- Mycobacterium tuberculosis oo ah bakteeriyada keenta Qaaxda
- Measles (Rubeola) oo ah fayraska keena Jadeecada
- Varicella Zoster oo ah fayraska keena busbuska iyo shingeliska.
- Iyo caabuq-keeneyaal kale.
Marka qof qaba caabuq hawo-ku-faaf ahi uu qufaco, hindhiso ama qayliyo, waxaa habdhiskiisa neefsashada kasoo baxa dhibco uu ku laban yahoo caabuq-keenuhu. Dhibcahaasi marka ay hawada galaan ayaa waxaa ka yaraada qoyaanka. Dabadeedna waxay isu bedelaan dhibco aad u yar yar oo qalalan oo xambaarsan caabuq-keenaha. Dhibcahaas yaryar ee qalalan waxaa loo yaqaan dhibic bu’eed “Droplet nuclei”. Dhibcahaa yaryari waxay hawada ku jiri karaan waqti dheer oo saacado gaadhaya. Sidoo kale, dhibcahaas yaryari waxay hawada dhexdeeda ku socon karaan masaafo dheer. Taasi waxay ka dhigan tahay in dhibcahaa yaryar ee caabuq-keeneyaasha xambaarsani ay hawada ku sii jiri karaan xataa haddii qofka caabuqa qabay uu qolka ka baxay saacad ka hor.
Sida kale ee dhibcaha yar yar ee caabuq-keeneyaasha xambaarsani hawada ku geli karaan waa makra qaliin ama hab-daryeel oo kicin kara dhibco qoyan (aerosols) lagu sameeyo qaybta jidhka ee caabuqu hayo. Hab-daryeelada kiciya ee hawada geliya dhibcaha qoyan waxaa ka mid ah marka tuumbada macmalka ah ee neefsashada la gelinayo (intubation) ama laga saarayo (extubation) habdhiska neefsashada. Waxaa kale oo hab-daryeeladaas ka mid ah marka la furo ee la dhaqayo ama la dhayayo boog caabuq hayo, sida boogaha ay sababto qaaxada ku dhacda xubnaha ka baxsan habdhiska neefsashada (extra-pulmonary TB).

