Habka Dhibic-ku-faafka (Droplet Transmission)Caabuq-keeneyaasha ku faafa habka dhibicda waxaa ka mid ah:

  • Influenza oo ah fayraska keena hargabka
  • Bordetella pertussis oo ah bakteeriyada keenta xiiqdheerta.
  • Rhinovisus oo ah fayras keena caabuq u eg dureyga
  • iyo caabuq-keeneyaal badan oo kale.

Marka qofka jiran ee qaba caabuq dhibic-ku-faaf ahi uu  hindhiso, qufaco, ama qayliyo, waxaa qofka habdhiskiisa neefsashada ka soo baxa dhibco qoyan oo wata caabuq-keenaha. Haddii dhibcahaasi ay ku dhacaan afka, indhaha, ama sanka dadka u dhow qofka jiran, caabuq-keenuhu sidaas ayuu ugu gudbi karaa dadka.

Dhibcaha xambaarsan caabuq-keeneyaasha dhibic-ku-faafka ahi marka ay ka soo baxaan qofka jiran waxay hawada ku jiraan mudo aad u yar oo waxay markiiba  ku dhacaan dhulka, dadka, ama walxaha qofka jiran u jira masaafo ka yar 2 mitir. Haseyeeshee, caabuq-keeneyaasha dhibic-kufaafka ahi waxay hawo-ku-faaf noqon karaan marka qofka jiran lagu samaynayo hab-daryeel kicin kara oo hawada gelin kara dhibco ka yaryar kuwa kasoo baxa makra uu si dabiici ah u qufaco, hindhiso, ama qayliyo. Hab-daryeeladaas waxaa ka mid ah marka la nadiifinayo, la furayo ama qaliin lagu samaynayo dhuunta iyo xubnaha kale ee habdhiska neefsashada ee qofka qaba caabuqa dhibic-ku-faafka ah.

Fayraska keena caabuqa COVID-19 ee Corona virus ayaa ka mid ah caabuq-keeneyaasha ku faafa habka dhibic ku-faafka marka qofku qufaco, hindhiso, ama qayliyo. Laakiin Corona virus wuxuu noqdaa hawo-ku-aaf haddii qofka jiran lagu sameeyo hab-daryeel oo kicin kara oo hawada gelin kara dhibacaha yar-yar ee hawada ku jiri kara mudada dheer. 

Mohamed Abdi
Mohamed Abdi
Articles: 40