Caabuqyada Shubanka: Diarrheal Diseases ​

Caabuqyada  shubanka waxaa keena caabuq-keeneyaal badan oo bakteeriyo, fayras iyo fungus ah kuwaas oo caabuq ku sameeya habdhiska dheefmareenka sida mindhicirka yar iyo kan weyn. Fayraska Rotavirus iyo bakteeriyada Escherichia coli ayaa ah caabuq-keeneyaasha inta badan keena shubaka ku dhaca caruurta iyo dadka ku nool wadamada soo koraya. Caabuq-keeneyaal kale oo badan oo ay ka mid yihiin Cagaarshowga A, Cryptosporidium iyo Shigella ayaa iyana  keena caabuqyada shubanka. Caabuqyada shubanku waxay ka mid yihiin caabuqyada inta badan ay u dhintaan caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano ee ku nool Soomaaliya iyo wadamo kale oo badan. Caabuqa ay keento bakteeriyada Clostridium difficile oo ah caabuq shuban keena oo ku dhaca mindhicirka weyn wuxuu ka mid yahay caabuqyada la xidhiidha daryeelka caafimaad (healthcare-associated infections).

Marka la eego sida loo garto iyo sida loo daweeyo, shubanka waxaa loo qaybiyaa sadexda nooc ee soo socda:

  • Shuban biyood socda dhowr saacadood ama dhowr maalmood oo qofka si deg-deg ah ugu dhaca. Daacuunka ayaa ka mid ah.
  • Shuban dhiig wata oo loo yaqaan disenteriya
  • Shuban socda ilaa 14 maalmood iyo in ka badan

Calaamadaha lagu garto caabuqyada Shubanka

Guud ahaan calaamadaha caabuqyada shubanka waxaa ka mid ah:

  • Shuban
  • Calool xanuun
  • Calool casiran
  • Xumad
  • Saxarad oo dhiig la socdo
  • Dibiro
  • Lalabo
  • Qofka oo doona inuu markasta suuliga saxaroodo
  • Fuuq-bax oo ah dar-xumada ugu weyn oo caabuqyada caabuqa shubanka u geystaan bukaanka.

Mudada ay ku qaadato in calaamadaha caabuqyada Shubanku soo if-baxaan

Maadaama oo caabuq-keeneyaasha keena Shubanku ay badan yihiin oo kala duwan yihiin, mudada ay ku qaadato in calaamaduhu soo if-baxaan waxay ku xidhan tahay nooca caabuq-keenaha. Tusaale ahaan fayraska Rotavirus waxay ku qaadataa 2 maalmood halka bakteeriyada Staphylococcus aureus ku qaadato 30 daqiiqo ilaa 8 saacadood. Jaantuska soo socdaa wuxuu muujinaya qaar ka mid ah caabuq-keeneyaasha iyo mudada ku qaadato in calaamaduhu soo if-baxaan.

Nooca Caabuq-keenahaMudada ay ku qaadato in calaamaduhu soo if-baxaan
Staphyococcus aureus2 ilaa 4 saacadood
Campylobacter jejuni/coli2 ilaa 10 maalmood
Cholera1 ilaa 5 maalmood
C. difficile2 ilaa 3 maalmood
E. coli Enteropathogenic O157:H7 3 ilaa 4 maalmood
E. coliEnterotoxigenic (ETEC)3 ilaa 4 maalmood
Giardia lamblia3 ilaa 25 maalmood
Noroviruses12 ilaa 48 saacadood
RotavirusLaba maalmood
Salmonella S. typhi7 ilaa 14 maalmood
Shigella species (Bacillary dysentery)2 ilaa 4 maalmood
Vibrio parahaemolyticus4 ilaa 30 saacadood
Yersinia enterocolitica4 ilaa 6 maalmood

Sida ay u faafaan caabuqyada Shubanku

Caabuqyada Shubanku waxay inta badan dadka ku dhacaan marka ay cabaan ama wax ku karsadaan biyo ay wasakhaysay saxaro uu la socdo caabuq-keene. Nadaafad xumada deegaanka iyo dadka ayaa iyaguna door weyn ka qaata in caabuqada Shubanku faafaan. Xarumaha caafimaadkana, shaqaalaha caafimaadka oo aan gacmaha iska nadiifin iyo qalabka daryeelka bukaanka oo aan la nadiifin ayaa caabuqyada Shubanka ku dhex faafin kara bukaanka iyo shaqaalaha caafimaakda. Qaar ka mid ah caabuqyada Shubanku waxay ku faafaan habka “fecal to oral” oo ka mid ah habka taabasho ku faafka. 

Sida looga hortago caabuqyada Shubanka:

Taxadarada lagaga hortago caabuqyada Shubanku waxay ku xidhan tahay nooca caabuq-keenaha. Marka cusbitaalka lagu daryeelayo bukaan qaba Shuban (caabuq-keenuhu noocuu doono ha ahaadee) waa in mar walba la raacaa taxadarada guud. Sidoo kale, caabuq-keenuhu noocuu doono ha ahaadee, waa in la raacaa taxadarada taabasho ku-faafka iyo taxadarada guud marka la daryeelayo caruurta yar yar ee xidhan xafaayada iyo dadka waayeelka ah ee aan ceshan karin saxarada. Qaar ka mid ah caabuqyada Shubanka, waa in mar walba la raaco taxadarada taabasho ku-faafka iyo taxadarada guud, bukaanku noocuu doono ha ahaadee. Jaantuska soo socda ayaa muujinaya qaar ka mid ah caabuq-keeneyaasha keena caabuqyada Shubanka iyo taxadarada ku haboon mid kasta.

Nooca Caabuq-keenaha Nooca Taxadarka
AdenovirusTaxadarada guud
Campylobacter speciesTaxadarada guud
Cholera (Vibrio cholerae)Taxadarada guud
C. difficileTaxadarada taabasho ku-faafka iyo taxadarada guud
Cryptosporidium speciesTaxadarada guud
E. coli Enteropathogenic O157:H7 and other shiga toxinproducing strainsTaxadarada guud
E. coli Other speciesTaxadarada guud
Giardia lambliaTaxadarada guud
NorovirusesTaxadarada guud
RotavirusTaxadarada taabasho ku-faafka iyo taxadarada guud
Salmonella species (including S. typhi)Taxadarada guud
Shigella species (Bacillary dysentery)Taxadarada guud
Vibrio parahaemolyticusTaxadarada guud
Yersinia enterocoliticaTaxadarada guud

Caafimaadka bulshada

Bulshadu waa inay  kor u qaadaa nadaafada deegaanka iyo nadaafada biyaha la cabo ama wax lagu karsado. Sidoo kale waa in gacmaha si joogto ah dadku ugu dhaqaan biyo iyo saabuun islamarkaana ay kor u qaadaan nadaafada jidhkooda.

Sida loo baadho caabuqyada Shubanka

Siyaabaha guud ee loo baadho waxaa ka mid ah:

  • Dhakhtarka oo baadhitaan jidhka ah ku sameeya qofka weydiiyana inuu qofku u safray meel ay ku badan yihiin cudurada shubanku
  • Dhiig laga qaado qofka si loo eego tirada urugyada cad cad ee dhiiga
  • Saxaro laga qaado qofka si loo baadho in bakeeriyo (ama sunteeda) ama parasite ay sababayaan cudurka
  • Colonoscopy oo ah tuumbo dhuuban oo afka hore ku leh kamarad oo qofka dabada laga geliyo si loogu eego in mindhiciradu leeyihiin calaamado muujinaya  caabuq ama cudur kale sida kansarka

Sida loo daweeyo caabuqyada Shubanka

Inta badan caabuqyada Shubanku mudo gaaban ka bacdi ayay iskood u bogsadaan, laakiin siyaabaha soo socda ayaa lagula tacaalaa caabuqyada Shubanka:

  • Caabuqyada Shubanka ee bakteeriyada iyo fangasyadu keenaan waxaa lagu daweeyaa antaybayootiko. Dawooyinka antaybayootikadu ma daweeyaan caabuqyada ay fayrasyadu keenaan.
  • Bukaanka oo la siiyo cabitaan si loogu soo celiyo dheecaankii iyo fuuqbixii shubanku sababay. Cabitaanku wuxuu noqon karaa milan cusbo leh, cabitaan khudaar laga miiray, fuud, ama biyo. Haddii bukaanku cabitaanka la siiyey uu kasii qaado Shuban iyo matag, waa in milanka lagu siiyaa habka faleebada.
Mohamed Abdi
Mohamed Abdi
Articles: 40