Maansada Qaaxo​

  • Qiimaynta cudurada
  • qaaxadaa ka kow ahe
  • qisadeedu waxay tahay
  • qufac aan dhamaanayn
  • qiyaastii usbuucyo ah
  • qandhada iyo xumad iyo
  • qadh-qadhyo iyo daal.
  • Marka leylku qaydmee
  • qamarkiyo xidiguhuna
  • cirka qaab u yeelaan
  • qarawgiyo hurdada dheer
  • naftu qaado-dhigaysana
  • dhidid soo qulqulayoo
  • jidhka qooynayaa jira 
  • qaaxo gaar u leedahay.
  • Ruuxii qurxoonaa
  • quwad iyo awood lahaa
  • caato iyo qalayl noqoy
  • halka laga qaniinee
  • qalfoofta iyo lafaha baday
  • qiil iyo jid loo waa.
  • Dheefta oo la quudhsado iyo
  • cunto laga qatoobana
  • qaaxaa u sababoo
  • waa cudur qudh-gooyoo
  • qaaradaha dunidana
  • malaayiin qabriga dhiga.
  • Balaayiin qoslaayoo
  • quman oon siloonayn
  • noloshooda qiiqsada
  • qarsoodi bay u haysaa.
  • Qoorriga Hindiya iyo
  • Qarnigaa Ifriiqiya
  • qalcado ayay ku leedahay
  • ka qadhaabataa weli.
  • Cisbitaalka qarankiyo
  • dhakhtarada wax qala iyo
  • ka quraan cashariyiyo
  • ka qashaafad saariyo
  • shaybaar xaako qaadow
  • hadal qaaya weynoo
  • quman oo ujeedo leh
  • qalin aan ku duugnee
  • qorshe lagu badbaadaa
  • qisadiisu waxay tahay
  • qof xanuunsanaayoo
  • qaaxo keento TB
  • sambabada qodaysoo
  • qux-quxda iyo neefsiga
  • xaako dhiig leh qubayaa
  • qolka lagu daryeelo
  • hawaadiisa qiiq iyo
  • jeermis baa qulqulayee
  • sanka iyo afkaba qari
  • mask N-95 ku qoofalo.
  • Qorshe kale wuxuu yahay
  • baadhitaan qub-dheer iyo
  • dawo lagu qaboowsado
  • dhamaanteed la qaataa
  • quman oo la siiyaa.
  • Qorshe kale wuxuu yahay
  • qaraabada la dhalatiyo
  • intuu qado la cunay iyo
  • qoyskiisa oo idil
  • halis bay u qoran yihiin
  • qaaxo inay haleesho e
  • rajo lagama quustee
  • kii nasiibku qadiyee
  • calaamadaha qaaxadu
  • iska soo qadimayaan
  • qol u gaara jiifshoo
  • qorshahaynu soo nidhi
  • isagana ku qaabila
  • qaadir ha idin daayee
Mohamed Abdi
Mohamed Abdi
Articles: 40

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *