
Caabuqa Qoorgooyuhu wuxuu ku dhacaa oo barar-caabuq ku sameeyaa dheecaanka iyo sadexda xuub oo loo yaqaan meninges ee kor kaga dahaadhan maskaxda iyo xangulaha dhexmara laf-dhabarta. Caabuqa Qoorgooyaha waxaa keena noocyo kala duwan oo caabuq-keeneyaal ah sida bakteeriyo, fayras, fangi, baarasayt, iyo amiiba. Halista caafimaad ee qoorgooyuhu waxay ku xidhan tahay nooca caabuq-keenaha.
Qoorgooyaha ay keento bakteeriyadu
Qoorgooyaha bakteeriyadu keentaa wuu ka halis badan yahay qoorgooyaha ay keenaan caaqub-keeneyaasha aan bakteeriyada ahayni, wuxuuna sababi karaa geeri qofka ku timaada saacado gudahood. Inkastoo dadka intiisa badani ka bogsadaan qoorgooyaha bakteeriyadu keento, hadana caabuqani wuxuu horseedi karaa dhibaatooyin caafimaad oo aan kasoo kabasho lahayn sida dhaawac ku yimaada maskaxda, dhego-beel, fahan la’aan.
Noocyada bakteeriyada ee inta badan keena caabuqa qoorgooyaha
- Streptococcus pneumoniae
- Group B Streptococcus
- Neisseria meningitidis
- Haemophilus influenzae
- Listeria monocytogenes
Bakteeriyadani waxay kale oo keenaan cudurka Sebsiska (sepsis) oo ah marka jidhku si baahsan uga falceliyo caabuqa. Jidhku wuxuu walxo kiimiko kusii daayaa habdhiska wareega dhiigga. Sebsisku wuxuu jidhka ku dhacaa marka kiimikadaas farobadnaan darteed jidhku maarayn kari waayo oo dabadeedna kiimikadaasi waxyeelo u geysato xubno ama habdhisyo badan oo jidhka ka mid ah.
Dadka halista dheeraadka ah ugu jira inuu ku dhaco caabuqa Qoorgooyuhu
- Dhalaanku waxay u nugul yihiin in uu ku dhaco caabuqa Qoorgooyuhu
- Dadka ku sugan ama ku nool meelaha kadku ku urursan yihiin. Tusaale ahaan Jaamacadaha iyo iskuulada waxaa mar mar ka dilaaca caabuqa Qoorgooyaha ee ay sababto bakteeriyada Neisseria meningitidis.
- Dadka u safra wadamada ku yaal dhulka loo yaqaan suunka qoorgooyaha (meningitis belt ) ee kuyaal badhtamah ilaa galbeedka qaarada Afrika. Gaar ahaan haddii ay u safraan xiliga ay kacsan yihiin dabaysha iyo siigudau. Sidoo kale, caabuqa Qoorgooyaha ee ay keento bakteeriyada Neisseria meningitidis wuxuu mar mar ka dilaacaa goobaha loo aado cibaadada sida Xajka.
- Shaybaariisteyaasha baadha xaakada ama dhiiga laga soo qaaday qokfa laga baadhayo caabuqa Qoorgooyaha.
Calaamadaha caabuqa Qoorgooyaha bakteeriyadu keento
Calaamadaha caabuqa Qoorgooyaha ee inta badan soo if-baxaa waxaa weeye:
- Xumad
- Madax-xanuun
- Luqunta oo tig-tiganta
Calaaamadaha kale ee inta badan lagu arko bukaanku waxaa weeye :
- Wareer
- Lalabo
- Matag
- Indhadha oo dhibsada ilayska (photophobia)
- Miyir-beel
- Suuxid
Waxaa dhici karta in dhalaanka hadda dhashay aanay yeelan ama ay adag tahay in laga dareemo calaamadahaas kor ku xusan. Calaamadaha lagu arki karo dhalaanka hadda dhashay waxa weeye:
- Oohin
- Xanaaq
- Matag
- Cunto ka go’id
- Firfircooni la’aan.
- Dhalaanka mudada jiray madaxooda qaybta jilicsan oo soo buuranta ayaa ah calaamad kale oo lagu garto caabuqa Qoorgooyaha.
Mudada ay ku qaadato in calaamadaha Qoorgooyuhu soo if-baxaan
Inta badan calaamaduhu si deg-deg ah ayay u soo ib-baxaan, walow ay qaadan karto ilaa dhowr maalmood in calaamaduhu soo if-baxaan.
Sida uu u faafo Qoorgooyaha ay keenaan bakteeriyadu
Sida uu u faafo Qoorgooyaha bakteeriyadu keento waxay ku xidhan tahay nooca bakteeriyada. Qaar ka mid ah caabuq-keeneyaashu waxa ay ku faafaan habka dhibic ku-faafka. Waxaa muhiim ah in la ogaado in dadka qaarkii ay yihiin sideyaasha bakreeriyada keenta Qoorgooyaha. Sideyaashu ma qabaan caabuqa Qoorgooyaha laakiin bakteeriyada ayaa ku nool meelo ka mid ah jidhkooda. Tusaale ahaan:
- Hooyadu marka ay umulayso waxay bakteeriyada Group B Streptococcus iyo E coli ee ku nool habdhiska taranka u gudbin kartaa ilmaha dhalanaya
- Dadka is weydaarsada calyada marka ay is dhunkanayaan ama isku qufacaan ama wadaaga weelka wax lagu cuno, ama kuwada nool gurigu waxay isu gudbin karaan bakteeriyada Neisseria meningiditis
- Labada bakteeriyo ee Haemophilus influenzae iyo Streptococcus pneumoniae waxaa la kala qaadi karaa marka qofka sidaha ah ama qaba Qoorgooye uu ku qufaco ama hindhiso dadka aadka ugu dhow oo dadkaasina neefsadaan bakteeriyada
Sida looga hortago caabuqa Qoorgooyaha ee bakteeriyadu keento
Marka bukaanka qaba caabuqa Qoorgooyaha ee ay bakteeriyadu keento lagu daryeelayo xarun caafimaad ama cusbitaal, waa in la raacaa taxadarada ku haboon nooca bakteeriyada keentay Qoorgooyaha. Jaantuska soo socdaa wuxuu muujinayaa qaar ka mid ah caabuq-keeneyaasha bakteeriyada, taxadarada ku haboon, iyo mudada ay soconayso soocidda bukaanku:
| Noocabakteeriyada | Nooca taxadarka | Mudada ay soconayso soociddu |
| Streptococcuss pneumoniae | Taxadarada Guud | Looma baahna in bukaanka la sooco |
| Haemophilus influenzae b | Taxadarada dhibic ku-faafka iyo taxadarada guud | 24-saacadood kabacdi marka la siiyo dawo la hubo inay daweyso caabuqa ayaa bukaanka laga saari karaa soocidda. |
| Neisseria meningitidis | Taxadarka dhibic ku-faafka iyo taxdarada guud | 24-saacadood kabacdi marka la siiyo dawo la hubo inay daweyso caabuqa ayaa bukaanka laga saari karaa soocidda.Xubnaha qoyska ee bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadka ee uu afkooda ama sankooda galeen, dhibco ama dheecaan ka soo baxay afka ama sanka bukaanku waa in la siiyaa dawooyinka antaybayootikada ee lagaga hortago caabuqa (prophylaxis). |
| Mycobacterium tuberculosis | Taxadarada guud | Looma baahna in bukaanjiifka la soocoWaa in la raacaa Taxadarada hawo ku-faafka haddii bukaanku uu qabo Qaaxada sambabada ama dhuunta ama boog-caabuqeed ay sababatay M tuberculosis oo dareere ka imanayo. |
| Listeria monocytogenes | Taxadarada guud | Looma baahna in bukaanka la sooco |
| Bakteeriyada kale oo dhan | Taxdarada guud | Looma baahna in dhalaanka la sooco |
- Guji halkan si aad u ogaato faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha taxadarada kor ku xusan.
- Bukaanka qaba Qoorgooyaha dhibic ku-faafku waa in uu xirto maask. Xeeladan oo loo yaqaan “source control” waxaa lagaga hortegi karaa in caabuq-keenuhu uu ka baxo afka iyo sanka bukaanka.
- Waa in bukaanku si joogto ah u nadiifiyo gacmaha
- Qolka bukaanka iyo qalabka dhexyaala waa in si joogto ah oo buuxda loogu nadiifiyaa milanka nadiifinta ee dili kara bakteeriyada keentay Qoorgooyaha. Si gaar ah waa in loo nadiifiyaa meelaha ay gacmuhu sida joogtada ah u taabtaan.
- Si bukaanku aanu caabuqa ugu faafin xarunta caafimaad, waa in la yareeyaa in uu ku dhex warwareego cusbitaalka oo lagu ilaaliyaa qolkiisa.
- Shaqaalaha caafimaadku waa in ay si buuxda u raacaan taxadarada guud iyo taxadarada kale ee ku haboon bakteeriyada keentay Qoorgooyaha.
Caafimaadka bulshada
Sida ugu wanaagsan ee looga hortago caabuqa Qoorgooyaha ee bakteeriyadu keentaa waa iyadoo la qaato talaalada sadexda ah ee:
- Meningococcal ee lagaga hortago bakteeriyada meningitidis
- Pneumococcal ee lagaga hortago bakteeriyada pneumoniae
- Hib ee lagaga hortago bakteeriyada Haemophilus influenzae nooca B
Gabadha uurka leh, 4 ilaa 6 todobaad ka hor inta aanay umulin waa in laga baadhaa bakteeriyada Group B Streptococcus. Haddii bakteeriyada laga helo gabadha waxaa haboon in la siiyo dawo antaybayootiko ah oo baabi’in karta bakteeriyada. Sidaas oo la sameeyaa waxay fududaynaysaa in marka gabadhu umulayso aanay bakteeriyada u gudbin ilmaha oo aan ilmuhu qaadin caabuqa Qoorgooyaha.
Sida kale ee looga hortago in caabuqa Qoogooyuhu uu faafo waa iyada oo si ka hortag ah loo siiyo dawooyinka antaybayootikada lidka bakteeriyada dadka la xaqiijiyey inay si dhow ula kulmeen bukaanka qaba caabuqa Qoorgooyaha. Dadkaas oo laga cabsi qabo inay qaadi doonaan caabuqa. Si ay ugu haboonaadaan qaadashada dawooyinka, waxaa muhiim in la hubiyo in dadku si dhow ula kulmeen qofka qaba caabuqa Qoorgooyaha.
Nasasho la qaato, sigaarka oo aan la cabin, iyo dadka xanuunsanaya oo aan loo dhowaan ayaa iyna ah kuwo ka mid ah xeeladaha lagaga hortago in aan la qaadin caabuqa Qoorgooyaha.
Sida loo baadho Qoorgooyaha ay bakteeriyadu keento
Haddii uu dhakhtarku ka shakiyo in bukaanku uu qabo caabuqa Qoorgooyaha, waxaa laga qaadaa dhiig. Waxaa kale oo laga qaadaa dheecanka ku jira xangulaha laf-dhabarta iyo maskaxda ee loo yaqaan Cerebral Spinal Fuild (CSF). Dhiigaas iyo dheecaankaas ayaa loo diraa shaybaarka oo laga eegaa in ay jiraan calaamado Kemisteriyeed (Chemistry) iyo kuwo bakteeriyaad oo muujinaya in bukaanku qabo caabuqa Qoorgooyaha ee bakteeriyadu keento. Waxaa kale oo maskada bukaanka laga qaadaa sawir.
- Badhitaanada Kemisteriyeed: waxaa la cabiraa heerka borotiinka iyo sonkorta ee dheecaanka CSF. Heerka sonkorta oo hooseeyaa wuxuu calaamad u yahay in uu jiro caabuqa Qoorgooyaha ee bakteeriyadu keento
- Midabaynta Gram Stain: waxaa dheecaanka CSF laga baadhaa in ay bakteeriyo ku jirto. Waxaa kale ee la qiyaasaa tirada iyo noocyada unugyada cad-cad ee ku jira dheecaanka. Unugyada cad-cad ee Neutrophils oo aad ugu badan dareeraha CSF waxay iyana calaamad u tahay in uu jiro Qoorgooye ay bakteeriyo keentay.
- Korinta bakteeriyada: Dheecaanka CSF ayaa lagu abuuraa saxanada yar-yar ee petri-dish. Haddii bakteeriyo ku jirto dheecaanka, waxay ku kortaa saxanadaas yar-yar. Dhiig laga qaaday bukaanka ayaa sidan oo kale loo baadhaa marmarka qaar.
Sida loo daweeyo Qoorgooyaha ay bakteeriyadu keento
Waa in si deg-deg ah dawooyinka lidka bakteeriyada ee antaybayootikada loogu daweeyaa Qoorgooyaha bakteeriyadu sababto. Haddii Qoorgooyuhu yahay mid ded-deg ah, waa in dawooyinka lagu daraa faleebo oo bukaanka laga siiyaa xididada dhiigga. Nooca dawadu waxay ku xidhan tahay nooca bakteeriyada ee keentay Qoorgooyaha.




