
Caabuq-keeneyaasha aan nugleyn waa bakteeriyo ama fangas aan u nugleyn ugu yaraan hal dawo oo lid-jeermiska antaybayootikiska ka mid ah, dawadaas oo caadiyan lagu daweeyo bakteeriyadaas ama fangaskaas. Caabuq-keeneyaashan waxaa afka ingiriiska lagu yidhaahdaa Multi-drug Resistant Organims (MDRO). Caabuq-keeyaasha aan nugleyni waxay keenaan caabuqyo nooc walba leh sida Oofwareen, caabuqyada dhiigga, caabuqyada kaadimareenka, caabuqyada boogaha iyo maqaarka, caabuqyada shubanka, caabuqyada galmada lagu kala qaado, iyo kuwo kale oo badan. Maadaama oo caabuq-keeneyaashani aanay u nugleyn dawooyinka lid-jeermiska ee antaybayootidka qaarkood, way adag tahay in la daweeyaa.
Abla-ableynta Caabuq-keeneyaasha aan nugleyn
Dalka maraykanka caabuq-keeneyaashaani waxay keenaan qiyaastii 2.8 million oo caabuq sanadkiiba. Caabuqyadaasna waxaa u dhinta qiyaastii 35 kun oo qof sanadkiiba. Dalka Maraykanku wuxuu sanad kasta ku bixiyaa 4.8 billion oo doolar in lagu daweeyo oo lagu maareeyo caabuqyada ay sababaan caabuq-keenayaasha aan nugleyni. Hay’adaha caafimaadka bulshada iyo dawlada Maraykanku waxay caabuq-keeneyaasha aan nugleyn u aqoonsan yihiin halis ku wajahan caafimaadka bulshada iyo bukaanka. Sidaas darteed, dawlada Maraykanka iyo dawladha kale ee dhaqaalaha lihi waxay il gaar ah ku hayaan oo geliyaan dadaal in laga hortago in caabuq-keeneyaasha aan nugleyni ay faafaan. Hay’ ada caabifaadka aduunka ee WHO ayaa iyana u aqoonsan caabuqkeeneyaasha aan nugleyn mid ka mid ah 10-ka arimood ee halista ku ah caafimaadka aduunka iyo horumarka bini’aadamka. Caabuq-keeneyaasha aan nugleyn qaarkood waxa ay ku badan yihiin wadamo iyo gobolo dunida ka mid ah, halka kuwo kalena ay ku badan yihiin wadamo iyo gobolo kale. Waxaa kale oo jirta in wadamada soo koraya in badan oo ka mid ahi aanay lahayn shaybaaro, awood dhaqaale, iyo awood farsamo oo ay ku tirokoobaan kulana socdaan noocyada caabuq-keeneyaasha ee aan nugleyn ee ka jira wadamadooda.
Tadawurka caabuq-keeneyaasha aan nugleyn
Waxaa muhiim ah in aynu fahano laba arimood oo sahla jiritaanka iyo faafitaanka caabuq-keeneyaasha aan nugleyni:
- Isticimaalka aan haboonayn ama xad-dhaafka ah ee dawooyinka antaybayootikada wuxuu sababaa in bakteeriyada nugulka ahi baaba’do, halka kuwa aan nugleyni soo hadhaan oo dabadeenda tarmaan. Anintan waxaa lala xidhiidhiyaa aragtida tadawurka ee loo yaqaan (natural selection). Aragtidaas macnaneedu waxa weeye in ay deegaanka ay ka dhamaanayaan kuwa aan la qabsan dabeecada ee aan iska celin karin waxa lid-ka ku ah jiritoonkooda. Dhinaca kalena, waxaa deegaanka u soo hadha kuwa la qabsaday dabeecadda ee iska caabin kara waxa lidka ku ah jiritaankooda.
- Caabuq-keeneyaasha aan nugleyni waxay awoodaan inay faafiyaan hidesideyaashooda qaabeeya ee naqshadeeya kartida ay u leeyihiin inay noqdaan kuwo aan nugleyn. Caabuq-keeneyaasha aan nugleyni waxay hidesideyaashaas u gudbin karaan caabuqkeeneyaal noocyo kale ah oo markii hore ahaa kuwo nugul ah. Marka hidesideyaashaasi gaadhaan caabuq-keeneyaasha nugulka ah, waxay isu bedelaan kuwo aan nugleyn.
Sida ay u shaqeeyaan dawooyinka antaybayootikadu
Dawooyinka lid-jeermiska antaybayootikadu waxa ay u shaqeeyaan laba siyaabood:
- Iyaga oo burburiya qaab dhismeedka uguga baketeeriyada oo sidaas ku dila bakteeriyada. Antaybayootikada sidan u shaqeeya waxaa la yidhaahdaa bacteriocidal waxaana ka mid ah dawooyinka penicillin-ta la yidhaahdo.
- Iyaga oo ka joojiya samaynta borotiinka iyo hidesideyaasha DNA-da bakteeriyada taas oo ka hortagta in bakteeriyadu aanay tarmin. Antaybayootikada sidan u shaqeeya waxaa la yidhaahdaa bacteriostatic, waxaana ka mid ah dawada la yidhaahdo tetracycline
Sida ay caabuq-keene ku noqdo kuwo aan nugleyn
Laba siyaabood midkood bay caabuq-keeneyaashu ku noqdaan kuwo aan nugleyn:
- Caabuq-keeneyaasha qaarkood si dabiici ah ayay u yihiin kuwo aan nugleyn (inherent resistance)
- Caabuq-keeneyaasha qaarkood oo markii hore ahaa kuwo nugul ah ayaa isu bedela kuwo aan nugleyn (acquired resistance). Isbedelkaas waxay ku gaadheen kabacdi markii ay la qabsadeen dabeecada oo ay doorsoon iyo dhalan-gedis ku sameeyeen hidesideyaashooda qaarkood, hidesideyaashaas oo qaabeeya ama naqshadeeya kartida ay caabuqkeeneyaashaasi u yeelanayaan inay noqadaan kuwo aan nugleyn oo iska caabin kara dawooyinka lik-jeermiska antaybayootikada. Kartidaas waxaa ka mid ah in ay wax ka bedelaan qaab dhismeedkooda. Waxaa kale oo kartidaas ka mid ha in ay samaystaan dheecano anaybayootidada ka dhiga kuwo aan shaqaynayn. Caabuq-keeneyaashani waa kuwa ay dunidu ka wel-welsan tahay inay ku faafaan dadweynaha dhexdiisa.
Calaamadaha lagu garto caabuqyada ay keenaan
Maadaama oo caabuqkeeneyaasha aan nugleyni ay aad u badan yihiin oo islamarkaana ay keenaan caabuqyo aad badan oo kala duwan, calaamadahu waxay ku xidhan thay nooca caabuqa iyo nooca caabuq-keenaha.
Mudahada ay ku qaadato in calaamaduhu soo ifbaxaan
Maadaama oo caabuqkeeneyaasha aan nugleyni ay aad u badan yihiin oo islamarkaana ay keenaan caabuqyo aad badan oo kala duwan, mudada ay ku qaadato calaamadahu soo ifbaxaan waxay ku xidhan thay nooca caabuqa iyo nooca caabuq-keenaha.
Sida ay caabuq-keeneyaasha aan nugleyni ugu dhex faafaan cusbitaalka iyo xarumaha caafimaad
Bukaan-jiifka waxaa caabuq-keeneyaasha aan nugleyni ugu dhex faafaan habka Taabasho ku-faafka, gaar ahaan taabashada aan tooska ahayn. Labada tusaale ee soo socda ayaa inoo tilmaamaya sida ugu badan ee caabuq-keeneyasha aan nugleyni ugu dhex faafaan bukaan-jiifka:
Gacmaha shaqaalaha caafimaadka
Haddii shaqaalaha caafimaadku ay daryeelaan qof qaba caabuq uu keenay caabuq-keene aan nugleyni, dabadeedna qofkii shaqaalaha caafimaadka ahaa uu isaga oo aan gacmaha iska nadiifin uu daryeel caafimaad siiyo bukaan-jiif kale oo aan caabuqa qabin. Gacmahaas aan nadiifta ahayn ee qofka shaqaalaha caafimaadku waxay caabuq-keenaha aan nuqleyn u gudbin karaan bukaan-jiifka danbe.
Qalabka lagu daryeelo bukaanka
Haddii qalab ama qol lagu daryeelo bukaan-jiif qaba caabuq uu keenay caabuq-keene aan nugleyni. Dabadeedna, qalabkii ama qolkii oo aan si buuxda loo nadiifin lagu daryeelo bukaan-jiif kale oo aan caabuqa qabin. Bukaan-jiifka danbe wuxuu caabuq-keenaha ka qaadi karaa qalabkaas ama qolkaas aan nadiifta ahayn.
Sida ay caabuq-keeneyaasha aan nugleyni ugu dhex faafaan bulshada dhexdeeda
Caabuq-keeneyaasha aan nugleyni waxay ku dhex faafaan dadweynaha. Is taabashada, isla-kulanka, isu-galmoodka, wax wada cunid, iyo gud ahaan fayodhowrka oo xun ayaa ka mid ahi siyaabaha ay caabuq-keenaaysha aan nugleyni uga faafaan qofka sidaha ah ama bukaanka ah oo dabadeed ay u gudbaan qofka kale.

Caabuq-keeneyaasha aan nugleyni waxay ku dhex faafaan xoolaha nool. Gaar ahaan, wadamada hore u maray waxay xoolahooda siiyaan antaybayootiko ay xoolaha kaga ilaaliyaan caabuqyada faafa. Sida dadka oo kale, antaybayootikadaasi waxay dishaa bakteeriyada nugulka ah ee qaarkood faa’iidada u leeyihiin xoolaha, laakiin ma dilaan caabuq-keeneyaasha aan nugleyn. Sidaas darteed, caabuq-keeneyaashaashi waxay ku tarmaan xoolaha oo weliba ay ku dhex faafaan xoolaha. Marka dadku taabtaan xoolaha ama cunaan hilibka xoolahaas, caabuq-keeneyaashaasi waxay u gudbi karaan dadka. Waxaa la ixtimaali karaa in halistani aanay ka jirin dhulweynaha Soomaalidu degto, maadaama oo aan xoolaha soomaalida la siinin antaybayootiko.\

Caabuq-keeneyaasha aan nugleyni waxay ka faafaan deegaanka. Waxaa isa soo taraya cilmi-baadhista tilmaamaysa in caabuq-keeneyaasha aan nugleyni ku faafaan deegaanka, gaar ahaan beeraha lagu shubay ama lagu rusheeyey milan ay ku jiraan kiimikada lid-jeermiska sida kiimikada lidka fangaska (fangcidal). Hay’ada CDC waxay cadaysay in fangaska loo yaqaan Aspergillus fumigatus oo ah mid aan nugleyn laga helay deegaanka. Fangaskaasi wuxuu sanadihii la soo dhaafay caabuq u keenay dhowr qof dalka Maraykanka. Waxaa kale oo jira cilmi-baadhis ka wel-welsan in qashinka iyo biyaha wasakhaysan ee wershedaha antaybayootikada soo saaraa ku shubaan deegaanka ay horseedaan in caabuq-keeneyaasha aan nugleyni ay ku faafaan deegaanaas.
Sida looga hortago caabuq-keeneyaasha aan nugleyn
Talooyinka wanaagsan ee lagaga hortegi karo faafidda caabuq-keeneyaashan waxaynu kusoo koobaynaa dhowrka talo ee soo socda:
- Dawooyinka lid-jeermiska antaybayootikada oo loo qaato loona isticimaalo sida ugu haboon
- Wadanka, gobolka, degmada, iyo cusbitaalada oo yeesha mashruuca isticimaalka haboon ee antaybayootikda
- Wadanka, gobolka, degmada, iyo cusbitaalada oo yeesha hab wada-shaqayneed oo lagu ogaanayo nooca iyo sida caabuq-keeneyaashu ugu faafayaan dadweynaha iyo bukaan-jiifka.
- Biyaha aan nadiifta ahayn oo aan la cabin ama la isticimaalin
- Waa in la raacaa taxadaradda taabasho ku-faafka iyo taxadaradda guud, marka cusbitaaalka lagu daweynayo bukaan-jiif qaba caabuq uu keenay caabuq-keene aan nugleyni.
Sida loo baadho caabuq-keeneyaasha aan nugleyn
Habka shaybaarka ee korinta caabuq-keeneyaasha
- Nudo ama dheecaan ayaa laga soo qaadaa qaybta jidhka ee caabuqu ku dhacay.
- Nudihii ama dheecaankii ayaa lagu dul abuuraa saxan yar (petri dish) oo ay ku jiraan dheef iyo nafaqo ay ku kori karaan caabuq-keeneyaasha la baadhayo.
- Sambalka dhiiga waxa marka hore lagu beeraa oo lagu tarmiyaa dhalo uu ku jiro milan leh dheef iyo nafaqo. Markaas ka bacdi ayaa sambal laga soo qaadaa dhalada oo hadana lagu beeraa oo lagu tarmiyaa saxanka yar dushiisa.
- Saxankii yaraa waxaa la geliyaa mishiin leh heer-kul iyo hawo u fiican korinta caabuq-keeneyaasha.
- Inta u dhexaysa maalin ilaa shan maalmood ayaa la eegaa in caabuq-keeneyaashii ay ku tarmeen saxanka dushiisa.
- Haddii caabuq-keene uu ku tarmay saxanka yar dushiisa, waxaa la sameeyee baadhitaano dheeraad ah si loo ogaado nooca caabuq-keenaha. Baadhitaanadaas dheeraadka ah waxaa ka mid ah baadhitaanka nuglaanta (sensitivity test ama susceptibility test) oo ah kan lagu ogaado noocyda lid-jeermiska antaybayootikada ee cabuq-keenuhu u nugul yahay iyo kuwa aanu u nugleyn. Baadhitaanka nuglaanta waxaa kale oo lagu ogaadaa dawooyinka lid-jeermiska antaybayootikada ee lagu daweyn karo caabuqa oo ah kuwa caabuq-keenuhu u nugul yahay.
Hababka kale ee shaybaarka
Waxaa xusid mudan in ay jiraan dhowr hab oo kale oo ka duwan habka korinta (culture) oo lagu ogaan karo nooca caabuq-keenaha iyo welibia antaybayootikada uu u nugul yahay iyo kuwa aanu u nugleyn. Hababkaas waxaa ka mid ah kan loo yaqaan PCR (Polymerase Chain Reaction) iyo habka kale ee loo yaqaan Molecular biology.
Caabuq-keeneyaasha koriinkoodu raago
Waxaa iyana xusid mudan in caabuq-keeneyaasha qaarkood ay ku qaadato dhowr todobaad in ay ku koraan oo ku tarmaan saxanka yar oo lagu koriyo caabuq-keeneyaasha. Caabuqyadan koriinkooda iyo tarantoodu raagto waxaa ka mid ah bakteeriyada keenta Qaaxada ee loo yaqaan Mycobacterium Tuberculosis. Nasiib wanaag, habka midabaynta ee AFB (Acid-Fast-Bacili) oo lagu lamaaniyey habka PCR ayaa si toos ah xaakada qofka jiran looga ogaan karaa in caabuq-keenuhu yahay Mycobacterium tuberculopsis. Habka PCR wuxuu kale oo awood u leeyahay inuu baadho in bakteeriyada Mycobacterium tuberculopsis ay u nugul-shahay ama aanay u nugleyn dawada Pyrazinamide oo ah mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan afarta dawo ee lagu daweeyo Qaaxada.
La socodka heerka caabuq-keeneyaasha aan nugleyn
- Khatar-qiimayn ku xaqiiji inay muhiim tahay in lala socdo heerka caabuq-keeneyaasha.
- Raac sharciga, haddii dowladu waajib ka dhigtay in lala socdo heerka caabuq-keeneyaasha aan nugleyn.
- Waa in la ogaadaa nooca bukaanka iyo qaybaha cusbitaalka ee ay ku badan yihiin caabuq-keeneyaasha aan nugleyni.
- Macluumaad la xidhiidha sida ugu wanaagsan ee loola socon karo heerka caabuq-keeneyaasha aan nugleyn waxaa laga heli karaa mareegta ay leedahay hay’ada NHSN.
Tixraac (Reference)
- Andersson D.I. and Hughes D. 2017. Selection and transmission of antibiotic-resistant bacteria. Microbiol. Spectr. 5(4)
- Beaber J.W., Hochhut B., and Waldor M.K. 2004. SOS response promotes horizontal dissemination of antibiotic resistance genes. Nature, 427: 72–74.
- Boyd D., Taylor G., Fuller J., Bryce E., Embree J., Gravel D., et al. 2015. Complete sequence of four multidrug-resistant MOBQ1 plasmids harboring blaGES-5 isolated from Escherichia coli and Serratia marcescens persisting in a hospital in Canada. Microb. Drug Resist. 21: 253–260
- CDC. 2007 Guideline for Isolation Precautions: Preventing Transmission of Infectious Agents in Healthcare Settings. www.cdc.gov/infectioncontrol/pdf/guidelines/isolation-guidelines-H.pdf. Accessed September 19, 2021.
- CDC. Antibiotic Resistance Threats in the United States 2019. www.cdc.gov/drugresistance/pdf/threats-report/2019-ar-threats-report-508.pdf. Accessed September 19, 2021.
- World Health Organizaiton. Antimicrobial Resistance. www.who.int/news-room/fact-sheets/detail/antimicrobial-resistance. September 19, 2021.




