- MDRO (Multi-drug resistant organisams) oo ah bakteeriyooyin iyo fangasyo aan u nugleyn in badan oo ka mid ah dawooynka antaybayootikiska iyo antayfangalka. Inkastoo caabuq keeneyaashani ay inta badan ku dhex faafaan bukaan-jiifka ku jira cusbitaalada, hadana waxaa la cadeeyey in caabuq-keeneyaashani khatar wayn ku hayaan caafimaadka bulshada.
- Vibrio cholerae oo ah mid ka mid ah bakteeriyooyinka sumeeya cuntada (food poisoning germs) iyo weliba biyaha ku jira meelaha dadku ka dhaansadaan. Bakteeriyadani waa ta keenta shuban-biyoodka Daacuunka ee Cholera.
- Sarcoptes scabiei oo ah kutaan ama dhiqle ili ma aragtay ah oo keena caabuqa Isnadaamiska.
- Iyo caabuq-keeneyaal kale oo badan.
Habka faafiyaha guud waa marka caabuq-keenuhu ku faafo dad badan oo cunay cunto uu ku laban yahay caabuq-keenuhu, ama cabay biyo uu ku laban yahay caabuq-keenuhu, ama isticimaalay walax ama qalabka daryeelka bukaanka oo ku wasakhaysan caabuq-keenaha.

