Habka taabasho ku-faafka (Contact Transmission)Caabuq-keeneyaasha ku-faafa taabashada waxaa ka mid ah: 

  • Clostridioides difficile oo ah bakteeriyada keenta caabuq ku dhaca mindhicirka weyn oo sababa shuban daran. 
  • Sarcoptes scabeie oo ah dhiqlaha ama kutaan ili ma qabato ah oo keenta caabuqa Isnadaamiska. 
  • Diphtheria Cutaneous oo ah bakteeriyada keenta gowracatada 
  • Iyo caabuq-keeneyaal kale oo aad u badan

Habka taabasho ku-faafka waxaa loo sii kala qaybiyaa laba nooc: 

  • Taabashada tooska ah: Waa marka qofka jiran iyo qoka u nugul caabuqa uu jidhkoodu si toos ah isu taabto oo ay is weydaarsadaan dheecaan uu ku laban yahay caabuq-keenuhu. Tusaale, haddii qof caabuqa u nuguli uu taabto  qofka caabuqa qaba, deedna isaga oo aan gacmaha iska dhiqin uu taabto indhahiisa, sankiisa, ama afkiisa oo uu caabuq-keenuhu sidaas ugu gudbo jidhkiisa.
  • Taabashada aan tooska ahayn: Waa marka walaxi u kala gudbiso caabuqa laba qof oo midna qabo caabuqa midna u nugul yahay. Tusaale, haddii qof shaqaale caamiaad ahi uu daryeelo oo taabto qof jiran oo qaba caabuq, dabadeedna qofkii shaqaalaha caafimaad uu isaga oo aan gacmaha iska nadiifin uu taabto oo daryeel caafimaad siiyo qof kale oo aan caabuqa qabin laakiin u nugul. Tusaale kale, haddii qalab lagu daryeelay qof jiran oo caabuqa qaba iyada oo aan si buuxda qalabkii loo nadiifin la qaado oo lagu daryeelo qof kale oo aan caabuqa qabin laakiin u nugul. 

Cudurada faafaa badankoodu waxay ku faafaan dariiqada taabashada.

Mohamed Abdi
Mohamed Abdi
Articles: 40