- Plasmodium falciparum oo ah baarasaytka keena duumada. Baarasaytka waxaa dadka u kala gudbiya keneecada Anopheles.
- Schistosoma mansoni, S. haematobium, or S. japonicum oo ah gooryaano baarasaytyo ah oo keena caabuqa Kaadidhiigta ee loo yaqaan Biharzia ama Schistosomiasis. Gooryaanadu waxay ku tarmaan kana faafaan xaaxeeyada (snails) ku nool biyaha macaan.
- West Nile Virus oo keena caabuqa West Nile Virus. Fayraska waxaa dadka u kala gudbiya keneeda Culex.
- Dengue Virus oo ah fayraska keena caabuqa loo yaqaan Dengue fever. Fayraska waxaa dadka u kala gudbiya keneeda Aedes.
- Iyo caabuq-keeneyaal kale oo badan.
Caabuqyada ku faafa dulinku ama noolaha kale kuma dhex faafaan bukaanka ku jira xarumaha caafimaadka ama cusbitaalada si fiican loo dhisay oo nadaafadoodudana fiican tahay. Caabuqyadanai waxay ku badan yihiin dadka ku nool meelaha ay ku badan yihiin dulinka (sida kaneecada) iyo noolaha kale ee faafiya caabuq-keeneyaasha. Caabuq-keeneyaasha dhaliya caabuqyadan waxaa inta badan ka qaada qofka jirran dulinka loo yaqaan qaniinka ama kaneecada oo dabadeedna marka ay qaniinaan qof kale sidaa ugu gudbiya caabuq-keenaha.
Kuwo badan oo ka mid ah caabuqyada ku faafa dulinku waxay ka mid yihiin caabuqyada loo yaqaan NTDs (Neglected Tropical Diseases) oo macnaheedu yahay cudurada la ilaaway ee wadamada kulaylaha”. Taasi waxay muujinaysaa in caabuqyadani ay ku badan yihiin oo weli laga helo wadamada soo koroya ee dhaca dhulalka kulaylaha ah.

