathohens Exposure Control Plan).

Caafimaadka bulshada

Sida ugu wanaagsan ee caabuqa loogaga hortegi karaa waa in caruurta iyo dhalaanka laga talaalaa Cagaarwhowda B. Sidoo kale, waa in la talaalaa dadka halista ugu jira in Cagaarshowga B uu ku dhaco. Dadkaas oo aynu kor ku soo xusnay waxaa ka mid ah:

  • Qofka u galmoonaya qof qaba Cagaarshowga B
  • Ragga u galmood ragga
  • Dadka daraagiistaha ah ee wadaaga irbadaaha ay ku isticimaalaan daraagga
  • Shaqaalaha caafimaadka
  • Dadka dhiigooda lagu safeeyo mashiinka
  • Dadka qaba HIV
  • Dadka beerkoodu uu hayo caabuq jiitama oo mudo dheer haya
  • Dadka derbi-jiifka ah iyo dadka jeelasha ku jira

Sida loo baadho Cagaarshowga B

Marka qofka ay ka soo if-baxaan calaamadaha Cagaarshowga B iyo kuwa kale ee caabuq-fayraseedka beerku ee tilmaanta u ah in qofku qabo caabuqa Cagaarshowga B ayaa waxaa laga qaadaa dhiig. Dhiigaas ayaa waxaa laga baadhaa la-baadheyaasha soo socda:

HBsAg (Hepatitis B surface antigen): La-baadhahan oo ah jirka fayraska Hepatitis B Virus oo laga helo dhiiggu wuxuu muujinayaa in qofka uu hayo caabuqa Cagaarshowga B, caabuqaas oo noqon kara mid cusub oo ded-deg ah ama mid jiitama oo qofka mudo dheer soo hayey.

HBsAb (Hepatitis B surface antibody): La-baadhahan oo ah lid-jirka fayraska HBV oo laga helo dhiiggu wuxuu muujinayaa in qofku uu leeyahay difaac ama lid-jir kahortegi kara fayraska HBV. Difaacan ama lid-jirkani wuxuu noqon karaa mid uu sameeyey talaalka Cagaaarshowga B oo qofka la siiyey xili hore, ama wuxuu noqon karaa mid ka dhashay Cagaarshowga B oo qofka ku shacay xili hore oo uu ka bogsoodey.

HBcAb (Hepatitis B core antibody): La-baadhahan oo ah nooc kale oo lid-jirka fayraska HBV oo laga helo dhiiggu wuxuuu muujinaya in qofka uu hayo Cagaarshowga B ama uu caabuqa Cagaarshowgu xili hore qofka kusoo dhacay oo uu qofku ka bogsooday. Waxaa xusid mudan in lid-jirka noocan ahi aanay qofka ka difaaci karin Cagaarshowga B.

Shaxanka soo socda ayaa sharaxaya natiijooyinka suurtogalka ah ee sadexda la-baadhe ee kor ku suxan iyo sida loo fasirayo natiijooyinkooda. Calaamada “+” waxay la mid tahay “positive” ama in la-baadhudhu dhiigga ku jiro. Calaamada “-” waxay la mid tahay “negative” ama in la-baadhuhu aanu ku jirin dhiigga.

La-baadhahaNatiijadaFasiraada Natiijooyinka
HBsAg HBsAb HBcAb– – –Qofku ma qabo caauqa, kamana talaalna oo difaac iyo kahortag uma laha caabuqa
HBsAg HBsAb HBcAb– + +Qofku ma qabo caabuqa. Qofa caabuqu hore ayuu ugu dhacay oo wuu ka bogsooday oo difaac iyo hakortag buu u leeyahay caabuqa
HBsAg HBsAb HBcAb– + –Qofku ma qabo caabuqa. Qofku wuu ka talaalan yahay caabuqa oo difaac iyo kahortag buu u leeyahay caabuqa.
HBsAg HBsAb HBcAb IgM HBcAb+ – + +Qofka waxaa haya Cagaarshowga B oo ah mid cusub oo deg-deg ah
HBsAg HBsAb HBcAb IgM HBcAb+ – + –Qofka waxaa haya Cagaarshowga B oo ah mid jiitama oo qofka mudo soo hayey
HBsAg HBsAb HBcAb– – +Natiijooyinkani ma aha kuwo la fasiri karo. Waxaa loo baahan yahay baadhitaan dheeraad ah iyo in dhakhtar aqoon u leh Cagaarshowga B lala tashado

Maadaama oo Cagaarshowga B uu dhaawaco beerka, si loo ogaado in dhaawac soo gaadhay beerka iyo inta uu le’eg yahay dhaawacaasi, waxaa la samayn karaa baadhitaanada soo socda:

  • Qalabka Ultrasound, gaar ahaan nooca loo yaqaan Transient Elastography oo lagu eego beerka ayaa sheegi kara inta uu le’egyahay dhaawaca beerka soo gaadhay.
  • Beerka oo laga soo gooyo cad ama nudo (liver biopsy) oo dabadeedna nudahaas la daraasadeeyo ayaa iyana lagu ogaan karaa in dhaawac soo gaadhay beerka.

Sida loo daweeyo caabuqa Cagaarshowga B

  • Dadka uu hayo Cagaarshowga B ee deg-dega ahi (acute HBV) ma laha dawo u gaara. Qofka waxaa lagula tacaalaa nasasho iyo baxnaano.
  • Dadka uu hayo Cagaarshowga B ee jiitama ama mudada dheer qaata (chronic HBV) waa in dhakhtar takhasus u leh caabuqyada fayraska ee beerka uu arko bukaanka, qiimeeyo xaaladiisa, oo ku daweeyo dawooyinka lidka fayraksa ee loo ansixiyey in lagu daweeyo caabuqa Cagaarshowga B. Dawooyinkaasi waxay fayraka ka joojiyaan ama ka ilaaliyaan in uu tarmo, taas oo beerka ka ilaalisa in dhaawac iyo xanuun ku dhaco.
  • Dadka caabuq-keenuhu soo gaadhey laakiin aan weli caabuqu ku dhicin waa in la siiyaa lid-jirka HBIG. Waa in lid-jirkaas la siiyaa 12 saacadood gudahood kabacdi marka caabuq-keenuhu soo gaadhey jidhkooda. Haddii dadka caabuq-keenuhu soo gaadhey aanay ka talaalnayn Cagaarshowga B, waa in la talaalaa.
Mohamed Abdi
Mohamed Abdi
Articles: 40

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *